Falanayn Xigmadda Prof Togane ee 1000 libaax oo ay Goroyo Hogaamiso waxaa ka ka wanaagsan 1000 Goroyo oo Hal Libaax Hogaamiyo

Filed under: Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Maah maah caana oo Soomaaliya ayaa tidhaa “Nina Caadadi ma daayo Bahalna ceedhiin ma daayo”

Marka Gorayo caadadeed waa carar iyo baqo carar, oo Qorshaha Gorayada marna kuma jiro wax iska dhici, kaliya wuxuu ku koobanyahay baqasho iyo carar.

Marka haddii Gorayo hogaamiso kun libaax waxay baraysaa sida loo cararo illaa xad, laakiin haba yaraatee aan wax iska dhicino meelna uguma jirto, marka 1000 Libaax ee amarka Gorayada iyo Qorshaha Gorayada ku shaqaynay waa guul daraysanayaan, waayo qorshahooodu waa aan cararno.

Lakiin 1000 Gorayo oo ku shaqaynaya amarka Libaaxa waa Guulaysanayaan, waayo Libaaxu wuxuu barayaa Gorayada sidii ay isaga dhicin lahaayeen Dhurwaaga doonaya in uu cunno, oo Gorayadii ayuu ku dhiirigalinayaa in ay dagaalamaan oo isku gurmadaan oo aynan hal Dhurwaa oo qura ka cararin ee Geesaha ka gallaan.

Aakhirkana waa guulaysanayaan

Mida kale Libaaxu wuxuu barayaa Gorayada dhaqanka wanaagsan iyo Xishoodka ee Libaaxa, oo Libaaxu markii aynan Baahi hayn Xayawaanka ma laayo, kaliya marka ay Baahi hayso ayuu diloodaa, laakiin dhurwaaga weeya kan saqajaankaa oo isaga oo aynan baahi hayn laaya ugaarta.

Sidoo kale Hogaanka leh dhaqanka Dhurwaaga ma dhargo oo wuxuu qaaataa Malaayiin lacaga oo aannu u baahnayn oo masaakiinta waxba ugama tago.

Diyaariye: Wayl Caduun