Generaal Siciid dheere Oo La Isku Raacay In Uu yahay Ninka Ugu Daacadsan Madaxda Soomaalida Gaar ahaan Puntand Iyo Qurba Joogta Oo Aad U hadal haya Sidii Loo Xusi Lahaa

Filed under: Important News,Wararka |

siciid dheere
Kadib baaritaan aan samaynay ayaa la isku raacay Generaal Siciid Dheere Taliyaha Ciidamada Puntöand in uu yahay ninka ugu daacadsan madaxda Puntland.
Siciid dheere ayaa lagu shaagay in uu yahay nin ay qadiyada iyo daacadnimadu aad ugu wayntahay, isla markaasna aan lagu aqoon eex iyo musuq-maasuq.

Qurba joogta dalalka scandanevianka ayaa marar badan isla soo qaaday in mar la xuso Gen Siciid Dheere, maadaama baaritaan hoose oo la sameeyay lagu ogaaday in aanu wax hantiya ka dhigan hantidii shacabka masaakiinta ahaa laga soo uruurshay intii uu masuulka ka ahaa.

Dhanka kalena waxaa xusid mudan sida uu doorka mugga wayn uga qaatay nabad kashaqayntii dagaaladii Gaalkacyo iyo sida uga sheekeeyay in uu ka mid ahaa ninkii billaabay nabaddii Gaalkacyo lagu soo wada degay

One Response to Generaal Siciid dheere Oo La Isku Raacay In Uu yahay Ninka Ugu Daacadsan Madaxda Soomaalida Gaar ahaan Puntand Iyo Qurba Joogta Oo Aad U hadal haya Sidii Loo Xusi Lahaa

  1. Pingback: Generaal Siciid dheere Oo La Isku Raacay In Uu yahay Ninka Ugu Daacadsan Madaxda Soomaalida Gaar ahaan Puntand Iyo Qurba Joogta Oo Aad U hadal haya Sidii Loo Xusi Lahaa - Daily Somalia Report