Gabayo: QABO RAGAAD By SHIRE YUUSUF

Filed under: Important News,Wararka |

  • QABO RAGAAD
    Gabaygaan la magac baxay qabo ragaad waxaa tirshay Cabdullaahi Shire
    Yuusuf oo ah arday ka baxay dugsiga sare ee cumar samatar waxaana uu
    kaga hadlayaa isbedelka ku dhacay dadka soomaalida ah oo uu ugu wacan
    yahay isdhexgalka bulshooyinka adduunka taasoo loo aanayn karo inuu
    qodobka ugu weyni uu yahay aaladda internetka. Gabaygaan waxaa uu kaga
    qayb galay tartan suugaaneed lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, waxaana
    uu yiri gabyaagu:
    Qa’da maanso qiimaha murtida,quruxda suugaanta
    Waa inuu qaryaankii tirsha,samo ku qeexaaye
    Oo waliba qalad iyo xumaan,qabad ka dhawraaye
    Qoddodaydu waa ila fogtahay,meelay qabataaye
    Mid qaafiyad leh miisaan qurxoon,oo qalbiga taaban
    Balaan qubo tixaha qaaligaa,Qaadir bay baraye
    Haddii dhaqanku qawl baxay ahaamaanta, qaar gubaye
    Qaraf bay ku daareen kuwaan,qiimihiis garane
    Siyaasiga qurbaha jooga iyo,qaalimaa helaye
    Waa loo qisayn jirey ilmaha,tan iyo Qaabiile
    Qasad laga lahaa baa jiriyo,hadaf qorshaysnaaye
    Qashin bay haddeer daawadaan,filin qabiixiye
    Caanaha qiyaas laga lisoo,fiicnaa qadankoodu
    Dhiilaha qafilan iyo mar bay,qabo ka buuxeene
    Jeeg bay haddeer qabatimeen,weelka qalinkaaye
    Afartaa qallooc aan ka digay,duul qarribankii dheh
    Sidii Quube umeerin jirey,qiire maw yeelay
    Afar kalana qodob soo socdiyo,gabayga qaarkii dheh
    Nimanyahow qallooc baa ku dhacay,qaabkii nololeede
    Qummanaan wixii aan lahayn,lagu qasaarowye
    Waxaa qoorta loo lulahayaa,qoomka reer Yurube
    Is qordhori rag badan baa iyiri,waanse qaadacaye
    Qadaadkana habee bay dheheen,nimanka qaarkoode
    Anigaa qardaaduba ayey,qurux ku sheegeene
    Madaxaad qutida mooddidoo,qabaragaadkaasa
    Qabashada surweelkiyo misana,maro la qaar gooyo
    Waa waxa raggeennii qarribay,qaabada lahaaye
    Qurux waa tan Eebbee hablihii, ways qorayaane
    Labbis waxay ka qaataan midaan,qaawanaan tirine
    Xishoodkay ku qaybnaan jireen,qoofalkii jara’e
    Afartaa qallooc aan ka digay,duul qarribankii dheh
    Sidii Quube umeerin jirey,qiire maw yeelay
    Afar kalana qodob soo socdiyo,gabayga qaarkii dheh
    Qawlkii Afyare sheegay baan,qayb ka soo xigane
    Qolo-qolo la sheegtiyo abtiris qiima lagu waaye
    Quwaddeena waa waxa ka dhigay,taan wax qaban karine
    Kuwa Yurub u quud doontay baan,qawl yar dhahayaaye
    Quudkii ilaahay qoraad,qayb ka helaysaane
    Maxaad ugu qamaamteen halkaas,Qaaddir baa jira’e
    Ruuxii qariibaa nafluhu,quursan jiray abide
    Ri’ qalaana orgi qooqan iyo,qoobish baa hela’e
    Miyaad quusateen waa qarracan,ficilka qaarkiise
    Qorsho xumo haddii aynaan baran,qalad ma yeelneene
    Sida ari qabcada loo jafoo, wiiras qaylinaya
    Qamadiga shisheeyuhu hayaan,kuma qamaamneene
    Dhulkeenaan qabaw iyo lahayn,gubata qiiqdaaye
    Nin qaayibay kamuu tago runtii,qanigan buuxaaye
    Qooraansi baa ina helaye,qiil maa uu jiro’e
    Afartaa qallooc aan ka digay,duul qarribankii dheh
    Sidii quube umeerin jirey,qiire maw yeelay
    Afar kalana qodob soo socdiyo,gabayga qaarkii dheh
    Qodaxdiyo suntiyo aramidaas,gaadhay qarankeena
    Ma qiyaasi karo hawlahaas,qaarba nooc yahaye
    Kuman baa qumbulad lagu dhuftiyo,qaraxyo waaweyne
    Doon qallibantay kuman baa ku lumoo,baduhu qaateene
    Qabrigooda lama arag kuwaas,meesha laga qodaye
    Qalbi dhoof kuman buu ku dhacoo,qaraw aan daynayne
    Qalwo gibina kuman baa ku jira,jeelka qaxarkaaye
    Oo waliba qarash lagu baxshaa,qaalmo loo gado’e
    Kuman baa shisheeyaha u qora,siro qarsoonaaye
    Dabadaa la qaban jiray haddii,caano qaar tago’e
    Ragga gabayga qiimaha leh iyo,tiriya qaafleyda
    Ummaddii xumay qaayibtaye,qumiya laabteeda

