GAALKACYO LA GODLIYE YAAN LA GAAGIXIN

Filed under: Articles,Wararka |

Waa qormo saddex ujeedoley ah oo ku wajahan saddex jiho oo kala duwan kalana ah:

B) Hambalyo iyo taageero ku wajahan Madaxweynaha Puntland Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas, tillaabada geesinimada iyo aragti dheerida leh ee uu Galkacyo ugu jilba jabsaday si uu magaalo furineedaas ka hartay dawladnimada Puntland usoo saaro tareenka horumarka oo halkudhegiisu yahay: PUNTLAND HA ISKU TASHATO.

T) Guubaabo aan u dirayo rer Galkacyo hadday dawladooda hore wax uga tirsanayeen manta usoo jeensataye yaan layska baylihin. Siduu yiri halyeygii colaada iyo nabadaba, abaanduule dagaal isla markaana ahaa odaygii nabada Mudug Axmed Saajil AUN: ILAAHAY OO II GODLADAY ISKA GAAGIXINMAYO.

J) Digniin aan u dirayo dad ka mida bulshada rer Galkacyo oon u aqaan Arki-jiray-doon. Kuwasoo caadaystay inay kahor yimaadan wanaag kasta oo kusoo kordha Mudug oo ay u arkaan inaysan iyagu keenin. Dadkaas oo lagu matali karo baqashii la yiri MANA DHASHO WIXII DHALANA MA JECLA. Labada qaybood oo Galkacyo, waqooyi iyo koonfurba dadkaasi way ku suganyiin cilladaasna way ka simanyiin.

Hadaba anoo ka ambaqaadaya murtidii ahayd REER NABADA LOOMA TALIN WAAYO, waxan maanka ku hayaa inay jiraan tiirar adkayntoodu horseedi karto inan kacaanka horumarinta mudug fashilmin. Kuwaas oon ka xusayo:

1) In wasaradaha PL xarumahoodii loo banneeyo ayna saldhigtan mudug waxay horseedi joogitaan dhaba iyo maamulka PL oo Mudug ku fida. Taas la’aanteedna wa halka ay horay sartuba uga quruntay.

2) Galkacyo waqeed laguma mamulin dastuurka iyo qorsheyn ay ledahay dawlada PL sida gobolada kale. Xata canshurta kaso xeroota isafgarad iyo xeerjajab ba loga qadi jiray wax aad uga yar dakhliga kaso xeroon karay. In kor loo qaado dakhliga Galkacyo isla markana qeyb kamida iyada lagu horumarshona wa qodob uu asiibay madaxweyne Gas.

3) Waxa xaqiiqa ah in ilaa hal malyan bishii dawlada dhexe ugaso xeroon karto iyadoon culays siyaado ah la saarin canshuur bixiyaha ee kaliya triiifada maaliyada PL lagu fulinayo sida gobolada kale. Isla markana laga dulqaado canshuraha ay dheertahay gobolada kale oon weligood u xeroon dawlada PL.

4) Sidoo kale waxa mudo kooban cirka lagu shareeri karaa dakhliga D/ hoose markii lagu dhaqo nidaam canshuureedka dastuuriga ah lana hagaajiyo maamulkeeda lacageed. Isla markaana si fiican wax looga bedelo kaadirkeeda iyo hawlwadeenadeeda sarsareba.
5) Hadaba 4taas qodob oo qaarkood intuu joogay madaxweynuhu durba wax muuqda laga qabtay, ha yeeshee isaga la laaban kara, iyo inta hadhayba si fulintooda loo dhamaystiro waxa loo bahan yahay:

B) Magacabid wakiil madaxweyne oo isku haya jagadii duqa magaalada iyo tii gudoomiyaha gobolka, si looga gudbo isqabqabsiga gobolka iyo degmada oo Galkacyo la haray.

T) In jagadaas loo magacabo siyasi fikir iyo hal abuurleh IDEOLOGIST (not careerist, technician or job seeker). Wakiilkaas oo ilaalinaya dastuurka, iyo shuruucda kaloo dalkaba, wuxu si biuxda masuul uga noqonayaa siyaasada, dhaqaalaha, maamulka, ammaanka iyo horumarinta gobolka Mudug iyo degmada Galkacyo. Taasoo isaga iyo teamkiisa hoos taga oo ka kooban dhamaan laamaha dawlada ee ka hawlgala gobolka Mudug ay ku shaqaynayan qorshe uga yimada dawlada dhexe iyo qorshe hawleed hoose oo iyagu degsadeen kana ansixinayan golaha degaanka.

