Fahad Yaasiin Ninkii Maal-Galiyay Xasan Sheekh 2012 Oo Sannadkaan Madaxweyne Ka Dhigay Farmaajo

Filed under: Important News,Wararka |

fahad yaasiin
Mar waliba ma dhacdo in qof kaliya uu laba madaxweyne oo kala duwan gacanyare u wada noqdo, kadibna ay ku guuleystaan xil madaxweyne laba olole doorasho oo 4 sanadood u dhaxeyso.

Arrintan waxau u suuragashay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah saxafi iyo nin ku xiran dowlad Carbeed oo khaliijka ku taalla, isla markaana ka mida dadka ugu saameynta badan siyaasadda Soomaaliya.

Fahad Yaasiin wuxuu doorashadii 2012 soo dhisay Xasan Sheekh, isagoo lacago badan ku maalgeliyay doorashadii uu ku soo baxay, laakiin waxay isku khilaafeen awood qeybsiga, taasoo keentay inuu isla markii la dhisay xukuumadda isaga tago dowladda.

Wixii markaas ka danbeeyay lama maqlin warkiisa wuxuuna ka qarsoomay indhaha saxaafadda iyo dadka, laakiin waxaa mar kaliya laga warhelay isagoo la socda musahaxa Maxamed C/llaahi Farmaajo September 2016.

Ujeedka Fahad ee taageeridda Farmaajo ayaa siyaabo kala duwan loo arkaa, waxayna dad ku dhow sheegeen inuu uga aargoosanayo Xasan Sheekh oo ay isku dhaceen isagoo kaalin weyn ku lahaa doorashadiisa, halka dad la sheekeystay ay noo sheegeen inuu taageeridiisa isugu jiro dagaalka Xasan Sheekh iyo xil sare oo isaga meel ugu calaameysan.

Xildhibaanadii qaabilay Farmaajo waxay sheegeen inuu ahaa ninka furaha u ah ee wax waliba haga, sidaasoo ay tahayna lama maqal lamana arag oo ma qaban kaamerooyinka saxaafadda, isla sidii uu yeelay xilligii uu taageerayay Xasan Sheekh.

Fahad Yaasiin wuxuu kasoo shaqeeyay telefishanka Aljazeera ee dalka Carbeed ee Qadar, laga leeyahay, waxayna macluumaad aan la xaqiijin sheegayaan in dowladaasi uu gacansaar la leeyahay, isla markaana uu ka helo lacagaha uu ku maalgeliyo musharixiinta uu taageero.

Ololihii doorashada Farmaajo uma lacag badneyn sida Xasan Sheekh, laakiin wuxuu ahaa musharaxa labaad ee ugu kharashka fiican, waxayna xildhibaanadu ku qiyaaseen lacagaha ololaha uu ku bixiyay in ku dhow 2 Milyan oo doolar, halka kooxda Xasan Sheekh ay ka baxday lacag ka badan 12 Milyan oo Dollar.

Mar kale ayuu Fahad Yaasiin nasiib u yeeshay inuu soo saaro Madaxweyne cusub oo Soomaaliya ay yeelato kadib Xasan Sheekh, waxaana muuqata inuu markan xil ka qaban doono dowladda uu hogaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xigasho: Xogtamedia