Fadeexad:Masharax Cabdikariin Dhagajuun iyo damac xumadiisa ku aadan Gobalada dhexe (Dhegeyso)

Filed under: Important News,Wararka |

Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha DFS Cabdikariin Dhagajuun hadana u taagaan jagada Musharaxnimo Gobalada dhexe ayaa cadeeyay in uu doonayo in xoog iyo jajuub lagu raacaaiyo deegaanada waqooyiga mudug ee Puntland maamulka Gobalada dhexe.

Dhanka kalena Cabdiqaybdiid ayaa shalay isna hadalkaas mid la mid ah saxaafadda ka jeediyay.

Xaqiiqda marka loo daadagto, Cabdiqaybdiid iyo Dhagajuun ayaa labaduba waxay kasoo jeedaan beesha sacad ee degta koonfurta mudug.

Magaalada Gaalkayo ayaa ka kooban afar xaafadood, Beesha sacad ayaa degta Xaafadda kooxfureed ee lagu magacaabo Baraxley.

Cabdiqaybdiid iyo Cabdikariin dhagajuun hadday run sheegayaan oo musharxiin asala yihiin maxay inta waqooyiga Gaalkacyo u yimaadaan musharaxnimadooda uga jeedin waayeen.

Hadiise ay Cabdiqaybdiid iyo dhagajuun ay xoog wax ku doonayaan, ma yihiin niman leh awood ay wax ku maquunin karaan.

Awoodda ay beesha sacad Gaalkacyo ku maquunin wayday 1991 markii uu Generaal Caydiid la wareegay hubkii DAwladdii Soomaaliya, ee ay maanta Dhegajuun iyo Qaybdiid wax ku maquunin karaan talow xaggee laga sugayaa.

Hoos ka dhegeyaso Caqliga dhegajuun.