Dhagayso; Mag la Dhiibi Maayo (Cali Xuseen Xirsi “SYL”)

Filed under: Wararka |

Mag la Dhiibi Maayo


Soomaaliyey dhoohan!
Xaal waa dhammaadaye,
Dhanaanaatay maanta oo
Reedyaa dhawaaqee.
Nin walaalki gooyey
Ama dhiigga kaga qubay,
Isna inuu dhadhaminaayo
Geeridu dhab weeye,
Ayaan meesha lagu dhimannin,
Mag la dhiibi maayee!

Warka buugga lagu dhigey
Dhaxal buu ahaadee,
Dhulka siduu ku noolaado
Waa laysku dhaarshaye,
Waa lagu dhuftamayaa
Ruuxa is dhaqaajee,
Ayaan meesha lagu dhimannin,
Mag la dhiibi maayee!

Cali Xuseen Xirsi “Cali Makaadsade”

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2014/05/Makaadsade-Mag-la-Dhiibi-Maayo.mp3]

Ama Moobaalkaaga ka dhagayso

Waa kow iyo toddobaatan guuradii goortii la asaasay ururkii Leegada. 15.05.1943kii waxaa unkamay ”Somali Youth Club [SYC]” oo muddo dabadeed, 1947kii qaatay magaca ”Somali Youth

Waxannu jecelnahay in aannu si gaar ah munaasabaddan ugu xusno oo ku soo qaadanno qaar ka mid ah maansooyinkii qiimaha iyo qaayaha lahaa ee

Cali Xuseen Xirsi “Cali Makaadsade”

, gabyaagii weynaa ee xisbigii Leegada, isla markaana ahaa horseed iyo halgamaa gobannimo-u-dirirkii, madaxbannaanidii iyo la-dagaalankii gumeystayaashii kala duwanaa.