Fadeexad iyo Cambaarayn Xassan Sh oo rajadii Shacabka Soomaaliyeed Mustaqbalxumo iyo Rajoxumo u horseedaya marwalba

Filed under: Wararka |

Shacabka Soomaaliyeed oo qaybta ugu wayn ka ah Mustaqbal xumada loo horseedayo Jiilasha soosocda ee Soomaaliyeed oo hadaan laga gaarin noqonkara dadka ugu nolol iyo tayo xumaada Mustaqbalka umadaha dunida kunool.

Aduunka shacabkasta waxaa kala haga Dastuur iyo sharci, ee Shakhsi kalige fikir keenay cidina waxba kama dhageysato.

Hase yeeshee Shacabka Soomaaliyeed waxaa laga kari waayay xeerka iyo Dastuurka ku dhaqankiisa barta ciddii Xeerkaas garab marta, ciqaab adag marsii waliba kuwa masuuliyadda qaada ee kitaabada kumara in aynan Dastuurka dhanna uga leexanayn, kuwaas haday Dastuurka ka leexdaan waa in Ciqaab adag lamarsiiyaa waayo waa ay ka danbi baddan yihiin dadka aan Masuuliyadaha sare Hayn.

Sababta Nidaamka Fedaraalka loo qaatay waxay ahayd in aan cidna dusha waxaynan rabin looga keenin balse taa badalkeeda dadka deegaanka ay markaas wixii ay rabaan iyadoo dastuurka laraacayo markaas maaulka ay rabaan kamid noqdaan.

Gobalka Mudug wuxuu ka koobanyahay 5 Degmo (Xarardheere, Hobyo, Jariiban, Goldogob, Gaalkacyo) hadaba Goldogob iyo Jariiban iyo qayb kamid ah Gaalkacyo waxay kamid yihiin Puntland,Halka Hobyo iyo Xarardheerana ay hadda ka kala tirsanyihiin Ximan Iyo Xeeb iyo Galmudug iyo Degmada gaalkacyo Qaybta koonfureed oo katirsan Galmudug.

Madaxwaynaha ayaa la aaminsanyahay in uu qayb wayn ka qaatay Taageedidda iyo Sheegashadda Qaybta Puntland ee Gobnalka Mudug oo iyada oo aan cidna lala tashan Shir jaraa’id la isaga dhawaaqay oo la raaciyay Maamulada Gobalada dhexe.

Hadaba Xassan Shiikh waxaad moodaa in uuba isagu abuurayo Carqalado iyo Fawdadii Soomaalidu 24ka Sano lagusoo maaweelinayay si aynan danahooda u raacan oo ay howlgab u noqdaan.

Aduunka Banii aadamka kale waxay ku mashquulsanyihiiin orad iyo tartan Koboc dhaqaale, halka Soomaalidii ay ragaadiyeen Hogaamiyaal aan garasho iyo Qadiyad toona lahayn.

Shacabkii Soomaalidu waxay noqdeen dulmanayaal u dulman dhowr Shakhsi.

Waxba Kuma Jabna Cidii israacaysa in ay is raacaan, laakiin Umadaha aduunka dastuur baa kala haga, illaa hadana ma aanan maqal Golaha Xeer Dajinta ee Bishii 3000$ lagu siiyo Xeer u samaynta arrimaha muhiimkaa sida Qaabkii xeer lowgu samayn lahaa Maamul gobaleedyada.

Tan kale Degmooyinka Shabeelada Hoose dadka degan waxaa la-kala raacin karaa maamulo kala duwan oo barkood haday doonayaan Gobalkay rabaan bay raacikaraan barka kale gobalkay rabaan ee la dariska ah.

Sidaa si le’eg Dadka Dega Gobalka Mudug odayaal iyo wax garad bay leeyihiin waxayna ahayd Madaxwaynuhu in uu Odayaasha tala waydiiyo inta aanu isaga dhawaaqin.

Madaxwayne Gaas waa uu ku saxsan yahay in uu xiriirka u jaro DFS hadiiba aan lagu dhaqmayn dastuurkii, waayo dadka xeer iyo dastuur baa kala haga ee Shakhsi go’aan uu iska gaarayo cidna ma kala hagto iyo Shir jaraa-id oo shakhsi aragtidiisa gaarkaa uu kusoo bandghigo.

Puntladnobserver@gmail.com