DRCABDIRAXMAAN M CABDI XAASHI oo aad uga dayriyay xaaladda siyaasadda Soomaaliya iyo sida ay Kooxda Xasan iyo Beesha Caalamku god ugu rideen siyaasaddii Soomaaliya (Daawo+ akhri)

Filed under: Important News,Wararka |

DRCABDIRAXMAAN M CABDI XAASHI oo ah Roogcaddaa muddo 40 sano ah kasoo shaqaynayay Bangiyada aduunku ugu waawayn waxbadanna ka og siyaasadda caalamka iyo tan Soomaaliya, isla markaana kamid ahaa musharaxiintii Jagada Madaxwaynaha Soomaaliya sannaddii 2012, ayaa arrimo badan aad u bayaanshay.
DRCABDIRAXMAAN M CABDI XAASHI waxaa uu sheegay in aannu isku sharaxayn jagada madaxwayne ee sanadda 2016, waayo buu yiri maxaanba is sharaxaa siyaasaddii Soomaaliya waxay dib ugu noqotay halkii aan joognay 1991 waayo mar haddii ay dhunto kalsoonidii ay shacabku dawladda ku qabeen oo ay shacabku dareemaan in aynan dawladaan kashaqaynayn danahohooda waxaa xigaya dagaal u dhexeeya kooxaha nacfiga ku qaba dawladda iyo kuwa diidan waana waxyaalaha dhaliya dagaalada Sokeeya, marka hadiiba aan halkaas hadda ku sugunahay maxaanba is sharaxaaa.

DRCABDIRAXMAAN M CABDI XAASHI ayaa sheegay in umadkastaa ay ku heshiiyaan dastuur isla markaana waa in lagu dhaqmaa oo laraacaa wixii dastuurkii ku qornaa marka dastuurka Soomaaliya waxaa ku qoran in 2016 laga gudboi 4.5, arrinkaas waa arrin dastuuriya, haddiise ladoonayo in qodobkii dastuuriga ahaa laga gudbaa waa in dib la iskugu noqdo oo iyadoo lagu midaysan yahay qodoibkii hore ee isaga ahaa wax laga badalo.

Puntland ayaa dhamaaan inta kale ka saxsan waayo waxay cuskanayaan Qodob Dastuuriya oo ay horay u wada saxiixeen Shariif Xasan iyo Cabdiwali Gaas, iyo Beesha Caalamka.

Cabdiwali Gaas waa uu ka saxsanyahay Shariif Xasan iyo Beesha Caalamka, waayo Shariifka iyo Beesha Caalamka waxay ku doodayaan wixii dastuurka ku qornaa waxba kama jiraan, marka hadaysan waxba ka jirin wixii lagu heshiiyay sow meeshii makkaaxi noqonmayso .

dhanka kalena DRCABDIRAXMAAN M CABDI XAASHI ayaa aad u dhaliilay go’aanka Axmed Madoobe, waayo buu yiri Axmed Madoobe waxaa soo doortay Bulshada uu matalo, waxayna ahayd in uu tix galiyo rabitaanka bulshada oo calaa aqali sida Cabdiwali uu talada kula noqdo Bulshadii uu wakiilka ka ahaa, laakiin aad buu ugu qaldanyahay Beeesha Caalamka ayaa na cadaadisay.

Dhamaan hoos ka daawo arrimahaas oo dhamaytiran isagoo waraysi siiyay Tv-ga Soomaali Chanel barnaamija Todaobaadka ioyo Toronto