Dhagayso Kala Qaybsashadda deegaanadda Beelaha Daarood oo ay ku heshiiyeen Hogaamiyayaasha Beesha Irir ee Siilaanyo iyo Culusow

Filed under: Wararka |


Waxaa baryahan dadka lagu Jaahwareershaa Heshiis dhexmaray Somaliland iyo Somalia, laakiin xaqiiqda dhabtaa waxaa weeye Heshiiskii dhexmaray Beesha Irir ee ay ku kala qaybsanaysay Deegaanadda Beesha Daarood.

Somalias-Clan-Demography1

Qaar baddan oo kamidda Beesha Caalamka oo kashaqeeya in Soomaaliya lakala qayb qaybsho iyagoo u arka in ay Soomaaliya wadajirkeeddu uu hallis kukeeni karo Waddamadda Soomaaliya dariska la ah ee kiristaankaa ee Ethiopia iyo Kenya, sidaa la ajligeedna ay tahay lagama hadlaan in Soomaaliya lakala qayb qaybsho.

Waxaase dhanka kale garab socda oo aad rumaynaysaa markaad aragto Maabka Soomaaliya ee Kore in Beesha Daarood ay tahay Beesha uga Deegaanka balaaran Beelaha Soomnaaliya dega, isla markaana ay inta badan Hogaamiyaashii halgame yaasha ahaa ay ka dhalanjireen.

Xiligaan hadda ah Soomaalidii waxba isuguma jiraan oo beel walbaahi iyadaa deegaankeedda degta, Beesha Daarood maanta madagana deegaanadda awal Soomaaliya Caasimadaha u ahaan jiray ee Hargaysa iyo Muqdisho.

Waxaa dad baddan kayaabinaya marka aan idaacadaha kamaqalno Xassan Culusow iyo Siilaanyo oo kashiraya Arrimaha Soomaaliya iyo heshiiska Soomaliya iyo Soomaaliland iyo waxnoocaasa.

Dhanka kalena warbaahinta Voa-Somali iyo BBC-Somali ayaa reer Galbeedku si ula kac ah Madax uga dhigeen Shakhsiyaad Qabyaalad googaysay oo kasoo jeedda Beesha Hawiye.

Dad baddan baa aaminsan sababta Shakhsiyaadkaan idaacadahan lowgu dhiibtay ay ahayd mid ula kaca oo ah ujeedadda kadanbaysa in aan la ogaan u jeedooyinka guracan ee Daagaanadda Beesha Daarood loosii kala qaybinayo.

Bal halkaan ka dhagayso sidda Beesha Irir isugu jiibinyaan macaa dhanka warbaahinta Qaybsashadda deegaanadda Daaroodka sidii Dhurwaa Raq dayacan arkay oo kale
[audio:http://realaudio.rferl.org/voa/SO/2014/01/19/b1bef2c1-a052-42e7-bbd6-fa8036372081.mp3]

Ama Moobaalkaaga ka dhagayso

Bal u fiirso horey ayaa Ingiriisku afar ugu kala qaybshay Deegaanadda Daaroodka, hadana waxaad moodaa in aynan Siyaasiyiinta reer galbeedku kamarnayn fikrikaan deegaanadda Daaroodka lagu sii kala qaybinayo

Fikirkan ay Beelaha Irir ay waddaan ee ay doonayaan in ay ku qaybsadaan deegaanadda Beesha Daarood ayaa wuxuu reebi karaa cawaaqibxumo iyo dagaal daba dheeraadda oo Gobalka Geeska Africa oo dhan cawaaqib xumo usoo jiidda.

No-Divide-and-rule

Beesha Isaaq ayaad mooddaa hadii ay daandaansigga ay wadaan uu siisocdo in aynan huri doonin dagaal aad u cawaaqib xumaaddaa oo Soomaali meel xun kasii tuura.

Beesha Isaaq inta joojiso Ingiriis baan kala hadlaynaa Qadiyadda Soomaliland waa in ay kala hadlaan Qadiyadaas beesha Daarood ee ay dariska waligood ahaayeen, illaahayna deegaankaas kuwada abuuray, illaahay muslin kawada dhigay, illaahay Soomaali kawadda dhigay, Illaahay wiil iyo abtigi ka wadadhigay.

Beeshu ha ogaato in hadda ladhaafay xiligii jajuubka, waxaana ka maraga 1500 oo Alshabaaba oo aan taageero haysan baa maanta Caalamkoo dhan kasaari la’yahay inta baddan deegaanadda koonfurta Soomaaliya.

Maanta waxaa guusha yeelanaya ruuxii daacidnimo kashaqeeya iyo wanaag, laakiin Turki oo Ingiriis gadaal wax uga soo sheegayo ayaa noo xalaalaynaya deegaanadda Daaroodka, malaha Iidoorku waa riyoodeen.

Ma Culusow baase deegaanadda Daaroodka u xalaalaynaya Beesha Iidoor illeen Soomaali maanta waa istaqaanaaye

One Response to Dhagayso Kala Qaybsashadda deegaanadda Beelaha Daarood oo ay ku heshiiyeen Hogaamiyayaasha Beesha Irir ee Siilaanyo iyo Culusow