Dhegeyso Warbixin Heshiiska Shidaal Baaris ee Shirkadda CCECC IYO Puntland Oo Ay Shirkaddu Ku Badalanayso Dhismayaasha Kaabayaal Dhaqaale

Filed under: Important News,Wararka |

List of International Oil Companies in Iraqi Kurdistan

Madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiwali Gaas ayaa heshiis lasoo galay shirkadda ccecc ee xarunteedu tahay addis ababa iyo jabuuti.
Shirkadda ccecc-china ayaa horey u dhistay garoonka caalamigaa ee boosaaso, waxayna sheegtay in lacagta ku baxday ay ahayd illaa 18 million, balse ay jeebkooda kaga dareen 12 million$ isla markaana dayn ku ah Puntland.
Hadda shirkadda ayaa heshiis shidaal baaris la gashay Puntland, waxayna shirkaddu hadda dhisaysaa ayraboorka Gaalkacyo iyo wadada Ayl iyo Garoowe.
Shirkadda ayaa la siiyay aagga bariga nugaal iyo waqooyiga mudug in ay muddo laba sano ah shidaal ka sahamiyaan, kadibna soo saaraan shidaalka iyagoo keenaya shirkado kale oo shidaalka soo saari kara,

Arrinkaan ayay shacabka Puntland aad u soo dhawaynayaan, waxayna dhanka kale guul u tahay xukuumadda Gaas.

4 Responses to Dhegeyso Warbixin Heshiiska Shidaal Baaris ee Shirkadda CCECC IYO Puntland Oo Ay Shirkaddu Ku Badalanayso Dhismayaasha Kaabayaal Dhaqaale