Deg Deg: Musharax Cabdiwali Gaas oo gaaray garoowe iyo warar sheegaya in 3 Tigniko ah oo ilaaladda Gaas ahayd looga reebay Birta Dheer

Filed under: Wararka |

burtinle11-697x392

Waxaa goor aan saas u fogayn gaaray Caasimadda Puntland ee Garoow Musharax Cabdiwali Gaas oo Shalay lug kaga soo ambabaxay Gaalkacyo soona maray dhowr tuulo sidda Bacaadwayn Buuryaqab, dabaddeedna xalay Burtinle u hoyday, oo saaka Burtinle kasoo ambabaxay si u usoo gaaro Caasimadda.

Warar hoose ayaa sheegaya in saaka markii uu Musharaxa iyo Illaadiisii Galbinaysay ay marayeen Birta dheer in muddo ah lagu hakiyay halkaas illaa 3 gaari oo tignko ahna lagala haray

Birta dheer ayaa ah Kontarool Intaan Garoowe lasoogalin xoogaa u jirta.

Sidoo kale ayaa bishii hore baabuur tigniko ah oo musharaxa Duabi looga soo iibshay ay kaqaadeen Ciidanka Sirdoonka ee Puntland.