A) Wakiilka iyo teamkiisu waxay waxqabadkooda ku bolaabayaan dhismaha gole degaan oo laamaha xaafadaha Galkacyo laga soo DOORTAY (Elected not selected). Kuwaas oo iyana dooranaya gudoomiyahooda, dabeedna ku ekaanaya sharci dejin, ansaxin, matalida shacabka iyo la xisabtanka hawlfuliyaasha.

Waxa tusaale fiican u noqon kara soojeedintan habkii madaxweyne Faroole u magacaabay Mudane C/raxman Cabdi Cuuke oo maamulkiisu tusaale u noqday wadashaqayntii ugu fiicnayd oo dhex marta maamulka iyo bulshada Mudug, maadaama uu Cuuke ahaa agaasime ama technician (not politician) hore ugu guuleystay hawshiisii farsamo ee wasaarada waxbarashada.
Hase yeeshee waxa tijaabadaas ragaadiyay siyaasad quman oo loo raaco ujeedooyinkii loo socday iyo aqoon iyo wayoaragnimo xaga dhaqanka Mudug oo intuba meesha ka maqnaayeen. Ilaa heer hogaamiye Cuuke ku khasbanaaday inuu iska casilo xilkiisii. Waxa taas muujiyay in loo maara waayey arki-jiray-doon sacab mugi ah iyo hormo ODAYAAL GURGUURANAHAYOO GOORXUN SOCONAAYA ah, sidii uu Mudug ku sheegay qarni kahor abwaan Cisman Yusuf Keenadiid AUN.

Caqabadaha ugu waaweyn oo ka horiman kara mashruuca horumarinta Mudug ee madaxweyne Gas daahfuray waxa ka mid ah:

1) Madaxweyne Gas qudhiisa oo dib uga laabta Galkacyo isagoon waxqabadka wafdigiisa ee horumarineed, dhaqaale, ammaan iyo qaabaynta magaalooyinka ee uu Galkacyo ka bilaabay ku darin mid maamul iyo bulsho. Haduu sidaa Galkacyo uga tago isagoon maamul cusub oo ku fikir ah oo hawshii halkaa kasii wada u samayn wuxu waxqabadkiisii noqon karaa xoog doofaar lagu eryay. Boor ka jafidiisuna waxay noqon doontaa midaan lagasoo dhaweyn magaalo danbe oo PL ka mid ah.

2) Arki-jiray-doonkii Cuuke iyo cid kastoo waxqabadka galkacyo isusoo taagtaba weligeed cadawga u ahayd ayaa durba markuu dubihii madaxweynuhu agtooda ku dhacay hada ku baraarugay inay wuxuun caynsadaan. Waxay sidii caadada u ahayd bufinayaan dacaayado raqiisa sida: Waxqabad looma socdee anagaa naloo danleeyahay. Burburinta qorshaha ka dambeeya wa dhaqaale iyo waxkale doon. Xarumo la wareegida waxa lagu tirtirayaa raadkii madaxdii hore u bixisay xarumahaas iyo khuraafaad kale oo lagu kicinayo waxmagaradka, sida uu garan karo ninkii Galkacyo waayo usoo joogay. Kii kalena ay kaga filan tahay ishortaaga wareejinta xeradii guulwadayaasha (Timaweyn) iyo suuqa Darxumo.

Qormadayda waxan kusoo afmeeray:
Magaalada Kharduum ee caasimada Sudan ayaa waxa laga nadiifin kari waayey deeqsinimo qallooc u gashay dadkeeda. Taasoo ay qumaamadooda ama cuntada kasoo hartoo ay qubaan ku faanaan, in laga hor qaadona diidaan.
Sida darteed, hadaan Madaxweyne Gas iyo wafdifiisu kuwaa dhigooda Galkacyo jooga wax ka qaban, bulshada mudugna laga dhex saarin, iskabadaa arartaan horiyo oodo dhacameede, runway galkacyo, wado- wadaagsin iyo deked Garacad midna lagu naaloon mayo.

“Waxad ka tawdaan ama ka tirsataan qormadan, turxaan bixintiinu waa ii tilmaan”

Saxardiid Kilwe
ssaxardiid@gmail.com
Tel: 256 791 467628