    FOOLBUUG
    Gabaygan waxaa tiriyey maansayahanka da’da yar ee cabdullaahi shire
    yuusuf sannadku markuu ahaa 2013. Sida qof waliba uu indhihiisa uga
    bogon karo gabaygu wuxuu ku saabsanyahay cinwaanka sare ka muuqda, waa
    aaladda isku xiriirisa bulshada ee loo yaqaan faysbuugga. In badan oo
    ka mida dhallinyarada adduunka ku nool ayaa waxa ay waqtigooda
    geliyaan adeegsiga faysbuugga gaar ahaan kuwa soomaaliyeed dal iyo
    dibad kuu doonaba ha ku sugnaadee. Sida la hubo hal-abuurku marka uu
    gabaygan tirinaayey waxaa uu ahaa arday dhigta fasalka labaad ee
    dugsiga sare ee cumar samatar. Hadaba, waxyaalaha ku dhaliyey inuu
    gabayga tiriyo waxay ahaayeen ka dib markii uu arkay dhallinta oo aad
    ugu mashquushay ugana hambaasay hawlohoodii adduun iyo aakhiroba.
    Sida uu noo sheegay laftiisu aad ayuu u isticmaali jirey faysbuugga.
    Waxana uu ku bilaabay:

    faysbuug wareer iyo keen fara la taagaaye
    fiiro gaara baan saarayoo waa fajacayaaye
    ka fitnee waqtiga ninkaan feejignaan karine
    fikradiyo waqtiga ani isii oo fal kale daa
    fikirkaas ayuu kuu bandhigi ama farriintaase

    dhanka kale ninkii feejigmoo fuliya hawshiisa
    faralkiyo sunnaha aan ka tegin fiidiyo ayaanba
    fasybuug karraayoo wanaag faraha taabsiiye
    farxad iyo wuxuu la kulmayaa guulla filan karo’e
    fasahaadna waa tuuba xiray soo farraqiddiise

    afartaas fagaare iyo gole fiid ma ka caddeeyey
    deelqaaf ma falo’e hagaag maw fududeeyey
    cod faseexa oo lala fajaco foori maw raacshay
    falkaliyo qodob fiiro wacan aan furfuro maanta

    ma falaado ruuxii fakara ficil samayntiise
    inta uusan falin buu dhacdada fiiro geliyaaye
    haddii diintu aysan ina farin fogee buu orane
    hadday fiicanyihiin waa uu qaban waana uu fuline

    faysbuug haddaad fiid gashoo caashaq farageliso
    fagaaraha xod-xodashada haddaad aayar fududayso
    fariid aad jeclayd aad dhistaan jacayl faraq weyn leh
    faa’idiyo wuxuu dhali karaa faraxa dadabeede
    faa’ideyso ficil wacan qabo fiidda waad tagiye

    SOOMAALIDA  SAAKA  IYO  KUWA  SUBAXYADII  HORE
    Soomaalida saakay iyo kuwa subaxyadii hore waa sil-silad aan daba
    dheerayn kana kooban dhowr hadal iyo hadal celis.
    inkastoo ay sil-siladuhu leeyihiin shuruudo ay ka mid yihiin in ay
    isku xaraf ku socdaan oo aysan deel-qaaf yeelan aysanna ka bayrin
    xarafkii sil-siladdu ku socotay sidoo kalana aan baddii maansadana
    laga bayrinoo haddii ay gabay ku socotay in aan gabayga laga weecan
    haddii ay jiifto ku socotay in aan jiiftadii la garab marin iyo haddii
    ay geeraar ku socotayna in aan geeraarkii la waydaaran, misna
    sil-siladdan yari taa waa ay khilaafsantahay.sababaha ay la
    khilaafsantahayna waxaa ugu waaweyn iyadoo aan abwaanno kala duwan ka
    iman iyo iyadoo uusan xifaaltan saa u buuran oo laysku hayaa jirin.
     Sida magaceedaba ka muuqata, dadka soomaaliyeed isbadel aad u weyn
    ayaa ku dhacay, oo meeshii waagii hore lagu faani jirey fardaha iyo
    geela waxaad arkaysaa iyadoo baabuur iyo guryo waaweyn lagu faanayo
    dekedo iyo gegi diyaaradeedyana lagu faataabakhlaynayo,meeshii raggu
    cimaamadaha iyo go’yaasha shaalka ah jeeni qaarsan jirey soo lama
    arkin garmadowdii oo suud inta isku kala goysay rati hoggaankii ka
    kala go’ay u ekaatay,meeshii gabadhu inta go’ iyo garays xirato
    mayraxdeeda iyo geeddigeeda aayar samaysan jirtey soo lama arag
    gabdhihii inamada ahaa oo inta cambuur iyo goonno isku tolan oo
    khafiifa inta isku giijisay taleefan gacanteeda ka weynna qaadatay
    aayar suuqa layrka leh sidii neef baadiya mulacyeynaysa.
    Intaas oo isbedela iyo kuwo kale oo aan la soo koobi Karin ayaa
    dadkeennii wada bedelay taasna waa tan gabyaa cabdulaahi shire yuusuf
    uu ka sameeyey sil-siladdan yar.
    Waxaa hadalka bilaabay wiil kubadda dheela oo magaalada ku dhaqan
    isagoo gabar xod-xodanaya, wuxuuna yiri:
    Ragga baasha joogiyo
    Baxdowyada difaacyadu
    Marka ay baqaanoo
    Bakadaan dhammaantood
    Bar-barkaa kaleetana
    Banoonigu u wacan yahay
    Ninka baaska dheeloo
    Cagwareejin ba’an iyo
    Bilis yaable keenoo
    Barta shabaqu yaalliyo
    Birta toogta waa ani
    Bilihii horeetana
    Ninka guusha birimada
    Billadaha ku qaatoo
    Inta loo bannaan baxay
    Dadku wada boqooleen
    Magaciina baahoo
    Inta boor ah lagu qoray
    Hadduu maanta barashiyo
    sheeko kula bilaaboo
    Bar-barkaaga uu yimid
    Baahi waad ka durugtaye
    Baashayda soo aad.

