Faysal Rooble: Madaxwaynaha waxay ahayd in uu diidmada Baarlamaanka VIITO Ku sameeyo waayo Baarlamaanku wuxuu u baahanyahay Cod 2/3 (Arrin muhiima akhri)

Filed under: Important News,Wararka |

faysal rooble
Waxaa baryahaan danbe isa sootaraya aqoon yarida madaxda Soomaalida iyo la taliyayaashooda aqoonta ay u leeyihiin hanaanka dawladnimo.

Aqoonyahan Faysal Roobel ayaa qarxiyay arrin ku cusub dhagaha Soomaalida oo ah, in Madaxwaynaha uu dastuurku siinayo in Madaxwaynuhu is hortaagi karo qorshe siyaasadeed uu baarlamaanku aqlabiyad ku diiday, sida murankii heshiiskii Madasha ee Baarlamaanku diidanaa.

Faysal ayaa markii ugu horaysay daboolka ka qaaday in Madaxwaynuhu uu leeyahay awood uu Viito ku saaro diidmada baarlamaanka, taas oo ay Baarlamaanku ku meel marinkaraan 2/3 oo lamid ah 270/3*2 =180 xildhibaan in ay isku raacaan diidmadii heshiiskuu Madasha.

Arrinkaan uu Faysal hadda qarxiyay ayaan saaxaadda Soomaalida horey looga warhayn, tanina waxay banaanka soo dhigaysaa shaki kale oo dad badan ay iswaydiinayaan sababta uu Madaxwayne Xasan u mari waayay wadada saxdaa ee dastuurigaa.

Hoos ka dhegeyso waraysiga aqoonyahan faysal rooble uu siiyay Golaha 1960

One Response to Faysal Rooble: Madaxwaynaha waxay ahayd in uu diidmada Baarlamaanka VIITO Ku sameeyo waayo Baarlamaanku wuxuu u baahanyahay Cod 2/3 (Arrin muhiima akhri)

  1. Pingback: Daawo Warmurtiyeedkii Laga Soo Saaray Shirka Dhaqanka ee Qardho | Puntland Observer