Eng Camey Oo Si Fiican U sharaxay Waxa Dagaalka Gaalkacyo Uu Salka ku Hayo ee Maxjarka Iyo Gantaalkii Ciidanka Maraykanka (Falanqayn Kooban)

Filed under: Important News,Wararka |

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Eng C/Xakiin Cabdullaahi Camey ayaa si fiican u sharaxay waxa uu salka ku hayo dagaalkan ay maleeshiyaadka Galmudug mudada bisjaa kusoo qaadayeen Puntland.

Camey ayaa sheegay in intii ay Puntland billowday in baabuurta Puntland u socda lagu kala wareejiyo Koonfurta Gaalkacyo aynan Puntland wax qaraxa ka dhicin.

Camey oo ka hadlay arrinka Maxjarka ayaa sheegay in u jeedadu tahay in la dhiso Goob lagu naaxiyo arriga inta aan la iib gayn, isla markaana uu fikirku u furanyahay Galmudug oo ay dhisan karaan Goob lagu naaxiyo arriga inta aan la iib gayn oo markaas haddii arrigoodu uu ka fiicnaado aryaha kale ay ganacsatadu ka iibsanayso arriga fiican ee la naaxiyay ee Galmudug hadana aynan cidna ka hortaagnayn.

Fikirka ayaan kala hormarnay, hadana Goobtaas cidwalbaa ka faa-iidaysa oo inta badan dadka ka shaqayn doona waa dad ka imanaya xaafadda Baraxlay.

Camey ayaa sidoo kale ka hadlay weerarkii ciidanka PSta Maraykanka oo sheegay in ay maleeshiyaad hubaysan usoo dhawaadeen saldhigga Maraykanka isla markaana laga shakiyay oo ay ciidanka PSta Maraykanku Gantaal ku dhufteen balse arrinkii loo dhigay in ay Puntland si ula kaca u gumaaday maleeshiyaad reer Galmudug ah.

Halkaan ka akhri warbixin aan ka qornay arrinka psta warbixintaas oo ku salaysnayd arragtiyo dad shacaba oo reer Gaalkacyo ah oo aan ahayn arragtiyo madaxda Puntland iyo Galmudug ama waraysiyo aan la yeelanay saraakiisha PST kaliya warbixin fikiradaha ay qabaan dadka caadigaa.

Maxaad Ka Taqaan Ciidamada PST-ta ee Argagixiso La Dirirka Yaasa Mushaaraadka Siiya (Warbxin)

Hoos ka dhegeyso hadalka Camey.

One Response to Eng Camey Oo Si Fiican U sharaxay Waxa Dagaalka Gaalkacyo Uu Salka ku Hayo ee Maxjarka Iyo Gantaalkii Ciidanka Maraykanka (Falanqayn Kooban)

  1. Pingback: Eng Camey Oo Si Fiican U sharaxay Waxa Dagaalka Gaalkacyo Uu Salka ku Hayo ee Maxjarka Iyo Gantaalkii Ciidanka Maraykanka (Falanqayn Kooban) - Daily Somalia Report