    Nin reer miyi xoola dhaqato ah ayaa waxaa uu maqlay ninkan gabadha
    kubadda iyo haragan yaree lagu cayaaro ku soo jiidanaya, aad buu ula
    yaabay waana garoo waxaa horay loo yiri, “Ninba ceesaanti ceel keen”.
    Waxaa la sheegaa in nin reer miyi ah uu arkay dhallin yaro kubbad ku
    cayaaraysa garoon dhinaca magaalada laga soo galo ah. Cabbaar hadduu
    daawanayey, yuu aad ula fajacay dadkan tirada badan ee bahashan yar
    isku haysta oo midkii soo gaaraana uu laadka ku kicinayo, markaasuu
    inta asna soo laba lixaadsaday haraati ku kiciyey oo uu joqof
    (toorray) yaroo u xirnayd inta galka ka jiitay laba gudub ka dhigay
    ooye, “rag waaweyn baad tihiin maantoo dhanna waxaad isku haysataan
    waxan yar anigaa nin waliba xabbad u gadayee iska daaya waaxay raggu
    maba noolee waaba xuurtoodaye”.
    Ninkaas migiya ku dhaqan ayaa waxaa uu tiriyey gabaygan soo socda oo
    uu isna gabadhii ku shuushaaminayo. Wuxuuna yiri:
     jeenicad habeenkuu u dhacay jiidda reer yaallay
    Oo jiitay neefkii cayilay oo jidka la qaaday
    Ooy baqo lajeesteen dhaammaan barbaarrada joogay
    Anaa toorri jinni soo dafoo dagaal jaan galay’e
    Waa taanba kala jeexayoo jabiyey bahalkiiye
    Jagadaas ayaan gaaraye jamaadeey ii kaalay.

    Ninkii reer miyiga ahaa isaga oo la yaabban dhallinyarada iyo
    dhaqamadooda cusub iyo hadallada ay adeegsanayaan ayaa waxa uu yiri:
    Iga booti bay wada barteen badi ahaantoode
    Bilowgooda sheekada markaad dhegaha beegsiiso
    Buun-buunin bay qabatimeen kala barkoodiiye
    Haddii beretan laba koox dhex maro miduun baa badine
    Ab-qaduu ka jafay bannaan hadal ku baasaane
    Ka dhexbaxyey waa baabka ay bilahan dhahayeene
    Kii dumar bilow sheeko la leh goortuu hadalka baahsho
    Baraf baanba saaruu ku oran bilan yartii shalaye
    Oho ka dheh boqolaal kun baa beegsadoo yiriye
    Bal aan dhawrno baraha gaaxsan iyo ereyadaan bixinnin
    Ninka reer miyiga ah waxyaabaha uu la fajacay waxaa ka mid ahaa
    ereyada ay reer baladku adeegsanayaan oo u badan afsoomaali gacan ku
    rimis ah iyo kuwo sidoodaba afka ku cusub. Isagoo taas ka duulaya yuu
    waxa uu tirshay gabaygaan hoose waxuuna ku muujinayaa sida miyaga afku
    hodanka ugu yahay, wuxuuna yiri:
    Hawraartu waa hadal habsami laysu hoorshaaye
    Horay hadalkii jirijirey haddaan qayb uga soo haabto
    Haruubkuu ku tabay ina hannaan waa hal jirijiraye
    Hawtal-hamaggu hilinkiyo ka bayr danu hagaagtaaye
    Haruub dhacay ma toos shayn dhahaan doqon habawsaniye
    Halkaa waxay ka raacshaan markay hiifayaan nacaska
    Haluhuu la daaqaa qofkaad hanadka moodeene
    Isagiyo halyeygana habeen haadku kala soocye
    Intaas ka dib waxaa ku soo laabtay kii reer magaalka ahaa isaga oo
    faanaya sheeganayana inuu nolosha tan ugu wacan ku noolyahay raaxo
    adduunna loo dhamays tiray ayaa waxa uu yiri:
     kii nooha raacoo haddana nolosha raaxeeya
    Oo nalkiyo fareenjooyinkiyo layrka wada nuursha
    Oo mukeyfta nooleeya iyo neecawda nasniinta
    Oo suudka nayloon ah xiran iyo suunka nadarlaanta
    Ookiyaale nugud madow ah qaba sida nabiil carabka
    Ninkaas baa xarrago naadin Kara nur iyo jiilaale
    Waxaa hadalkii maqlay ninkii miyiga ku dhaqnaa.Horaa loo yiri, “nin
    meeli u caddahay meeli ka madow”. Waa nin faras iyo awr gaadiid u
    yaqaan ee ma ahan nin baabuur iyo farsamadiis dhib iyo dheef waxa uu
    leeyahayna aan arage unse arkay ariga oo marka uu guuxiisa maqlo ka
    dida. Isaga oo laftiisu ku faanaya fardihiisa iyo nolosha uu ku
    naalloonayo buu gabaygaan tirshay, ooye:

