Faaqidaada khilaafka Xisbiga Kulmiye (Video maqal ah)

Filed under: Wararka |

Akhristow ma lasocataa in ay saxaafadu tahay halka ugu wanaagsan ee dadka laga hago.

Markasta oo shacabka soomaalida ahi wax ku heshiiyaan, wixii lagu heshiiyay shakhsiyaad baa isa siiya, waayo waxay ka faa iidaystaan shacabka oo aan helin saxaafad soo gaarsiisa meesha ay marayso wixii shacabku lahaa.

Khilaafka Xisbiga Kulmiye waa cashar wanaagsan oo ay dhamaan dadka Luuqadda Soomaaliga ku hadla ay cashar ka qaadan karaan oo ay ka faa iidaysan karaan.

Hadii marka shacabku fahmaan in dalka ay iyagu leeyihiin ayna xaq u leeyihiin in ay fahmaan sharciyadda iyo dastuurka, markaasna ay jirtaa Maxkamad Dastuur, iyo Saxaafad madaxbanaan, waana markaas marka Shacabku ashkhaasta farakutiriskaa ee hogaanka ay u dhiibteen ay ka adkaan karaan.

Hadaba akhristow ka faa-iidayso doodan muhiimkaa oo labada Garab ee Kulmiye kala taageersan lasoo dhex dhigay dood muhiim ah.