DHAGEYSO:-Dood Looga Hadlayay Federaalka, M/Goboleedyada iyo Puntland, Waxaa Ka Qeyb Galay Siyaasiinta Kala Ah Cabdiwali Gurey, Cabdi-Daahir Yeey iyo Cabdiraxmaan Gablax!

Filed under: Important News,Wararka |

Xili 1 sano oo qura ay ka harsantahay waqtiga loo balansayahay in Soomaaliya, ay ka dhacdo Doorasho xor ah ayaa waxaa soo ifbaxeyso dadaal la’aan dhanka dowlada ah.

Waxaa xoogeystay muranka ka dhex jira Maamul Goboleedyada qaar sida Puntland iyo Dowlada taasi oo k timid dhismaha Maamulka Gal-mudug .

Sidoo kale waxaa uu xiligaan khilaaf aad u xun uu ka dhex taaganyahay Maamulka Jubaland iyo Dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

Wariye Cabdiqani Cali Dalmar , oo ah Agaasimaha Shabakada ee Umada News ayaa waxa uu qabtay Barnaamij gaar ah oo Looga hadlayay Federaalisimka iyo Xiriirka Maamul Goboleedyada Dalka.

Waxaa Barnaamijkan ka qeyb galay Sedex siyaasi oo kala ah

Dr.Cabdiwali Maxamuud Gurey oo ku sugan Dalka Ingriiska, waa siyaasi aqoonyahan Soomaaliye.Siyaasi Cabdi-daahir yuusuf Yeey, musharax hore ee Madaxtinimada Puntland oo ku sugnaa Varginia Mareykanka iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Gablax, oo degan dalka Canada.

Halkan ka dhageyso:

https://www.youtube.com/watch?v=DWaHAZVCN0Y