    Shaash wacane faraskaygu sheegganaa abide
    Shan mirir buu ku soo qaban karaa geeddi shalay tagaye
    Sharqantiisa booddada la mood aar shug soo yiriye
    Shiddo iyo dhibaatiyo haddii guluf shil uu geysto
    Shibaaxtame ma toogtiyo nimaan shiish ku fiicnayne
    Qorraxdoo shucaac yeelatiyo shaqal fallaaraysan
    Kaymaha shadaadka leh markuu shan-shan u daaqaayo
    Shaashkiisu deymada u sheeg qurux shucuurteede
    Kooraha markaan sheed ku raro oo shanta ku fiiqo
    Oo uu shanshada maalayiyo socod shishayn geynta
    Markaasaan xarrago sheegganahay sharafi waa doore.

    HORUSOCOD
    Waxbarashada oo ah furaha dunida cusub ee maanta ayaa qof waliba waxa
    uu ku rajo weynyahay in ay mar un fursaddu u saamaxdo inuu heer ka
    gaaro.waa meesha laga yiri, “aqoon la’aani waa iftiin la’aan.”
    Gabaygan oo uu tiriyey gabyaaga ay buuggan suugaantiisu aadka ugu
    badan tahay waa ninka la yiraahdo Cabdulaahi Shire Yuusuf ayaa waxa uu
    si tifaaf tiran u faallaynayaa talo bixin tusaalana siinayaa cid kasta
    oo ra’yigeedu aqoon doon yahay,markaasna ku tirsiisiinayaa in ay
    hammigooda ka dhabeeyaan aysana isu jilcin daruufaha ka hor imaan
    doona. Waxaana uu yiri:
    Indhawayd hannaan gabay lahaa waan ka haayiraye
    Ma haleelin hawl taaganoon hadal ka dhiibtaaye
    Sidaan looxa xeerkawga helay ila habboonayde
    Hagar waxaa ka galay wiil tirsha hadaf la’aantiise
    Inkastuu hadaaqoo muddo dhan hadallo sheeg-sheego
    Suugaantu heerkay lahayd hiigsan kari waaye
    Sida heego curatayoo ardada hamash ka soo saartay
    Ama hoor irmaanoo ilmaha loo hitiqinaayo
    Balaan hoorsho gabaygu waa hibo ilaahaye
    Neefkii kulayl uu heloo haqad kaliil jooga
    Wuxuu hoog dareemiyo haaro ruqo keentay
    Waxay hogadu daysaa markii miri haleeshaaye
    Doobkii halaha raacda oo hawdka kula jooga
    Hawdii dabayshiyo waxay dhaxan haleeshaaba
    Dhibta wuxuu hilmaamaa markuu bilcaan roon helo’e
    Haybad iyo hadday kaa guraan Heetis iyo Raawis
    Gaajada ku haysiyo fakhriga noloshu hiifaysay
    Waxa aad hilmaantaa markaad ka hirqataa dhay’e
    Halkaan uga socdaa waa inaad hadalka dhuuxdaaye
    Hawl yari ku fahantood naxwaha ku hubsataa meel’e
    Han u yeesha hawlaha jiriyo heer waxbarashaadka
    Midkii aan hinkaad baran lawaa haluu siyaadshaaye
    Hammuun iyo waxa uu qabaa hirtaanyiyo ciile
    Waa ruux habeen soconayiyo hilaw madowgiise
    Aas-aaska haantaba salkaa loo hormariyaaye
    Halkaa markii latolo bay korkana ka habanataaye
    Ruuxii cilmiga haybiyana waa hannaankaase
    Horusocod wanaag baan rabaa hawl karnimo xooggan
    Hidii-diilo wacan baan rabaa sii hirgelintiide
    Jahligana hog baa loo qodaye ciidda ku hamsiiya
    Ballantii habeen lagu kacaa hiir la fuliyaaye
    War waanadu hambaas bay rabtaa lagu hagaagaaye
    Sumcaddeennii heerkay lahayd horay usii qaada.

