Dood Culus (Voa) Heshiiska Puntland iyo DFS iyo qodobka 49 oo labada kooxood isku cuskadeen (Dhegeyso oo akhri )

Filed under: Wararka |

Barnaamijka Faaqidaadda Todabaadka ee Jimca kasta ay soo diyaariso idaacadda Voa Somali ayaa waxaa maanta ka qaybqaadan doona Xildhibaano kala taageersan kooxaha ku dooda in Gobalka Mudug la raaciyo Galguduud iyo Puntland oo diidan.

Hadaba doodda ayaa waxaa la isla aaday Qodabada Dastuurka Federaalka waxaana markiiba soo qaadatay Qodabka 49 aad Xildhibaanad jawaahir oo taageersan in Gobalka Mudug la raaciyo Galguduud, Jawaahir ayaa tiri Q 49aad wuxuu leeyahay xuduudaha federaalka waxaa go aaminaya Golaha Baarlamaanka

Waxaana ka jawaabay Xildhibaan Saadaq oo taageersan Puntland
Saadaq ayaa yiri waa sax Q 49aad in uu leeyahay in ay Golaha Xildhibaanadu go-aaminayaan Xuduudaha laakiin yaa markii hore Qodobkaas jabiyay oo Xamar ku shiray oo soo jeediyay in Mudug la raaciyo Galguduud.

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2014/10/faaqidaada-heshiiska-DFS-Puntland.mp3]

Ama moobiilkaaga ka dhegeyso

Dhanka kalena hoos waxaad ka akhrisaa Qodobka 49aad iyo Dastuurka oo dhamaystiran
dastuurkasoomaaliya
Federaalka iyo Degmooyinka

Qodobka 49aad. Tirada iyo Xudduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda

(1) Tirada iyo xuduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka cusub waxaa
go’aaminaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
(2) Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, inta aanu goyn tirada iyo xudduudaha
Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, wuxuu magacaabayaa guddi heer qaran ah
oo daraasad ka sameeya, warbixin ay la socdaan talooyinna u bandhiga Golaha Shacabka ee
Baarlamaanka Federaalka.
(3) Magacaabidda guddigu lagu xusay faqradda 2 ee kore waa inuu ka horreeyo sharci Golaha
Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka uu ansixyo oo qeexaya:
(a) xilalka iyo awoodaha Guddiga;
(b) hal-beegyada uu u cuskanayo samaynta Dawladaha xubinta ka ah Dawladda
Federaalka iyo shuruudaha qayb dalka ka mid ihi ku mutaysan karto inay ka mid
noqoto Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka;
(c) tirada xubnaha guddiga, shuruudaha xubinnimada iyo siyaabaha lagu
magacaabayo xubnaha guddiga, muddada xilhayntood, xuquuqdooda;
(4) Tirada iyo xuduudaha degmooyinka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxaa
goynaya sharci uu soo saaro Baarlamaanka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka,
Golaha Shacabka ee Federaalkuna oggolaado.
(5) Xuduudaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalku waxay ku salaysnaan doonaan
xuduudihii gobollada ee jirey 1991-kii.
(6) Ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dawladaha xubinta ka ah
Dawladda Federaalka iyaga xor u ah go’aankooda.

One Response to Dood Culus (Voa) Heshiiska Puntland iyo DFS iyo qodobka 49 oo labada kooxood isku cuskadeen (Dhegeyso oo akhri )