Faadumo Aadan Cade Xaaskii Gabayre oo Sheegtay In ay Iskuulka U Lugayn Jireen Aabaheed Ka illaashay Xoolihihii Umadda ka dhaxeeyay (Fallanqayn iyo Dhegeysi)

Filed under: Important News,Wararka |

Illaahay ha u naxariistee Aadan Cabdulle Cusmaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cabdirsaaqa Xaaji ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen niman kala yaqaanay waxa umadda ka dhexeeya iyo waxa ay leeyihiin.

Hadaba Faadumae Aadan Cade ayaa oo uu qabay Salad gabayre oo markii danbe Siyaad Barre xaqdarro iyo xukun jacayl dartii ku dilay ayaa ka sheekaynaysa taariikhdii aabaheed iyo sida uu u ahaa nin wanaagsan oo amaanada umadda xitaa caruurtiisa ka illaashay

Faaduma oo Wariye Carab Bartiisa Facebook ku siisay waraysi ayaa aad uga sheekaysay sida uu aabaheed cadaali u ahaa
Waana intaas inta aan xiisaynayno balse wariye Carab ayaa xooggaa arrimo ugooniya dhex qaadsiinaya , waxayna ahayd wariye Carab in uu maamada xushmeeyo oo uu kaliya taariikhda si asluuble uga waraysto.

Dhegeyso.

Maxaad kala socotaa kacdoonadii dahsoonaa ee cadaalad darada awgeed ku dhashay, iyo tusaalooyin kacdoonadii Soomaaliya ka dhacay, sida Kacdoonkii SYL, Kacdonkii Siyaad Barre, Kacdoonkii Caydiid, Kacdoonkii Cabdullaahi Yussuf iyo iska caabinta Kacdoonka Cabdullaahi Yussuf ee Maxaakiimta (Alshabaab, Damjidiid, Aalashiikh). Kacdoonka hadda Socda ee Beesha Biyamaal