    DHUXUN-REEB
    Colaadaha iyo dagaallada sokeeyuhu waa waxa ugu xun uguna dhibta badan
    ee ummad ka reeba asaageeda iyo himiladeedaba, taasina waa mid ay
    fahmeen aayaheeda iyo ciribteedana arkeen dawladaha horumaray ee
    maanta dunida ka calanwalleeya, waana sababta ay iskaga dhaafeen inay
    is dilaan ama wax khilaafyo abuuraya ku kacaan.
    Soomaaliya waa mid ay la hareen filkeedna ka reebeen musiibooyinka
    dagaalada sokeeye ay xambaarsanyihiin in ku dhow rubuc qarni. Inkasta
    oo ay hadda soo kabanayso misna weli waxaa la tabayaa kala dambayntii
    iyo nidaamkii dalku waayo ka hor ku naalloon jirey.
    Waxba wax ka darane,gobolka mudug ayey colaadahaas ugu darnaayeen
    waxaana inta badan isku laaya dad ehel ah,daaq iyo degsiimana wadaaga.
    Masafaadaan la yiraahdo dhuxun reeb waxaa tiriyey cabdulaahi shire
    xilli ay magaalada Galkacyo ka dheceen dagaallo u dhexeeya dadka
    deegaanka ah,isagoo waano iyo wax usheeg wadana waxaa uu yiri:
    Dhiishaan la xoolayn, dhiqle kama badbaadee
    Dhegtaan waano lagu shubin, same uma dhawaatee
    Dhiiggaan lakala siman, nabad lagama dheefee
    Dheehoon naq dherega helin, dhiil ma ay caddaysee
    Dhiraan mayay ku soo dhicin, ubax lama dhalaashee
    Dhurde goor xun joogaa, dhukay cunid ma daayee
    Dhukadoo dibboodaa, dhurwaa lagama celiyee
    Dhebi awrkii yeeshaa, reerka looma dhaanshee
    Dhallaankaan dugsiga gelin, aqoon kama dhargaayee
    Dhiciskii todoba jira, dhammays uma ekaadee
    Dhabcaalkii wax haystaa, dheef kuuma quuree
    Dhayal maaha diintuye, waa dhambaal xaqiiqee
    Ruuxii dhadhamiyaa, dhabadeeda qaadee
    Cimrigoo dhammaadiyo, dhimashadu xaq weeyee
    Intii Eebbe uu dhigay, qofna dhaafi maayee
    Aadmiga awood dhaba, loomaba dhammaynine
    Dhurwaa dabin ka boodoo, dhan u leexda maahee
    Hashii dhugato haysaa, dhukaan lagama fiirshee
    Qorrax dheere goor ah, dhalandhool ma fiicnee
    Misna dhaxanta dayreed, dhar la’aani waa jabe
    Dhex-dhexaadka noloshaa, dhaqankuba ku wacanyee
    Dhul-ballaarsi deegaan, caano lagama dhamayee
    Wiil dhimasho mooyee,mid ku dhashaa mayeeshee
    Dhiig ku daata mooyee, same kama dhalanayee
    Dhaqaalihiyo noloshuba, waa ay dhammaanine
    Dhaw-dhawda hadalkaa, waa dhaar khiyaaliye
    Dhulka waa caddahay, sida loo dhexyaallee
    Dhankaas baan ka leeyahay, dhalanteedba weeyee
    Nin waliba dhankiisuu, maamul dhigid aloosaye
    Waxaa loo dhisanayaa, waa wiilal dhaladee
    Dhabaabaco ku jiir iyo, dhabanaano ma jirtee
    Meel dhiiri noqotay, orod laguma dhaafee
    Dhibta beere wuu jabin, ama waaba dhimannine
    Xabbad baa ku dhacasoo, dhafoorka dalooshamin
    Culumada dhammaantood, dhambaal baan udirayaa
    Dhankaa caaqiliintana, dhambaal baan u dirayaa
    Dhib dagaal ta ugu daran, waa dhiigga deriskee
    idinkoo dhan Eebbiyo, sharcigiisa dhaafayn
    Arrintaan dhammeeyoo, heshiisiin u dhaadhaca
    Dhegihiisa ruux qaba, waano waa u dhigantahay
    Dhan-wareerto waa lumid, dhabadii miyira qaad
    Dheelliga jan-jeerkaa, qalloociisa naga dhawr
    Dhibta daa dhegaha fur, nabad dhaqan ka sii dhigo
    Rabbi Nabad ha dhaliyoo, dhulka lagu nagaadaa.

