FAALLO: Yaa diiddan Dowladda Madaxweyne Farmaajo?

Filed under: Important News,Wararka |

FAALLO: Yaa diiddan Dowladda Madaxweyne Farmaajo?

Waxaan falanqeyn-taydan si kooban ugu sharraxayaa in dad badan ay si qaldan u isticmaalayaan warbaahinta madaxa-bannaan, taasoo keentay in shacabka dhagahooda lagu dhibciyo warar been ah, iyadooo la isticmaalayo Warbaahinta Gudaha iyo baraha bulshada (Social Media).

Mucaaradnimadu waa qayb ka mid ah kooxo tartan ku wadajira, waxaana loo kala qaadaa muxaafadka dowladda iyo mucaaradkeeda, waana in laga wada shaqeeyo wixii bulshada ka dhaxeeya sida ammaanka, waxbarashada, caafimadka, IWM.

Markaan dib ugu soo noqdo falan-qeynta, Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in hoggaankiisa uu hir-gelin doono saddex qodob oo isaga iyo Ra’iisul wasaarihiisu ay ku wada-shaqeyn doonaan; kuwaasoo kala ah:

1. Ammaanka dalka; sida dhismaha ciidan Qaran iyo la dagaalanka Al-shabaab

2. La-dagaalanka musuq-maasuqa

3. La-dagaalanka faqriga, gaajada, cudurrada iyo shaqo la’aanta daka ka jirta, gaar ahaan tan haysata dhalliyarada

Waqti yar, kaddib inta madxweyne Farmaajo uu buuxinayo 100-casho ee inta xilka uu qabtay, waxaa is-weydiin leh haddii ciidan la wada dhisto oo dhaqaalaha ku baxaya ciidankaas qaab wanaagsan loo maareeyo, ciidankuna yihiin kuwa ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee nabada doonaysa sow fikirku ma noqoayo mid aad u wanaagsan.

Sidoo kale, waan wada og-nahay in dhammaan maamullada waddanka ka jira iyo dawladada dhexe aanay haysan wax ciidan ah oo nidaam ciidan ku dhisan. waxaad maalin kasta maqlaysaa ciidan gadooday ayaa xiray waddooyinku shacabku ay maraan.

Dhibaatada intaa la’eg, waa la wada og-yahay in mucaarad iyo muxaafad ay kawa mideysan yihiin in ciidammo la sameeyo, si dalka gudihiisa kuwa diidan in shacabku nabad ku noolaadaan lala wada-dagaallamo, si loo gaaro hadafka guud.

Xukuumadda Ra’iisul wasaare Khayre, waxaa waajib ku ah inay ka shaqeyso sidii dib loogu dhisi lahaa ciidamada Qaranka oo mas’uuliyadda amniga guud ee dalka dusha saarta, shacabkana looga baahan yahay inay dhiirri-geliyaan fikirkaan.

Dareenkaas loo wada dhan yahay ayaa gacan weyn ka geysan kara in taageerada Beesha Caalamka lasoo jiito, si shacabka iyo xukuumadduba ay wadaji uga wada-shaqeeyaan ammaanka guud ee waddanka.

Haddii tallaabooyinkaas ay hirgalaan, waxaa meesha ka baxaya dhaqaalaha boobka lagu siiyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo in ka badan 10-sano lacag ku qaata sugida Amniga Soomaaliya.

Falan-qeyntayda waxaan kusoo gunaanadayaa; Waxaan wada og-nahay in heshiis taariikhi ah uu dhacay 17-kii Abriil, kaasoo dhex-maray Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madaxda maamul-goboleeyadda dalka, kaasoo ay qayb ka ahayd qaab-dhismeedka iyo tirada ciidamada Qaranka, iyadoo sidoo kale lagu heshiiyay in ciidamada Millateriga laga dhigo 18-kun oo askari, halka booliskana lagu heshiiyay inay noqdaan 32-kun oo askari, kuwasoo ka koobaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliya.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay in la diido in la dhiso ciidan Qaran oo Faderaal ah. ciidanka AMISOM dhibaatada ay shacabka ku aan aan wax mooshina ka keenen? sow wax lala yaabo maaha.

Dhanka kale, Xildhibaannada baarlamaanka FS Qaarkood ayaa sheegay in mooshin cusub ay u gudbin doonaan guddoonka baarlamaanka, waa sida saxaafadda gudaha lagu daabacay. Mooshinkan ayaa waxaa abaabulaya guddiga difaaca baarlamaanka, waxayna kaga soo horjeedaan hannaanka loo maray isku dhafka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka, Xuseen Carab Ciise oo saxaafada la hadlay – ayaa sheegay in marnaba aysan raalli ka ahayn in Federaal lagu sameeyaa ciidamada xoogga faderaalka ee Soomaaliy. Taasoo macnaheedu noqonayo inuusan Xildhibaanku diidan yahay in la dhiso ciidan faderaal ah.

Waxaannu wada og-nahay in waddamada Itoobiya, Kenya iyo Uganda oo ay ciidan ka joogaan Somalia ay ka xanaaqeen hadalkii iyo go’aankii uu Farmaajo ku gaaray in dib loo dhiso ciidamada Qaranka Soomaaliya oo ka kooban Soomaali oo dhan iyo sida looga maarmo ciidamada shisheeye oo ku sugan Soomaaliya. Dalalka Itoobiya iyo Kenya waxay waligood kasoo hor-jeedeen inay arkaan Ciidamada Soomaaliya oo kusoo laabta sidii ay ahaan jireen bari-samaadkii.

Ugu dambeyn, Qof kasta oo og xaaladda ammaan-xumo ee ka jirta Magaalooyinka waa-weyn ee Soomaaliya intooda badan; sida kuwa dawlad-goboleedyada dalka ka jira caasimadaha u ah iyo Muqdisho oo ah caasimadda guud ee dalka, ayaa waxay u baahan yihiin ciidan Qaran oo amnigooda ka shaqeeya si loo helana waa in gacan ay ka geystaan shacabka Soomaaliyeed sidii hadafkaas uu ku miro-dhali lahaa.

Falanqeye; Maxamed Caalim