Finland: Xafladda Sanad-guurada 17aad ee Aasaaska Puntland oo Helsink lagu qabanayo

Filed under: Important News,Wararka |

espoo

Waxaa dhamaan la ogeysiinayaa Umada Soomaaliyeed iyo Shacabka reer Puntland ee ku dhaqan Dalka Finland in dhowaan la qaban doono Xaflada Sanad Guurada 17aad ee Aas-aaska Puntland.

Xafladan ayaa waxaa la qaban doonaa Maalinta Sabtida Habeenimada ay Axada soo galeyso Taariikh-du ay tahay 01.08.2015-ka Saacada Galab 17-22 ,waxaana lagu qaban doona Magaalada Helsinki Caasimada Dalka Finland Xafiiska Dalada Ururada Puntland ee Finland.

Waxaa kasoo qeybgeli doona Xaflada Aabaha Midaynta Jaaliyadaha Puntland ee Yurub Ahna Wakiilka Puntland U Fadhiya scandanevianka Mudane Dr Maxamed ismaaciil cabdi Baydhabo sidoo kale waxaa Qadka talefan uga qeybgeli doona Ra’iisal wasaaraha Dowlada Somaliyeed Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxda sare ee Puntland Wasiiro iyo Agaasimaha Qurba-joogta Puntland

Hadaba hadii aad dooneyso in aad hesho faah faahin intaas dheer waxaad la xidhiidhi kartaa Gudiga Jaaliyada Puntland Ee Finland
Gudoomiyaha Qabanqaabada
Maxamuud Cabdirahman Shiinle Tel +358466229173
Gudoomiye ku xigeenka
Waceys Maxamud Maxamed (ILFUR) Tel +358465485397

Dhanka Gabdhaha
Hodan Cali Shire Tel +358466147188
Muxubo Xasan Tel +358456044409

Xafiis Dalada Ururda Qurba-joogta Puntland ee Finland
Itäinen sosiaaliasema – Myllypuron toimipiste
Sijainti:
Kivensilmänkuja 2 00920 Helsinki
XAFIISKU WAA MYLLYPURO