    DHIIN-GUDUUD
    Jacaylku waa dareen aadamaha haleela kaasoo inta badan loo aaneeyo in
    qof uu qof kale jeclaado sababo jiro awgood waxaase sababta ugu weyni
    noqon kartaa in uu qofku jeclaado inuu qof kale nolosha la wadaago
    sidaasna ay ku noqdaan jaalleyaal dhibta adduun iyo dheefteedaba
    qaybsada inta ay noolyihiin.
    Inta la ogyahay dunida waxaa soo maray dad u dhintay jacayl ku dhacay
    owgiis waxaana tusaale u soo qaadan karnaa cilmi boodhari oo ahaa nin
    u geeriyooday jacayl uu u qaaday gabar lagu magacaabo hodan.
    In badan oo dadka ka mid ah ayaa ku kala ra’yi duwan jacaylka, waxaase
    loo badan yahay in uu jacaylku yahay tiirka ay bulshadu ku dhisantahay
    kaasoo ay ka soo unkamaan aadanuhu taasoo macneheedu yahay waa
    aasaaska qoyska.
    Gabaygan soo socda abwaanku waa Cabdulaahi Shire Yuusuf e waxa uu kaga
    hadlayaa arrintaas aan kor ku soo qaada dhignay ka dib su’aalo ay
    dhowr jeer weydiiyeen dhallinyaro saaxiibadiis ahi oo ah in uu
    jacaylka wax ka yiraahdo. Wuxuuna yiri:
    Mar hadii jacayl kugu dhacoo, dhidibka uu aasto
    Dhayal maaha caashaqe haduu, dhaqanka saameeyo
    Dhuuxiyo lafaha iyo haduu, xidido dhiig qaadsho
    Dheehashada indhuhu beegsadaan, dhuuban gabar fiican
    Taasoo dhammays quruxa iyo, dhiin-guduud midab ah
    Oo xishoodna lagu dheehayoo, dhigatay diinteenna
    Hooyadeedna dhabeel ay tahoo, dhiirrigelinayso
    Dhexdu madagta ay tahay, qosolna dhoolla caddaysa
    Dheereenahaynoo socodka, laafyo dhinaclaysa
    Dhalashada xurmaysiyo bulshada, dhiigga la wadaagta
    Dhammaystaa ilaahay ka dhigay, dhool gu’yoo da’aya
    Dhankeedaa diyaar loo noqdaa, dhidibka koowaade
    Dharka fiican intii la xirta oo, dhaashid lays mariyo
    Dhalandhool kulay tahay, marbaa lagu dhaqaaqaaye
    Hadal dhumucle salaamaha marqura, dhiigga qaadaaya
    Geeraarro aan kala dhicinbaa, loo dhuraa abide
    Kaftan mar dhuuxyeyn ah baa, lagu dhanaanshaaye
    Ammaanteedaa lagu dhereriyaa, dhudo barwaaqaaye
    Dhulka aagga ugu wacan dalxiis, anaa kuu dhigaya
    Ayaa lagu dhahaayoo illeen, dhaladki weeyaane
    Dhismayaasha kii ugu qurxoon, waan dhexdegaynaaye
    Dhawr boqol adduun le’eg Ayaan, dhiibin oo bixin e
    Waalidkaa ayaan dhihin bal hoo, xididna waan dhawrin
    Intaasoo dhan goortaad dhahdoo, dhegaha gaarsiiso
    Iyadaaba kuu dhega nuglaan, hadal dhammaantiise
    Shiikh diinta laga wada dhigtaa, dhammayn meherkiiye
    Markaasaa dhismaha reerka iyo, wada dhammayntiisa
    Loo dhaadhacaayo durbaba, dadab la dheefshaaye
    Dhallinyarada heesaha tuntaa, loo dhawaaqdaaye
    Dhaantada iyo gabayada ayey, dhawr mar xarakayne
    Dhallaan Eebbe idin sii ayey, hadal ka dheeraannin
    Aamiinta baa loo dhahaa, hadal aan dheerayne
    Dhaqdhaqaaq haddii uu dhacoo, aadanuhu dheelmo
    Adigiyo dhiggaagaa ku harin, aqal dhexjoogiiye
    Iidhiib faraantiga dhahoo, weelka wada dhaami
    Dhuumaha biyaha qaada iyo, dhaalashaba dooji
    Dhunkashadana ha moogaan, waa dhabada kayde
    HOODO
    Gabaygan soo socda oo uu tiriyey gabyaaga lagu magacaabo Cabdulaahi
    Shire Yuusuf waxa uu kaga hadlayaa waxqabadka bulshada dhexdeeda ahi
    inuu ka muhiimsanyahay in dawlad ama kaalma shisheeye laysku halleeyo
    waxana taas kuu caddaynaysa maahmaahda soomaaliyeed ee tiraahda “gacmo
    wadajir ayey wax ku gooyaan”. Xilliga uu abwaanku gabayga tirinaayey
    waxa uu la hadlayey arday ay isku dugsi ahaayeen kuwaas oo hawlo wax
    ku oola ka qabtay dugsigooda. Hadaba isaga oo dhiirri gelinaya kuna
    ammaanaya hawsha culus ee ay qabteen iyo guusha ay dugsigooda usoo
    hoyiyeen ayaa waxa uu yiri:
    Siciidow habkii gabay beryahaan, waan ka haajiraye
    Habeen iyo dharaartaba anaa, hawlo kale galaye
    Maantana dantaa ii hurtee, gabay ma hoorsheene
    Iga hoo waxaan kuu wadaa, hadal duxdiisiiye
    Ardaydii halkaan dhiganaysoo, heeganka ahayd
    Hawlihii waxqabadyada markii, loo hagaag galay
    Aan kuu hoorsho say ugu hureen, hagar la’aantooda
    Horin baa badeellada hayoo, ciidda horay geeyey
    Horin baa halkii ay galaan, hadal ka keenaayey
    Horin baa had iyo goor kaamaro, horay la soo taagan
    Hog-dalooshe horin baa garweyn, lagu halleeyaaye
    Horin baa ku horumaray habka, ciidda loo hilo’e
    Hayb kaloo habboon baa jirtee, maanta iga hoo
    Ardaygii hagaagsani marbuu, hadafka gaaraaye
    Horumar doone hawlaha waxqabad, heegan u ahaade
    Ku hagoogte haybad iyo sharaf, hilin kastoo muuqda
    Hadal wacane himilada seexdaa, horay usii raace
    Hagarbexe sida ugu habboon, maalka hor udhiibe.
    Maalin bay halkaan waxay ahayd, heel aan fiicnayne
    Maantana hagaag weeya oo, waa habboontahaye
    Waajibkii barbaan hanannayoo, geynay heegada e
    Is habeeya horusocodku waa, hoodiyo ayaane

