Fikirka La Is Raacinayo, Wixii Qurba Jooga, Ama Qorax Jooga, Ama Reer Hebel, Ama Wixii 30 Sano Ka Wayn Ma Saxbaa????:

Filed under: Articles,Heeso,Important News,Wararka |

wacyigalin

Soomaalida baryahaan danbe waxaa kusoo badanaya afkaar aad u qaldan iyo umado dhan oo la is raacinayo, oo la leelayahay dadka qurbajoogta Soomaalida waa wada noocaas.

Ama la leeyahay dadka da’doodu ka wayntahay 30 sano ama 40 sano waa wada noocaas.

Ama la leeyahay dadka kasoo jeeda reer hebbel waa wada noocaas.

 

Waa fikir qaldan midka ugu baaxadda wayn in ummad dhan la israaciyo oo la yiraahdo ummaddaas waa wada noocaas.

Laakiin bini-aadamka illaahay abuurray aad iyo aad iyo aad bay u kala duwan yihiiin oo qof qof la mida ma jiro, qofkastana illaahay xigmad u gooniya ayuu siiyay oo illaahay qofna ma qadin, ee qofka ayaan is ogayn xigmadda goonidaa ee illaahay siiyay ee aynan cidna kula tartami karrin.

Tusaale haddaan wadaadada Soomaalida ee nool kasoo qaadano marka ay diinta islaamka noo sharaxayaan, ma helaynaa sh lamida  Sh Mustafa sida uu diinta u sharaxo, sow ma ahan xigmad Sh Mustafe un u gooniya.

Hadana Sh Mustafe waa qurbajoog, Sh Mustafe 40 sano waa ka waynyahay, Hadana Sh Mustafe Burcuu ku dhashay, haddii marka la doonayo in la helo nin sida Sh Mustafe oo kale ah, oo hadana layiraahdo, ha la iska illaasho wadaadada qurbajoogtaa,  iyo wadaadada da’doodu 40 sano ka wayntahay, iyo wadaadada reer Burco kasoo jeeda.

Markaas waxay ka dhigantahay in ruuxa aad lowgu baahanyahay uu Sh Mustafe yahay, hadana shuruudaha kore ay 100% meesha ka saarayaan in Sh Mustafe lasoo xulo.

Sidaas la ajligeed ruuxii laga maqlo isagoo leh qurba joog waa noocaas, reer hebel waa noocaas, dadka da’adaas jira waa noocaas, waa ruux qaladan ee dadka ha laga qabto.

Waxaa laga yaabbaa mid qurbajooga oo afcaal xun in uu arkay, dabadeedna uu dusha iska saaray 2-dii million ee qurnaha joogtay oo sh iyo shariif ba lahaa.

Waana fikir baryahaan Soomaalida kusoo badanaya