Doodda Universal Tv ee Caasimadda Soomaaliya:Dekadda Boosaaso iyo Kismaayo canshuurteeda waxaa qaata dadka degga laakiin Muqdisho Canshuurteedi waxaa qaata Xildhibaano kayimid Kismaayo, Hargaysa iyo Boosaaso:(Falanqayn)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Magaalo madax micnaheedu waa madaxii ama Miskaxdii wadanku ku shaqaynayay, waxayna la mid tahay Qofka Bini aadamkaa wuxuu leeyahay lugo iyo Gacmo, calool iyo Madax.
Madaxu waa halkii ay Miskaxda iyo indhihii ku yaalleen oo qofka laga maamulayay, haddii qofkii Madaxa looga habsado Qofkaas waa ku daayay.

Beesha Hawiye ee magaalada Muqdisho dagta waxay ku habsadeen magaalo Madaxdii Soomaaliyeed oo ah Madaxii uu dalku ku shaqaynlahaa, waxaana laga samray in dib danbe ay ugu shaqeeyaan Hay-adihii Qaran Soomaaliyeed magaalada Muqdisho.

Waxaana ka dhacay magaalada Muqdisho xasuuq beel gaara loo gaystay Akhri buugga Clan Cleansing in Somalia The Ruinous Legacy of 1991 prof Lidwien Kapteijns

Dagaaladii Sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay wali Soomaali si daacada ugama heshiin, dhanka kalena Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxay noqtay magaalo ay beel gaara degto.
Caasimadda hadda waxaa kusugan dhamaan Safaaradihii dalalka Soomaaliya Cilaaqaadka la leh, Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa kasoo jeeda isla Magaalada Muqdisho, waxaana magaalada Muqdisho hadda ka hawlgala dhamaan wasaaradihii Soomaaliya oo dhan, waxaana magaalada muqdisho si dadban ugu xarooda dhamaan deeqihii caalamku ugu talagalay Soomaaliya.
Muqdisha waxaa kuyaal dhamaan kaabayaashii dhaqaale ee lagu dhisay Xoolihii Qaranka Soomaaliya ka dhexeeyay sida jaamacadihii Isbitaaladii warshadihii, xeryihii Dawladda, iyo waliba dhismayaashii ay dadku sida gooniadaa ugu dhisteen, dhamaan agabkaas waxaa billiliqaystay beel kamida Beelaha Soomaaliyeed, halka Beesha Daarood ay ahayd beesha kaliya ee laga bartilmaameedsado inkastoo ay wada dhibanaayeen dhamaan beelaihii ku noolaa Muqdisho.

Doodda oranaysa reer Puntland Dakhligooda iyagaa gaar u qaata, kan Muqdishana waa kula lihi.
Soomaalida waad layaabaysaa, waayo canshuurta laga qaado Dekadda Muqdisho iyo ayraboorka Muqdisho, ma muqdishay dib ugu noqdaan mase waxaa wax laga siiyaa Puntland, Puntland iyo Jubbaland waxba lagama siiyo Canshuurtaas ee Muqdishay dib ugu noqotaa, taasaa meesha kasaaraysa su’aasha waxaagana kula lihi, waayo wali lama hirgallin hab canshuuraha Soomaaliya oo dhan meel dhexe la isugu keeno, ee hadda reer walba deegaanka uu deganyahay isagaa Canshuurta ka aruursada.

Mushaaraadka la siiyo Xildhibaanada waxaa bixiya Un-ta ee lagama dhiibo canshuurta laga soo uruursho Muqdisho, xitaa haddiiba ay Muqdisho dhiibto mushaaraadka Xildhibaanada, Xildhibaanadaas waa waa Xildhibaano ku nool Muqdisho oo hadana mushaarka soo gala isla Muqdishay Hoteelo kaga kiraystaan oo lacagtaas Muqdishay dib ugu laabataa ee Xildhibaanadaas madagana Puntland, hadiise latiriyo Xildhibaanada asal ahaan kasoo jeeda Beesha Majeerteen waa 11 Xildhibaan oo kamida 270 Xildhibaan ee Baarlamaanka Soomaaliya–> Halkaan ka akhri beelaha ay kasoo jeedaan Xildhibaanda Soomaaliya
Safaaradda China ee Muqdisho, imisa Dakhliya ayay Muqdisho sanadkii gallisaa, marka laga billaabo shaqaalaha ka shaqeeya, dadka Safaaradaas oo waxka iibsada Muqdisho, sidaas si lamida Safaaradaha kale, dhamaan Jaanisyadaas Beesha Muqdishay u gaartahay.

