Dhaqaalaha Ay Dawladda Turkigu Ka Hesho Dalxiiska oo Gaaray 5 kun oo Million$ (Qormo gaaban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

Dawladda Turkiga ayaa waxay dhaqaale aad u baaxad wayn ka samaysaa dadka dalkeeda dalxiiska u yimaada dhaqaalahaas oo la gaarsiiyay 5000 oo million oo dollar, halka miisaaniyadda dfs Soomaaliya ay ka tahay 50 million$ sanadkii –> waa marka la odorasayo dakhliga asalkaa ee dfs usoo xarooda oo aan la buunbuunayn ama lagu darayn dakhliga dalalka shisheeye ay ku deeqaan, taasoo ka dhigan 5000/50, dhaqaalaha dawladda turkiga uga soo xarooda dalxiisayaasha wuxuu boqol jeer ka badan yahay miisaaniyadda dfs…

Halkaan ka eeg warbixin sheegaysa dakhliga dawladda turkiga uga soo xarooda dalxiiska mar la gaarsiiyay 5000 http://www.tradingeconomics.com/turkey/tourism-revenues..

Intii ay Soomaali isku mashquulsanayd haddii ay Soomaalidu ku mashquuli lahaayeen horumarinta dalkooda maantay halkay yaalaan ma aynan oolaadeen, laakiin waxay ku mashquuleen reer hebel burburi iyo wax aan mira wanaagsan dhalayn aakhiro iyo aduun toona .

Maxaad ka faa-iidaysaa hooyo soomaaliyeed oo wiil ay kusoo rafaaday aad xabad ku dhifatid, ama aad hooyo Soomaaliyeed gurigeed iyo hantideed dhacdid oo barakacisid aakhirka si ay u tagto oo uga baryootanto xeryaha Kenya iyo Yemen.

Soomaalidu ha iska qabteen siyaasi kasta oo aan cadaalad ugu adeegayn.

Akhri qormooyin la xiriira miisaaniyadda iyo gdp-ga oo aan horey ugu daabacnay Puntlandobserver

One Response to Dhaqaalaha Ay Dawladda Turkigu Ka Hesho Dalxiiska oo Gaaray 5 kun oo Million$ (Qormo gaaban)

  1. Pingback: Dhaqaalaha Ay Dawladda Turkigu Ka Hesho Dalxiiska oo Gaaray 5 kun oo Million$ (Qormo gaaban) - Daily Somalia Report