Faysal Cali Waraabe oo cabsi iyo argagax ka muujiyay shirkii DF & DG Puntland

Filed under: Wararka |

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Soomaaliland ee UCID,Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay heshiis ay Garoowe ku gaareen dowladda Puntland iyo faderaalka ayaa ku sheegay inuu yahay mid lugu doonayo in lugu weerarro Soomaaliland.

Waxuu sheegay heshiiska inuu ahaa mid ay gaareen labo nin oo ilma adeer ah kuwaaso u socda Soomaaliland,waxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliland inay u diyaar garooban arrimaha ku soo fooleh.

“Heshiiskii ka dhacay Magaalada Garoowe waxaa kala Saxiixday Labo Nin oo ilma Adeer ah ma ahayn mid Dowladda iyo maamul ay kala saxiixdeen,Shacabka Soomaaliland ha ogaado Arrintaas”ayuu yiri Feysal.

Sidoo kale Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Maamulka Soomaaliland uusan Aqbali doonin wax walba oo Caqabad ku Maamulka Soomaaliland iyo Shacabkiisa.

One Response to Faysal Cali Waraabe oo cabsi iyo argagax ka muujiyay shirkii DF & DG Puntland