Dhagayso Beesha reer Mataan ee Abgaal oo si toosa Xassan Shiikh ugu sheegay hadii aan Gudoomiyaha Gobalka Banaadir lasiin ay Xassan Xamar kasaarayaan

Filed under: Wararka |

Shir ballaaran oo Beesha reer Mataan oo ah Beesha Abgaal isla markaana ah Beesha ugu baddan deegaanka Muqdisho ayaa shirka ay qabteen ujeedadiisu waxay ahayd in aanu dhaafin Booska Gudoomiyaha Gobalka Banaadir maadama Tarsan hadda xilkaas laga qaaday oo loo magacaabay Wasiir kuxigeenka Isboortiga.

Xassan Shiikh Maxamuud wax baddan baa lowgu baaqay war faraha kala bax Qabyaaladda iyo Koox diimeedka oo ogow in aad qaaday masiirkii umadda Soomaaliyeed oo ah masiir aqoon iyo karti durugsan ruuxleh oo kabixi kara masuuliyadda intaa le’eg u baahan.

Arrimahan waxay cadaynayaan in uu Xassan Shiikh ku fashilmay in uu Madaxwayne kasii noqdo Soomaaliya, waxaana wanaagsan in uu iscasilo inta goori goortahay oo arrmaha Soomaaliya dabaqabasho leeyihiin.

Waxaana uu tusaale wanaagsan ka dhigan karaa Madaxwaynaha Suuriya macangag nimadii iyo isku dhajintii kursigga meeshii ay dhigeen shacabkiissa.

Xassan Shiikh malaha karti uu ku hogaansho Soomaaliya taasina waa cadahay, waxaana hadda u wanaagsan in uu taas garawsado.

Halkaan ka dhagayso shirka Beesha Reer Mataan
[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2014/01/odyaal-xamar-kulan.mp3]

Ama Moobaalkaaga ka dhagayso