Fadeexad: Beelaha Habargidir iyo ISaaq oo wali 30 sano kadib Qori iyo baad iyo qabasashada reero deegaankood wali wax ku raadinaya

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Beelaha Isaaq iyo Habargidir oo ay kasoo jeedaan Hogaamiye kooxeedkii ka adkaaday Xukuumaddii Siyaad Barre isla markaana uu gacanta u galay Hubkii ay Xukuumaddii Siyaad Barre lahayd, ayaa 30 Sano kadib wali xiise u qaba in Tuulo reero dagaan inta gaari Baroona qori la saaryto lagu duullo reero deegaankood oo xoog iyo Baad lagu qabsado.

Waa iska caqli xumo in wixii ay iyaguba ka cabanayeen markii ay la dagaalameen Xukuumaddii Siyaad Barre ay wali 30 sano kadib xiise u hayaan.

Hadaad maanta Beelaha Soomaalida fiirisid beelaha Isaaq iyo Habargidir un baa baad iyo xoog ku haysta reer Deegaankood, dhamaan inta kale Beelaha Soomaalida beel waliba waxay ku egtahay deegaankeeda.

Su’aasha is waydiinta mudan ayaa noqonaysa muddo intee le’eg ayaad gumaysan kartaa deegaan ay reero Soomaaliyeed deganyihiin, mase la socotaa in ay Gumaystayaashii xitaa usuuroobi wayday in ay xoog ku haystaan deegaan aynan lahayn.

Haddii ay Beelaha Habargidir iyo ISaaq ku ekaan lahaayeen deeganada beelahooda, waxaa soo dhawaan lahaynd nabad ka islaaxda Deegaanada Soomaalida.

Dhulka Soomaalida waa dhul Soomaali oo dhan ka dhaxeeya, dhiigga dadka Soomaalidaa ma ahan dhiig ogol in la gumaysto, waxaana haboon in aad reerkale ku dayin waxa aad adiguba diidi lahayd in lagugu sameeyo.

Talow maxay samayn lahaayeen reer Shiikh Isxaaq haddii Burco iyo Sheekh ay wiilal Garowe ka tagay xoog iyo Gaari Qori Bariina la saarto, iyo Taangi Ukrain laga soo iibsaday ku qabsan lahayeen iyagoo adeegsanaya Horgalayaal kasoo jeeda Habarjeclo, Ciise Muuse iyo Habaryoonis isla markaana Caawimaad ka helaya Beesha Caalamka iyo Ethiopia oo ka faa-iidaysanaya si Soomaali loo dulleeyo oo la isugu diro inta xaqdaro iyo colaad la dhexdhiggo si marba qolo loola safto qolada kalena loo baado oo qolada kale lagu xuuxiyo hadday baadda diidaan waxaan la safanaynaa Qolada kale .

Dhanka kalena Maxay beesha Cayr maanta samayn lahaayeen haddii wiilal Biyamaala ay Guriceel Qori caaradiis ku qabsan lahaayeen iyagoo adeegsanaya ururka Alshabaab iyo magaca Dawadda Federaalka Soomaaliya.

Maxayse Beelaha Habargidir iyo Isaaq dareemi lahaayeen haddii Caasimadda Soomaaliya ay 1990 Qabsan lahaayeen Beesha Daarood dabadeedna ay Gumaadi lahaayeen Beesha Hawiye, Dabadeedna ay Beesha Daarood kaligood Muqdisha Degi lahaayeen oo Waliba Kaabayaashii Dhaqaalaha ee Soomaali oo dhan ka dhexeeyay iyo Guryihii Hawiye ay Beesha Daarood Xoog ku qabsan lahaayeen, Halka Beesha Hawiye lagu khasbay in ay Deegaanadooda un deganaadaan oo waliba Ruuxii Xamar lagu arko si fudud loo dilo, hadana layiraahdo Beesha Hawiye waxaa Caasimaddii Soomaaliyeed u ah Muqdisho oo ay deganyihiin Beesha Daarood oo kaliya, hadana Madaxwaynaha Soomaaliya uu ahaan lahaa Beesha Daarood.

Haddiise ka waran ay Garoowe oo Caasimaddi labaad ee Soomaaliya ah ay beesha Daarood Qabsadaan isla markaana ay Beesha Daarood yiraahdaan Soomaali waa ka go’aynaa oo waa kala Qaybinaynaa Soomaaliya, hadana ay Beesha Daaroodd xoog ku qabsadaan Burco iyo Shiikh oo yiraahdaan innagay nala go’ayaan, halka ay Habar Awal diidan tahay in Soomaali lakala Qaybsho.

Haddiise ka waran ay hadana Beesha Daarood ay London tagi lahaayeen oo banaan bixi lahaayeen oo aran lahaayeen Ingiriisow Aabahahayow na aqoonso oo noo xalaaalee Burco iyo Shiikh.

One Response to Fadeexad: Beelaha Habargidir iyo ISaaq oo wali 30 sano kadib Qori iyo baad iyo qabasashada reero deegaankood wali wax ku raadinaya