Garaad Saleebaan: Deegaanka Dogoble ee Ay Sacad Yoonis iyo Biciido Ku Dagaalameen Midna Maleh ee Dhulbahantaa Leh

Filed under: Important News,Wararka |

Baryahaan ayaa hadaad arragto deegaan dhulka Soomaalida oo dagaal ka soo cusbaanaday waxaan ka marnayn arrimo shidaal, waxaanan xasuusanaa deegaankii Lughaya oo Ceelkii Shidaal ee 1990 la diyaarshay balse dagaalkii sokeeye dhacay intaan shidaalkaas la iibgayn.

Waxaan hadda u jeednaa badda Soomaaliya oo Kenya sheegatay markay ogaatay in uu shidaal ceegaago.

Dhanka kalena waxaan ognahay in 1990 ay diyaar ahaayeen laba ceel waa ceelka dooxada Nugaal iyo ceelka Lughaya.

Hadana deegaankaan Dogoble waa deegaan u dhow Ceelka Hol Hol, waxaanad moodaa in hadda ay beelihii isku dagaalayaan lahaanshaha deegaankaas.

Hadaba daawo warsaxaafadeed uu soo saaray Garaad Saleebaan oo ku sugan dubai isagoo sheegay in deegaanka Dogob ee ka tirsan degmada Xudun ee Gobalka Sool uu yahay deegaan dhulbahante balse ay beelaha dariska ceel iyo cawsba la wadaagaan, isla markaana 1994 uu hayo saxiix ay beeluhu ku heshiiyeen in aan deegaankaas la deegaamayn ee daaqsin kaliya loo daayo.

dogoble