Dumarka Warsangali Oo Baaq Nabadeed U Diray Somaliland: Isaaqow Innagu Soomaali Baan Nahyay Hadaad Soomaali Diideen, Kuwaad Ka Xorowdeen Baan Nahay

Filed under: Important News,Wararka |

Iyadoo la ogyahay in sababta Siyaasiyiinta Beesha Isaaq ay Soomaali Uga go’ayaan ay tahay arrin ay Gacmo shisheeye ku garab siinayaan, balse ujeedada markaad baarto waa iyagoo ay siyaasiyiinta Beesha Isaaq ka cabanayaan Siyaasiyiinta Beesha Daarood.

Dumarka warsangali ayaa runta u sheegay siyaasiyiinta Beesha isaaq kadib markii ay siyaasiyiinta Beesha Daarood xitaa hadalkaas runtaa saxaafadda ka orankari waayeen.

Runta oo la sheegaa waa xalka kala barkiis waxaana wanaagsan wixii run ah in aan cidna lagala gaban ee ruux walba qaladkiisa loo sheego markasta si uu u xasuusto.

Dumarka warsangali ayaa sheegay in ay siyaasiyiinta beesha dhexe sababta ay soomaali ku diidanyihiin ay tahay ficiltan ay la ficiltamayaan beesha daarood, waxaana dumarka warsangali ka daadagi la.
Marba hadaad daarood nacayb awgi aad Soomaali uga go’ayso hadana maxay tahay sababta aad u sheeganayso deegaanada beesha daarood, maad ku ekaatid deegaanada beeshaada.

Waana arrin iska cad, oo matalan maxay samayn lahaayeen haddii Beelaha Harti ku doodaan in ay ay Deegaanada Soomaaliland ka go’ayaan iyagoo sheegaanaya deegaanad beelaha Habarjeclo iyo Habarjoonis.