Faallo: Taariikh da Ka Baro – Balicad yay Noqon Adhi-Cadeeye

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Waxa laga yaabaa in ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto
layaabantahay laba arimood; 1. Sabaabta reer Woqooyi Galbeed ay
duulaanka ugu yihiin gobolada Woqooyi ee Sool, Sanaagta Bari iyo
gobolka Cayn ama degmada Buuhoodle, 2. Sideebay ku dhacday
dowlada Soomaaliyeed in aanay ka hadlin barakicinta iyo dagaalka lagu
hayo ummadda ku dhaqan gobolada SSC?
Waxa aan doonayaa in aan labada arimood ee maanta soo wajahday
ummadda Soomaaliyeed ka faalloodo, siiba taariikhda oo laga barto
dhacdooyinka qaarkood. Arinta ugu horaysa hadii aan ka hadlo, uma ay
baahna in meela fog fog laga raadiyo. Waqooyi Galbeed waxa ay la
baxday Somaliland, waxa ayna ku darsatay goboloda SSC in ay ka mid
yihiin maamulka ay ka samaysteen gobolada ay degen yihiin reeraha ka
soo jeeda Hargaysa, Burco iyo Berbera. Waxa ayna siyaasad ahaan ugu
saleeyeen in ay ka mid ahaayeen waagii isticmaarka gobolada uu
gumaysan jiray gumaystihii Ingriiska. Intaa waxaa sii dheer in ay ka
madaxbanaan yihiin goboladii kale ee uu gumaysan jiray Talyaaniga.
Taa micnaheeda oo ah in ay ka bexeen heshiiskii la ansixiyey 1960/61,
oo ka dhexeeyey gobolada waqooyi iyo koonfur.
Arinta kale ee meesha ku jirta ayaa ah in reeraha uu dhashay Hargaysa,
Burco iyo Berbera ay hormuud ka ahaayeen burburkii ku dhacay
qarankii Soomaaliyeed. Burburkaas waxa uu keenay in reer walba uu
gobolkiisa ka taliyo, inta Soomaali wayn ku heshiinayso qaabki ay qaran
lagu qanacsan yahay ay uu samaysanayaan.
Maanta marka la eego goboladii Soomaaliya, gobol walba waxaa ka
arimiya reeraha uu dhashay oo aan ka ahayn gobolada SSC.
Madaxdii ugu horeeyey ee ka arimin jiray Maamulka Hargaysa siib Allah
ha uu naxariistee Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waxa ay ahaayeen
siyaasiyiin aragti dheer leh oo waxa aduunka laga aqbali karo iyo waxa
aan laga aqbali Karin si wanaagsan uga warhayey. Nasiib daro waxa
maanta ka arimiya maagaalada Hargaysa kuwii sida xooga leh uga
qaybqaatay burburintii qaranka Soomaaliyeed, oo ay aad ugu fogtahay
jinsiyad nacayb ay uu hayaan ummadda ka soo jeeda gobolada SSC.
Waxa kale oo arintaa sii raacay in ay jiraan shirikado ka ugaarsada
wadamada qarankoodii uu dumay ama daciif yahay, si ay khayraadka ku
jira uga gurtaan sharci daro. Aaladaha ay isticmaalaan waxa ka mid ah,
in ay militias dhaqaale geliyaan, maamulo iyaga uu adeega sameeyaan
(sida ka maanta ka jira Hargaysa), si ay uu isticmaalaan ujeedadooda ah
in ay si sharci daro ah ku gurtaan hantida ummadda ka dhaxaysa.
Hadaba ummadda Soomaaliyeed ha joogo Hargaysa ama Taleex ama
meel kale ha ogaado in siyaasiyinta ka ololeeye Hargaysa ama
Mogadishu aanay uu danaynayn dhaqaalaha ummadda ka dhaxaysa, oo
ay yihiin adeegayaal isticmaarka cusub oo ay horkacayaan shirikadaha
reer Europe ama Maraykanka.
Ummadda Soomaaliyeed ee lagu mashquuliyey qabiilka iyo xag’jirka
diimeed, ha ogaadaan in ujeedka ugu wayni yahay in dib ummadda
loogu celiyo isticmaar aan lacayimin ee ku salaysan mid si dadban loogu
taliyo.
Marka ay isbiirsadaan labada arimood ee aan soo sheegay waxa aad
ogaanaysaa sababta dowladda Soomaaliyeed (waa maamul ay
shirkadaha samaysteen ama ururdimeedyada wax laqaybsada) uga
aamusantahay waxa ka socda goboladda SSC iyo sababta
qabqablayaasha Hargaysa (oo ku dhisan laaluushka shirikadaha)
duulaanka ugu yihiin qayb ka mid ah wadanka Soomaaliyeed.
Horay uma ay dhicin dowlad wadaniyiinteeda wadankooda gudihiisa
lagu laynayo ka aamusta, oo haba yaraatee wax ficil ah tusta, in ay
ummaddaas wakiil ay ka tahay, oo ay uu dhaaratay in ay difaacayso.
Hadaba maxaa ku haboon ummadda ku dhaqan gobolada SSC? Waa in
ay siiba dhalinyaradooda ka dhiidhiyaan cadowga cusub ee aan diina
lahayn qabiilna lahayn oo ay meelkasta oo ay ku arkaan caqabad ku
noqdaan. Yaan qabiil iyo diin la idiin adeegsan ee adinka ayaa ah
Soomaalida dhabta ah ee wadadii toosnayd ku taagan. Uu diida cadowga
cusub dhulkiina, wadda kasta iyo geed kasta uu gala, aakhirka ummadda
dhabta ah ee Soomaaliyeed ayaa dhulka uu haraysa.
Arinta kale waa in aad taariikhda ka barataan wixi 2007 kii ka dhacay
Laas Caanood. Waxa loo fadhiyey muddo tuulada Ari Cadeeye, wixi ka
danbeeyey waan ka wada dheregsanahay. Hadaba Bali Cad yey noqon
Ari Cadeey. Waa in aanad uu ogolaan cadowga in uu sii joogo tuulada
Bali Cad, si loogu duulo Buuhoodle!
Axmaday Xaaji
Axmaday53@gmail.com

One Response to Faallo: Taariikh da Ka Baro – Balicad yay Noqon Adhi-Cadeeye