DHEGEYSO MUDANE CABDIRAXMAAN SH. MAXAMED GABLAX OO U WARRAMAY GOLAHA 1960

Filed under: Important News,Wararka |

gablax-2
Aqoonyahan Dr. Faysal Cabdi Rooble oo ah macallin Jaamacadda UCLA wax ka dhiga, ahna siyaasi si qota dheer ugu jira siyaasadda Soomaaliya, ayaa Golaha Shacabka Soomaaliyeed ee Golaha 1960 uga warramay shirkii dhowaan Dawladda Fadaraalka iyo xubnaha dawlad goboleedyada ku dhex maray caasimadda Jabbuuti. Shirkaas ayuu Dr. Faysal ku sheegay mid lagu gorfaynayey ‘arrimaha fadaraalka,’ iyadoo sida uu sheegay ay biya kama dhibcaan noqotay in fadaraalka hab socodkiisa halkaa laga sii ambaqaado.

Faysal ayaa wuxu ka hadlay arrimo fara badan oo ku saabsan siyaasadda dawladda fadaraalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyey hoggaan xumo ka jirta kuraasta dalka ugu sarraysa oo ay hagayaan shakhsiyaad muwaaddinnimadu ku yar tahay. Wuxu kaloo ka hadlay arrimaha khuseeya musuqmaasuqa baahay ee aafeeyey hay’adaha DFS.

Wuxu qayladhaan ka muujiyey heshiis Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dhowaan la saxiixday dawladda Sucuudiga, heshiiskaas oo daarranaa in dumar Soomaaliyeed oo qabta shaqooyinka hoose dalka Sucuudiga la geyn doono. Faysal ayaa yiri, “in dumar soomaaliyeed loo diro Sucuudiga oo ay ka shaqaystaan dhib ma lahaateen, haddii xaquuqdoodu tahay mid sharci ilaaliya ku salaysan, laakiin sida wax loo wado waxa dhici karta in gabdhaha soomaaliyeed karaamadooda ku waayaan ayna mutaan faraxumayn iyo hagardaamayn sidii lagula kacay dumar ka soo jeedey Bangaladish, Ethiopia, Philiphines, iyo kuwa kale,” ayuu yiri Faysal.

Source: http://www.golaha1960.com/wararka/dhegeyso-mudane-cabdiraxmaan-sh-maxamed-gablax-oo-u-warramay-golaha-1960/