Fadeexad iyo Cambaarayn Xukuumada Siilaanyo oo saxaafadii madaxa banaanayd afka qabanaysa si aan loo ogaan musuqmaasuqa xukuumada Sida xukuumada Beesha kuukaakayada ee Kenya xooga kuhaysatay (Akhri warbixn muhima)

Filed under: Wararka |

Warbixintan kooban waxaan inyar ku eegaynaa muhiimada saxaafadda Madaxa banaan.

Hadaad aragtaan wadan horumar gaaray dunidan casrigaa, qaybta ugu wanaagsan waxaa ka ciyaara waa saxaafadda oo shacabka usoo bandhigta dhamaan barnaamijyada kala duwan oo shacabka lagu horumariyo.

wadamada kiciwaayay ee Africa waxaa ragaadiyay waa odayaal Gacmo shisheeye u shaqeeya oo dalka qaabab habaysan oo noocyo badan kuhaysta, gacmo shisheeye si dadba u taageeraan.

Odayaashaas meesha ugu baaxada wayn ee usuurto galisa in ay dalka xoog ku haystaan waa saxaafadda oo ay kantaroolaan waxaana arrinkaas aad uga kaalmeeya Gacmaha Shisheeye ee danaha goonidaa wata si odayaashaan khaa-imiintaa kursiga lowgu siihayo.
scales-of-injustice
Matalan Dalka Kenya Websiteyada aan afka dawladda ku hadlin waa laga xiraa dalka kenya waayo waxaa xoog ku haysta Beesha Kuukaayada iyo Musuqmaasuq noocaasa oo qarsoon ayaa dalka Kenya lagusoo haystay, marka hadii jaanis lasiiyo dhalinyaradda waxbaratay odayaashaas Khaa-imiintaa meesha waa kabaxayaan waxaana meesha qabsanaya shacabkii dalka iska lahaa oo ay hormuud kayihiin dhalinyaradooda.

Hada arinka ay Xukuumada Siilaanyo ku dhiiratay waa arrin ladoonayo in tijaabada Soomaaliland laga bilaabo hadhowna Soomaaloo dhan lagu eego qaabka noocaasaa.

Xukuumadu haday saxaafadda gacanta ku dhigto, waxay ka dhigantahay dalkii intiisii kalena gacantay ku dhigaysaa, dalkaasna waxaa yeelanaya dhowrka ruux ee Xukuumada ka ogdhaw mana noqonayo dal shacab leeyahay.

sababta hada wargayska haatuf albaabadda lowgu laabay waxay ahayd lacagtii wasiirka batroolka ee Soomaaliland uu dhunsaday waxaana soo bandhigay wargayska haatuf hadii kale shacabka Soomaaliland ee hantidooda ruux jeebka ka buuxsaday ma ogaadeen.

halkaan hoose kilig garee si aad u akhrido warbixo hore oo Puntlandobserver ka daabacday wargayska haatuf