Gaas oo ay Baarlamaanka Puntland waydiiyeen su’aalo ay kamid yihihiin Dakhligii Mushaaraadka, Hantidhawrka oo aan madaxbanaanayn iyo Lacago lasoo daabacay (Dhegeyso)

Filed under: Important News,Wararka |

Golaha wakiilada Puntland ayaa markii ugu horaysay waydiiyay suäaalo kulul Madaxwaynaha Puntland.
Su’aalaha la waydiiyay ayaa waxaa ka mid ahaa.

Mushaaraadka askarta oo la la’yahay meesha ay mareen, oo madaxwaynaha su’aalo laga waydiiyay.
Hanti dhawrka guud oo Madaxwaynaha laga warsaday sababta uu Madaxtooyada hawlihiisii uga gudan la’yahay.
Iyo Lacago la sheegay in ay Puntland soo daabacatay balse aannu Baarlamaanku ka warhayn.

Madaxwaynaha ayaa su aalahaas uga jawaabay si kooban.
Madaxwayne Gaas ayaa sheegay in uu yaryahay dakhliga Puntland sidaas awgeedna arimaha loo kala hormariyo siday u kala mudan yihiin.

Dhanka Hanti dhawrka ariamaha la xiriira ayuu Gaas ku soo gaabshay in ay tahay hawshii Golaha wakiilada ayna qaadanayaan talooyinkooda haday Golaha wakiilada shaqooyinkooda qabsadaan

Dhanka lacagta ayuu Gaas sheegay in aynan waxba ka jirin.

Hoos ka dhegeyso