GABAY MISE GARAB-DAAR By Cabdullaahi shire yuusuf.

Filed under: Important News,Wararka |

Qormooyinkii hore ee Cabdullaahi shire yuusuf halkaan ka daalaco.
gabay
GABAY MISE GARAB-DAAR
Qof waliba wax baa Eebbe u fududeeyaa,mid baa fuundi nimada
ku sabcan oo ay u sahlan tahay qaab ka wax loo dhiso,mid baa yaqaan
sancada birta iyo tumideeda,mid baa ku caan-baxa dawo dhireedda oo
qofkuu cudur ku arko durbadiiba geedo uu yaqaan usoo jara markaas na
bukaan kii firgigix dhahaa oo xanuunkii ka biskoodaa,mid kale na
waxaa looga danbeeyaa haddalada xigmaysan sida maansada iyo maahmaah
da,oo isaga oo jeenjeensan,kana fekerin suugaan dux iyo macno
wanaagsan ku haqab-tira bulshada uu la nool yahay.

Soomaalidu waxay ka mid tahay dad ka wax curinta lagu
kuunyo.Waxaa marag ma doonta ah in sooyaalka taariikheed ee Soomaalida
laga helayo suugaan fac-weyn taasoo,macnaha ahaan iyo miisaan ahaan ba
aad u cuddoon,kuna qoton ta xaqiiqo iyo xigmad ballaaran.Adoo meel
dheer Ka dayin,waxaad raadisaa jilib hoosaad kiina inta nin oo gabyi
jirtay,Soo tiro aad u badan maaha?
Haa,runtii wey badan yihiin.Ogoow jilib hoosaad kasta oo
Soomaaliyeed,intaas iyo in ka badan ba way lahaayeen;hadda ba waxaa
muuqata in Soomaalidu yihiin umad suugaan ta deeq Eebbe u siiyay.

Wax tirintu ama wax curintu,waa in qof ku adeegsado
hadallo koob kooban,kaasoo leh hab iyo dhismo qurxoon.Hal abuur ka wax
tiriya ee saxda ah,waa in wuxuu Ka gabyay,ka geeraaray ama ka heesay
dareen dhaba ka keenaa,amaba dhacdo ka tiriyaa.Suugaanta Soomaalidu na
fikradaas bay asal ahaan waafaq San tahay.

Marka aad u dhuun-gashid, maansada ama guud ahaan ba
suugaan teenna qaan gaarka ah,waxaad dareemasaa inay tahay haybad
gaara oo aan qof walba lagu xuddumin.Sida dhaqan ku ahaa,dad ka wax
curiya ama af-tahan ka ah,geed ka shir ka waa looga danbayn
jiray,waxaana badnayd in oraah dooda golayaal badan looga haasaawi
jiray lana dhihi jiray “hebel wuxuu yiri” iyo wax la mida.Raggaas
af-maalka soocan ahaa,aaminidooda iyo u dhego furnaantoodu ciyaar
ciyaar kuma imaan jirin,nin kastoo gabyaa sheegta barqo cad baa
fagaare lagu xujayn jiray,kol kaas baa siriqdu la roori jidhay oo uu
dibirta laan-dayrta la murxi jiray, ama dabin ka bood imtixaankii ka
gudbay noqon jiray.Wax ba yaana u ararane,hal abuur kii hore waxay
lahaayeen waxyaaba aad loola amakaago,sida:gole-ka
fuulnimo,sadaalin,iyo inay wax aysan baran wax ka ogaayeen.Intaas aan
sheegay kuma eka laakiin, suugaan toodu way ka qoto dheerayd,anse aan
intaan eego.