Waxaana sii dheer dhamaan Viisayaasha laga qaato Safaaradahaas waxaa sigooniya inta badan u qaata dad kasoo jeeda isla Beesha Muqdisho, maadaama ay safaaraddii ka agdhowdahay waa ay uga galgal badnaanayaan dadka ay safaaraddu ka fogtahay.

Dhanka awood Qaybsiga.
Soomaalidii waxay waxku qayb satay hab iska beelaysan
Beesha Degta inta u dhexeysa Gaalkacyo illaa Muqdisho oo ah 750 Km waxay Qaateen Ergooyinka laba maamul Gobaleed ee Galmudg iyo Hiiraan state.
Halka Beesha Min Gaalkacyo illaa Boosaaso illaa iyo Sanaag, ama dhanka kale Oog oo dhul aad u baaxad wayn ay Qaaten Ergooyinka hal maamul Gobaleed ee Puntland, markaas macquul noqonmayso in ay hadana isla Beeshii Muqdisho ay yiraahdaan Banaadirna waxaan rabnaa in Ergooyin kale nalaku siiyo.

Doodda Caasimadda.
Inta ay Soomaalidu ka heshiinayso waxaa wanaagan in ay Caasimaddu wareeg noqoto, oo 6dii sanaba meel ku shaqeeyaan Hay-adaha dawladda, waxaana wanaagsan in bal muddo kooban lagu tijaabiyo hay’adaha dawladda in ay ku shaqeeyaan ama Garoowe ama Kismaayo, oo wareegto laga dhigo, waayo hadda waxaad mooddaa in ay Muqdisho xamili la’adahay adeegyadii hayƤ’adaha Dawladda.

Dhegeyso habka ay u fakarayaan reer Muqdisho iyo in Caasimaddii lagu dulmay.
Waa jirtaa in Caasimadda ay dad farabadan deganyihiin laakiin miyaynan dadkaas kala maatlin isla beelihii Ergooyinka horey wax ugu qaybsaday, miyaynanse dadkaas kasoo kala jeedin dhamaan umadda soomaaliyeed waayo waxaa la sheegaa in Beesha Direed ee Muqdisho ku nool lagu qiyaaso 500 oo kun oo ruux.

Xalka Soomaaliya.
Waxaaa wanaagsanaan lahayd in Soomaaliya siyaasadeeda lagu maareeyo habka Asxaabta badan oo laga daayo habka Qabyaaladda, sidoo kale in shacabka latira koobo, oo la diin waan galliyo, oo markaas muwaadin kasta uu codkiisa siiyo Xisbiga uu siyaasad ahaan u taageero. afkaartaan Qabyaaladda kusalaysan xal marna Soomaaliya u noqonmayso.


One Response to Doodda Universal Tv ee Caasimadda Soomaaliya:Dekadda Boosaaso iyo Kismaayo canshuurteeda waxaa qaata dadka degga laakiin Muqdisho Canshuurteedi waxaa qaata Xildhibaano kayimid Kismaayo, Hargaysa iyo Boosaaso:(Falanqayn)

  1. Pingback: Doodda Universal Tv ee Caasimadda Soomaaliya:Dekadda Boosaaso iyo Kismaayo canshuurteeda waxaa qaata dadka degga laakiin Muqdisho Canshuurteedi waxaa qaata Xildhibaano kayimid Kismaayo, Hargaysa iyo Boosaaso:(Falanqayn) - Daily Somalia Report