Federalka iyo Puntland: Ma labo cudud oo simman, mise cudud kobocday iyo xubin naafa ah cusmaancumar@gmail.com

Filed under: Articles,Wararka |


Federalka iyo Puntland: Ma labo cudud oo simman, mise cudud
kobocday iyo xubin naafa ah
cusmaancumar@gmail.com

Nidaam xasillooni qabin. Nidaam ku sifoobay musuq iyo wax isdaba marin. Nidaam ku mashquulay qeybsi
qabiil iyo quursiga bulshada qeybteeda. Waa dawladda Xamar go’doonka ku ah.
Haddii maanta AMISOM ka baxdo Xamar, waa hubaal tii ka dhacday Marka – Shabeellada Hoose oo kale in ay dhaceyso. Alshabaab ma foga. Habeenki waxaa ay maamulaan deegaanno badan oo Xamar ah.
Qeybna maalintii. Waxaa la wada ogyahay canshuurta ay ka qaadaan ganacsiyada qaarkood oo ka jira
Xamar. Waxaa la wada ogyahay awoodda Alshabaab ku leeyihiin bulshada qaarkeed ee Xamar deggan.
Waxaa lawada ogyahay sida Alshabaab ugu dhex milantay maamulka dekedda iyo garoonka diyaaradaha iyo Villa Somalia iyo Cisbitaallad Xamar. Waxaasoo xog ah kama daahsoona dawladaha iyo heyadaha shisheeye ee lugta kula jira waddanka.

Badbaadada Federaalka

Waxaa uduuday Federaalka waa Puntland. Naf, maal iy maskaxba waxay ka timid Puntland. Siyaasi, garaad, ugaas, beeldaaje, islaan iyo boqorba waxaa ka go’neeyd, haddana ka go’an, in Somaliya yeelato dawlad buuxda.

Haddaba si loo badbaadsho danta guud ee dalka waa in la helaa goob xasilloon oo dawladda federaalka ay ku shaqeyso. Waa in laga maarmaa hoos joogga AMISOM. Waa in talo, tusaale iyo tabaabusho laweydiiyaa Puntland. Waa haddii daacad laga yahay in qaran Somaliyeed dib loo askumo.

Sabab

50% in ka badan dadkii usoo qaxay Puntland 1991, waxaa ay ka wada yimaadeen Xamar iyo Koonfur.
Badidood abtirsi mooyee, abidkood ma arag Puntland. Hooy iyo hantiba waa kasoo barakeceen. Waa intii ka badbaadey gummaad iyo xasuuq. Mudug, Nugaal, Bari, Sool iyo Ceyn baa loo soo hayaammay.
Laga bilaabo Gaalkacyo ilaa Garowe, Qardho, Bosaso, Badhan, Baargaal, Bender-Beyla iyo carriga Puntland oo idil waxaa uu ahaa meel aan waxba oolleeyn. Dad soo qaxay. Dad argagaxsan. Dad firdhad ah.

Hoos bay waxwalba Puntland kasoo bilowday oo waxaa isku tagey oday, isim, aqoonyahan, dumar iyo culumaa-uddiin . Waxay Hirgaliyeen nidaam iyo kala dambeeyn. Maanta waa taa koboceysa. Hawlahaas farahabadan baa dhalay Nabadda iyo Nidaamka Puntland ka hirgalay Ogoow hawshaasoo idil wax Beesha Caalamka ay lug ku leheeyd ma aha – dhaqaale iyo talo.

Si taa mid la mid ah dalka loogu soo wada dabaalo, waa in dawladda federaalka markan lagu tijaabiyo lasoo Garowe in ay ka hawlgasho . Waa in markaan Puntland oo kaahsanaysa Maamulada kale lagu uruurshaa ciidan Somaliyeed oo dhab ah. Maya maleeshiyo beeleed heeyb raac ah.

AMISOM iyo heyadaha caalamiga ah ha iska tagaan. Somali ha is hagto oo ha is daryeesho. Hana isku tashato.
Waa arrin meel mar ah. Balse waxaa jira daneeyste aan dan guud eegeeyn oo mid gaar iyo mid qabiil doonaya. Wax tar Somaliyeed waxaa ugala weyn reer baa sumacad helaya. Wanaagga Somali gaarto reer kaliya ma leh ee waddankoo idil baa ku baraaraya.

Gunaanad

Xasan Sheekh, Sharmarke iyo Jawaari iyo dhammaan labada gole waa in si daacad ah u waajahaan dhibta maanta taalla dalka iyo kaalinta buuxda ee Puntland ka qaadan karto nabadeynta waddanka oo idil. Waa fursad qaali ah. Puntand ha gardaadiso Federaaka. Goleyaasha Federaalka ha eegaan danta dalka iyo dadka
Somaliyeed. Talyo iyo tusaale ha la weydiiyo maamulkaa gaamuray ee Puntland. Walaalkaa hadduu kugu dhaammo garasho iyo garaad, waa in aad u qirtaa. Ka dibna taageero weydiisataa.