Gole-ka fuul nimadu waa in qof ku wax tirin karo,isaga oo
wax uruurin,una soo fekerin,waana inaysan wakhti badan ka qaadan, oo
uu sidii Faataxada dabada isugu xiraa,Hadda ba,waa run in taas hibo
Eebbe ku deeqo tahay.Shire quube yuusuf yeey AHUN oo tilmaamaya sida
gabaygu ugu fudud yahay, waa kii gabay giisii macaanaa ee ‘Tab iyo
xeelleey’ uu ugu magac daray kulahaa:

“Sida geel tubdheer lagu wadaan,yara taxaabaaye

Sida Teeyo nirigloo dhashaan,soo tukubiyaaye

Tahliil uma cabbine Eebbahay,waygu taawilaye

Nin taleefan haystaan ahiyo,taar hawoo lala”.

Sidoo kale,Sayid Maxamed cabdille xasan oo lagu sheego nin ka soomaali
gabayga ugu badiyay, baa yiri:

” Unkad diririglayn baan ahiyo,dirir ka cawleede

Daad soo rogmaday baan ahoo,dooxadoo yimide

Aan dabiibto gabaygaygu waa,dab iyo baaruude”,gole ka fuulka na aan
intaa ku dhaafno.

In wax la saadaaliyo marar ka qaar,waa caadi oo wax adag
maaha,tusaale ahaan meel is maan-dhaaf ka jiro waa sheegi kadhaa,in
dagaal kaasoo socdo,hal abuur kase saadaalin toodu taas waa ka qodo
fogtahay,waxaa ba dhacda in boqolaal sano ama tobonaan sano ka dib wax
dhici doona ay sii sheegaan,hadda ba ma garab-daar bay leeyihiin?Ma
wax aynaa arkayn baa la shaqeeya?Ma haatuf baa wax u sahla?Dadka kale
miyay Alle xaggiisa uga dhawyihiin?Waydiima haas iyo kuwa kaloo
dooraba wax badan baan ka fekeray,mase helin war-celin ku haban
arrintaas oo aan ku qanco.Si kasta ba ha ahaatee,waxay ila dhaafi
wayday inay tahay hibo Eebbe bixiyo oo uu addoomihiisa barkood ku
taawilay.
Dhawr tuse aan eegno:

Alle ha uraxmee gabyaagii aad ka qaaliga u ahaa,oo miraha
cuslaa,waa Salaan Carrabay e,baa wuxuu doonay gabar,waxaa lagu
xiray,laguna xujeeyay inuu faras ka abtigii keeno,oo yarad ahaan ku
baxsho.Salaan abtigii waa u tagay,waase u diiday abtigii faras
kii.Galab tuu rabay inuu anba baxo buu gabay sadaalina tirshay,waxaa
ka mid ahaa:

“Xuseenoow wanaag male adduun,laysku waalaaye

Haddaa farasku inuu weynyahay,iyo wehel dad moodayso

Galab baa waraabuhu cunaa,ama la waayaaye

Wajaq cudur na waysagaa dhacaa,oof-wareen melege

Adoo werenweryiyo qaylo timid,Wegen xillaw haysta

Oo weerar dhacay baa nin kale,weligii fuulaaye

Tol widhiidhi galay geed wahdiya,ururka waayeelka

Wiglo jeedal lagu toociyoo,warasayoo booday

Bar bariiqo lagu waabiyuu,wadana xiimaaye

Markaasay wuxuushtiyo cunaan,haad Allow waraye”

Abwaan ku gabayga Wuxuu ku sheegay,in faraska la waayi karo, ama bahal
cuni karo ama ba uu bakhtin karo.
Ilaahay idankii, xooga ka dib faras kii waa bakhtiyay,oo inta wiil ku
booday buu kufayoo garka wadnahaa go’ay.Waxaa jira wax la yiraahdo
‘guhaan’oo ah in gabay ama geeraar ama qayb kaloo maansada kamida wax
lagu habaaro sida la arki jiray na 95%(boqol kiiba sagaaahan iyo shan)
baryadaas waa la aqbalaa,gabaygaasina saa waa noqon karaa.