    SAAXIIB
    Heestan saaxiib waxaa curiyey cabdulaahi shire. Waxayna ka hadlaysaa
    cidda saaxiib kuu noqon karta iyo sidaad ku xulan lahayd saaxiibka
    wacan, ogowna saaxiibku waa cidda ku hoojisa ama ku wanaajisa waxna
    kaa dhigta. Soomaalida kelmedda ‘saaxiib’ waxaa mooddaa in khalad loo
    fahmay oo waxaad arkaysaa mararka qaarkood qof aad Ayaan meel isaga
    soo hor baxdeen inaad marka kale eed aragto aad dhahdid “saaxiib ii
    warran” hadde waa mar waxaad is aragteenba. Hayeeshee, saaxiibku waa
    sidaane laabta ku hay:
    Saaxiibku waa kuma?
    Ma sun baa ma daawaa
    Ma qof dhaqan sillooniyo
    Ku sifoobay hoogbaa
    Ma qof saama leylkii
    Sarqaamoo wareeroo
    Dadka boor ku sayrshaa
    Idinkoon sifaalaha
    Waqti badan ku sii lumin
    saaxiibku waa ruux
    Samo iyo wanaag iyo
    Sumcad lagu yaqaanoo
    Safka caaqiliintiyo
    Culimada la seexdoo
    Sarajoog wax qabadliyo
    Garaad soo iftiinshoo
    Garta soocideediyo
    Xukunkeeda wada saxa
    si kalana aan eegnee
    Saaxiibku waa ruux
    Sidko laysku maaliyo
    Sibraar iyo caaniyo
    Sumalada cayilay iyo
    Sixin iyo xuukiyo
    Subag badan ku siiyoo
    Sedka lacagta bixiyee
    si kalana aan eegnee
    Saaxiibku waa ruux
    Surinkaad dhaqaaqdaba
    Cilmi kugu siyaadshoo
    Soomaaligeeniyo
    Gabayadana saafoo
    Suugaanta hodankaa
    Iyo sayniskeenaba
    Marba qayb ku siiyee
    si kalana aan eegnee
    Saaxiibku waa ruux
    Sakal turun-turroodliyo
    Simbiriirix kula neceb
    si kalana aan eegnee
    Saaxiibku waa ruux
    Arrintuu sameeyaba
    Talo kaa sugaayoo
    Sideebaynu yeelnaa
    Hadalkiis ku soo dara
    si kalana aan eegnee
    Saaxiibku waa ruux
    Qummanaanta soohani
    Ku sifoobay idilkiis
    si kalana aan eegnee
    Saaxiibku waa ruux
    Isha saxarka kaa gala
    Sideedaba ka naxa oo
    Caa wimaad sameeyee

    Sil-siladda tixdaydaan
    Ku tilmaamay saaxiib
    Adiguna la saaxiib
    Mid sagaashan boqolkii
    Seeteeyey dhaqankaas.


