Dib u akhri February 24, 1868 waa markii ugu horaysay ee Madaxwayne Maraykan ah Baarlamaanku xukunka ka qaado waana markay bilaabatay in Madaxwaynuhu baqo oo adeege shacab noqdo (Akhri Qormo muhiima)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

andrew Jackson

Halkaan kilig garee si aad u aragtid qormadaan oo la daabacay 2013 iyo arrinkii markaa laga hadlayay oo wali meeshii iyo meel kasii liita maraya

Nidaamka dimoqraadiyadda ee aduunku intiisa badan ku dhaqmo waxaa laga keenay Dalka maraykanka, hadii ladoonayo in nidaamkan lagu dhaqo soomaaliyana waa in nidaamkaas qaabkay maraykanku usoo mareen taariikhdiisa iyo cilmigiisa markasta dib lowgu noqdo.

Dawladii ugu horaysay ee markii Maraykanku xoriyadda kaqaatay Boqortooyadii Ingiriiska waxaa ladhisay 1789, waxaana doorashadii Madaxwayne ku guulaystay George Washington.

Hadaan usoo noqdo qormaddan iyo ujeedadda cinwaanka mar aan daawaday filim aad uga sheekaynayaa Madaxwaynayaashii Maraykanka midkasta legasigii uu katagay oo aad halkaan ka daawankartaan, waxyaalhii aan daawaday waxaa aad ii soo jiitay.

Markii u horaysay ee ay Baarlamaanka maraykunku xukunkaqaadid (Impeachment) kusameeyaan Madaxwayne maraykana waxay ahayd February 24, 1868, taasoo lagu sameeyay Andrew Jackson Impeachment of Andrew Johnson.

Ninka Filimka ka sheekaynayay ayaa yiri waxay ahayd Horumarkii ugu sareeyay ee shacabka Maraykanka riditaankaas xukunka laga tuuray Andrew Johnson, waayo waxay ahayd istijaabin ay istijaabiyeen Golihii Baarlamaanka ee markaas jiray iyo ku camal falid Dastuurkii iyo awaamiirtii lagu heshiiyay, waxayna u furtay shacabka Maraykanka Albaab ifaya.

Waayo Maahmaahdii DIBIGA GAWRAC WANKU HAKU QUUSQAATEE ayaa suuragashay, waxaana ay noqotay in Madaxwayne kasta oo ladoorto uu sharciga dhawro oo uu baqo, maadaama uu ogaaday in hadii uu wax isdaba amriyo ay suurta galtahay in xukunka laga tuurayo.

Waxaa kaloo bilowday dhiiranaan iyo geesinimo soo gashay Xildhibaanadii, waxaa kor u kacay Qiimaha Xildhibaanka, waxaana ka qiimabatay Xildhibaanka madaxwaynaha, maadaama xildhibaanku uu ka awood badanyahay Madaxwaynaha.

Arrinkan ayaa larabaaa ama ay tahay u jeedada aan maqaalkan u soo qoray in ay shacabka Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan ka tusaale qaataan, isla markaasna ku baraaruqaan dhamaan dastuuradda aduunka ee jira waa kuwo laga soo maanguuriyay kaas maraykanka, waxaana boqolkiiba 50 iyo haldheeri ama 51% awoodda dalka waxaa leh Golaha Sharcidajinta ama wakiiladda ama Baarlamaanka hadba saad u taqaan.

Dalka baarlamaanka ayaa matala, Madaxwaynuhu waa adeege, hadii Madaxwaynaha lagu helo Musuqmasuq iyo Awood daro ama aqoon la aan in aanu hawsha kabixi karin, Golaha Barlamaanku waa in ay calaa aqali xataa Mar codka u qaadaan oo isku dayaan in ay Xukunka katuuraan, arrinkaas marka la arko waxaa shacabkii arkayaan in ay meesha joogaan dadkii matalayay oo la xisaabtamayay ragii xilka intaa le eg qaaday.

Hadda waxaa dhamaan deegaamada Soomaaliya madax ka ah rag aan nidaamkaan Dimoqraadiyadda run ahaantii aan si hoose u fahansanayn ee aad is oranayso mabay ahayn in dawladba la dhiso.

Nidaamku haduu Hantiwadaag yahay, waa lagartay, Hadii uu shariica low yahay waa lagartay, haduuse nidaamkan Dimoqraadiyadda ee reer galbeedka yahay waa in uu sidii lowgu talagalay u shaqeeyaa, ee ma ahan in wixii shakhsi iska maamusho.

Waana muhim in hadda Issimadda puntland ay awoodda saaraan in ay isku mashquuliyaan in ay soo xulaan Xildhibaanno aqoonleh oo dhalinyaro ah, oo wadaniyiin ah, oo duntooda layaqaan, oo qaranku kala waynyahay xoogaa laaluusha ama nin jeclaysi iyo eex, markaas weeye marka ay shacabku dawlad wanaag asala helayaan oo ay danahooda raacanayaan dhibkaana kaseexanayaan.

Hadda shacabka soomaaliyeed danahooda ma raacankaraan waxay arkayaan dalkoodii oo qaab qaldan loo jihaynayo waxaana runtii u sababa aqoon darro iyo garawshiiyo la aan dadka hogaanka u haya oo aan aqoon iyo garasho durugsan lahayn ama aan ahayn dadkii dunta iyo wadaniyadda lahaa khaasatan Xildhibaanada.

Xataa shacabka Qurbaha jooga waqti baddan oo ay danahooda ku raacan lahaayeen baa kaga baxa ka walwalka iyo u dhagtaagidda xaalka qalafsan iyo musuqmaasuqa isjiid jidadka kasocda Soomaaliya.

Qurba joogta Soomaalida waxaa saameeya dhibaatadda Soomaaliya kasocota oo xataa hor istaagta in ay Kalsooni isa siiyaan oo wax wada qabsadaan ama wada difaacdaan Qadiyadda Soomaalida ee dalalka ay joogaan maadaama ay lakala saftaan marwalba Kooxaha xukunka dalka isku haya.

Xukunka dalka hadii lahagaajin lahaa xataa Qurba joogta ayaa ku heshiinlahaa dalalka ay joogaan oo wax wada qabsan lahaa, danahoodana sifiican bay u raacanlahaayeen hadii ay arki lahaayeen Xildhibaanno Hawsha Dalka u illaasha oo ay kaga seexan karaaan.

Eng: Ibrahin gablax gablax@yahoo.com
Suxufi Madax banaan Finland