Xilligii dawladdii Cabdirashiid Cali Sharma’arke
AHUN,baa waxaa la musuq maasuqay nin wax barasho dibadaa helay,oo
booskiisii qof kale la gashay.Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) oo
gabyaa waayahaas caarran ahaa,baa gabay ugu caqli ceshay nin kii la
khiyaamay,wuxuu gabaygaas ku caddeeyay,in dawladdu aysan ba sii jirayn
oo la af-ganbin doono.Markaas uu gabayga tirinayo waa 1968dii(kun
sagaal boqol lixdan iyo sideedii) si farshaxanimo ku jirto buu u
qiyaasay oo ye:

“Cisho aan fogayn waxays bedelin,ciidan faro weyne

Caaddaas rag koray baa nabsigu,hoos usoo Celine

Caanuhu dhawaan bay ka quban,ciil dar loo qabaye

Inay curaddo khayr lihi kacaan,ciidan la arkeeye”

gabaygu intaa waa ka badnaa laakiin anaa intaa soo xigtay.

Gabyaa la dhihi jiray Shire Yuusuf Axmed oo shire quube
ku magac dheeraa,ahaa na gabyaa aad loogu qadarin jiray suugaan ta
dhammaan carriguu ku noolaa sida Nugaal,Sool,Mudug iyo waliba dhulka
itoobiya sheegato ee hawd ka ah,baa xilli ku aaddanaa todobaatan iyo
dhawrtii wuxuu tiriyay gabay saadaalin ka bixinaya miyigii iyo
baadiyuhuu ku noolaa siday noqon doonaan.Waxaa la sheegaa inuu ka biyo
diid sanaa raashin loo bixin jiray qaab hanti-wadaag ah,kaasoo si aan
munaasib ahayn loo maarayn jiray markuu gabayga marshay.Isagu guddi
iyo maamul ma gali jirin, wuxuu na dhaliil sanaa qorshaha guddida
tuulada Magacley.Wuxuu yiri:

“Hadday magacley guri fiican tahay,lagama guureene

Guddidii xumayd iyo habruhu,ganac ma waayeene

Cirmartay la guurayn jireen,lagama gooyeene

Garanuugtu kama waabateen,GORAYGII dheeraaye

Goodirada kuwii laysan jiray,kama gabraar teene

Gucumaale aar iyo libaax,giida ma hayeene

Gaduuudaniyo weer kama kaceen,ariga gooyaaye

Sida gaado loo qabo xisbiga,lama giriifeene

Gaaroodi iyo saalo iyo, gubad ma qiiqeene

Gabiib kama dhigteen towradii,geesiga ahayde

Sida geel libaax galay shacbigu, dib uma guureene

Aniguna galbeed uma keceen,gu’gan hortiisiiye”

Goortaa gabayga uu tirinayo, xaaladda dalka soomaaliya waa
daganayd,waana lala yaabanaa wuxuu sheegayo laakiin, gu’yaal kadib
markii Jabhadii KULMIS(SSDF) samaysantay wixii oo dhan waa
dheceen.Baraagihii waa la burburshay,tuulooyin kii waxay noqdeen
gabiib ciidan ka Af-weyne suu rabo ka yeelo,kooxduu ka carooday ee
gudida tuulada ka ahayd iyana injidii waa waayeen,wadankii miinaa
ciidankii dawladdu ku aaseen,reer guuraaga uu gabyaagu ku jiray na
galbeed bay uqaxeen.

Waxaa dhici jidhay,in abwaannadii muunadda wanaagsanaa ee
soomaaliyeed,ay suugaantoodu ku sheegi jireen waxyaabo kala
duwan.Iyaga oo geel jira ah waligood na kitaab marsan bay mas’alooyin
aad u adag maansadooda ku xardhi jireen,taas na waa mid ka mida irkiga
iyo mucsida suugaan-yahan ka.

W/Q:Cabdullaahi shire yuusuf.
Email: Abdallahshire892@gmail.com

Gaalkacyo Puntland Soomaaliya.

One Response to GABAY MISE GARAB-DAAR By Cabdullaahi shire yuusuf.

  1. Pingback: GABAY MISE GARAB-DAAR By Cabdullaahi shire yuusuf. - Daily Somalia Report