    DOORSOON
    Jiiftada doorsoon sida magaceedaba ka muuqata waa is bedel; mid san ha
    noqdo ama mid silloon ha ahaadee. Balse sida jiiftada ka muuqata waa
    doorsoonka kiisa liita ee aan wax tarka lahayn dadkana u horseedaya
    dullinimo iyo inay asaagood ka haraan ama hoos imaadaan.jiiftadani
    waxay guud ahaan ka hadlaysaa dunida inagu meegaaran, se waxay si gaar
    ah uga hadlaysaa soomaalida ku go’day badaha qaraha waaweyn ee
    talyaaniga iyo liibiya u dhexeeya. Waxaa kaloo iyaduna arrin la yaab
    le ah in qofkii dibadda ka yimaada aad moodid inuu kuwa gudaha ku
    sugan ka awood iyo magac dheeryahay oo uu isagu yahay boqorka kaynta.
    Waxaa kale oo ay taabanaysaa dhirta iyo deegaanka lagu takri falay ee
    la burburiyey lana siistay lacago yar oo aan xitaa cidda falkaas ku
    kacday kaafinayn, ugaartii oo la laayey oo la iibsaday harageedii oo
    iyana la siistay waxaan maalin ka badan ku hayn Karin.
    Hoheey! dunida maantaa, danbigeedu badanaa
    Docda ay u socotiyo, jihadeedu dilanaa
    Sida dalabka maygaag, iska daba dhaqaaqdaye
    Iska daba wareegiyo, dil-dillaanku waa maxay?
    Dabka shidan muxuu yahay, daaruhu hulaaqee
    Dalka laga tagaayiyo, dawarsigu ma daw baa?
    Qofkii doonta raacaa, doog miyuu arkaayaa?
    Durba guri qurxoon iyo, dahab miyuu u tagayaa?
    Dalka haddii la joogana, ma cadaab ku daah baa?

    Hoheey! dibirta gaaladu, waa ina dilootoo
    Dakharkoodu waa kaa, daannada na gaarshoo
    Dimuqraadi baas iyo, waxun nagu dudubiyoo
    Xuquuq baan u doodnaa, diiwaan ku soo qore
    Deeq baannu bixinaa, gar-gaar baan dalbaynaa
    Dumarkiyo carruurtaan, duudsiga ka saarnaa
    Ruuxii dagaal gala, dambi baan ku oognaa
    Been dacas la’aaney, nagu daadaheeyaan
    Taa waxaa daliil u ah, ama nooga digi kara
    Ruuxii dagaal gala, dambi hadday ku oogaan
    Dalalka iyo maxaa ay, daaraha u gubayaan?
    Dambi kooda soo gala, dacwad maysan qabanayn?
    Diiradda iyo shiishkay, ciraaq subax ku daareen
    Dilkii ay ku fuliyeen, ninkaan lagu deg-degi jirin
    Iyo dabar go’eenniyo, diinteennoon ka roorniyo
    Weerarrada daxlaystiyo, shirqool bay diyaarshaan
    Hayeeshee damiir jira, layskama af-duubee
    Sida awrka doohdaa, dacay miyey na geliyeen?
    Dal-dal iyo miyey cayn, dusha nagaga dhuujeen?
    Mise doqon naf malehee, inagaanba diideyn?

    Hoheey! dagal adkaa iyo, rugihii la dumiyaye
    Diintii macaanayd, maxaa looga kala diday?
    Muslimkaan is dilayiyo, doc-ka boodku waa maxay?
    Waxaan diintu ina farin, maxaa aan u dalabnaa?
    Firqo doodasoo oran ,diin male kuwaas kale
    Dariiqii saxnaa iyo, janno dalaq miyey dhihin?

    Maw di’iyey maansada, sida dayr barwaaqaa
    Shire quubbe darartii, ma deeqsiiyey aadmiga?
    Dacwad kalana waa hawl, laabtay danqinasee
    Dhegihiin diyaarsada, waa duni habawdee

    Hoheey! daawad iyo raba, doobi lagama maaloo
    Intii baarqab lagu daro, jeex laguma daayoo
    Dabradii wacnayd iyo, dureemada ma quutaan
    Duurkiina la baabi’i, dacal iyo ilaa dacal
    Waynaga danteennii, daayacnoo hallaynaye
    Dalkii xaalufaynoo, duleel maran ka yeelnee
    Wax ka darajo wacanoo, ina deeqa maa jiri?
    Roobkiyo dabaylaha, maxaa laga dugsanayaa?
    Waynaga dalxiis iyo, dal shisheeye aadnee
    Soo keennu daymada, uma daraja roonoo
    Ruuxii daryeelaa, darajadiisa muu helo?

    Hoheey! Dawarnimadiyo, doorsoonku waa maxay?
    Dhaqankeenna doorkaa, maxaa loo dafirayaa?
    Ragga timaha dabayaa, dumar miyey noqonayaan?
    Wat is daat qofkaan oran, ma aqoon daciif baa?
    Mise quud dacaam iyo, tuugsi baan ka dayanaa?

    Hoheey! dumarkii waa jabay, da’ kastooy ahaayeen
    Dubkii ay lahaayeen, waa kuwaa dayacayoo
    Dawo gaalo keentay, xuubkoodii ku diiree
    Diyaanada la’aanteed, raggu muusan doonayn?
    Haddaan daanka laba Marin, midabkii ma dugul baa?
    Tii daa’im kuu qoray, ma tanaa ka doorroon?

One Response to Gabayo: QABO RAGAAD By SHIRE YUUSUF

  1. Pingback: kimim ben