Farxiyo Yusuf Xirsi Wasiirkuxigeenka Haweenka Puntland: Gabarkasta oo Soomaaliyeed waxay iilamid tahay Gabadhayda waa Dhiigayga mana yeelayo in Jaariyad laga dhigto (Dhegeyso)

Filed under: Important News,Wararka |

Farxiyo Yusuf Xirsi Wasiirkuxigeenka Haweenka Puntland oo sisay waraysi Cali Xaraare ayaa hadallo qiiroleh iyo wacyigallin u jeedisay umadda Soomaaliyeed iyadoo aad uga xun Gabdhaha Soomaalida ee mashruuca Jaariyadaha Sacuudiga ee ay DFS heshiiska kula gashay Sacuudi Arabia.
Farxiyo Yusuf Xirsi Wasiirkuxigeenka Haweenka Puntland waxay sheegtay in ay sacuudiga 13 sano ku noolayd oo ay Guri guri u taqaan, waxayna sheegtay in ay jiraan Soomaali farabadan oo maanta 20 sano kawayn oo Sacuudiga ku dhashay oo maalinkasta lasoo tarxiilo oo aan wax xaquuqul insaana ku lahayn.

Waxay sheegtay wasiiraddu in ay ka damqanayso Gabarkasta oo Soomaaliyeed meeshay rabto Soomaaliya haka joogto, isla markaana ay dareemayso in ay masuuliyadi kasaarantahay gabarkasta oo Soomaaliyeed.

Hoos ka dhegeyso waraysoga oo dhamaystiran
Wasiir-Kuxigeenka-haweenka puntland

One Response to Farxiyo Yusuf Xirsi Wasiirkuxigeenka Haweenka Puntland: Gabarkasta oo Soomaaliyeed waxay iilamid tahay Gabadhayda waa Dhiigayga mana yeelayo in Jaariyad laga dhigto (Dhegeyso)

  1. Pingback: Farxiyo Yusuf Xirsi Wasiirkuxigeenka Haweenka Puntland: Gabarkasta oo Soomaaliyeed waxay iilamid tahay Gabadhayda waa Dhiigayga mana yeelayo in Jaariyad laga dhigto (Dhegeyso) - Daily Somalia Report