Germany oo ay Qaxootigu aad ugu qolqolyaan iyo Shacabka Jarmalka oo noqday shacabka dunida ugu sharafta iyo Gobanimada badan (Maqaal kooban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Shacabka iyo Dadka Jarmalka ayaa sanadkaan qaaday Gobinimadii iyo Sharaftii Dawladaha aduunka kadib markii ay muujiyeen Dulqaad iyo Geesinimo ay si Gobonimo ah ugu qaabilleen Boqolaal kun oo Qoxootiya oo aad ugu dacdaroobay dalalka Guntaa.

Shacabkii Suuriyaanka ayaa aad ugu dayacmay dalalka Muslimka sheegta iyo kuwa ay walaalaha yihiin ee Carabta “Shame on Them”, halka ay Shacabka Jarmalku ay albaabadooda si geesinimo ah ugu fureen.

Waxay noqotay Taariikh maguurta ah.

Dalka labaad ee Jarmalka xagga Gobanimada kasoo labeeya ayaa noqday Sweden.

Waxaana Ceebooboobay nimankii uu MARXUUM SAYID MAXAMED CABDILLE XASSAN UGU GABYAY ” Maandhow ciyaarta iga daaa CARABI WAA NAAGGE “;

Bil xaqiiqiyan hal qof oo shaqo loo abuuro ama nolol iyo school loo sameeyo ayaa waxaa ku baxa kharashaad aad u fara badan mana ahan arrin sahlin in la aqballo qaabillaad qaxooti intaa Tiro le eg, sidaa ala ajligeed shacabka Jarmalku sanadkaan aduunka wax mucjiso ah ayay ka dhigeen.

Shacabka Soomaalida oo dalalkoodu uu dagaal sokeeya kasocday muddo 30 sanno ku dhow ayaa waxaa abaal aan la hilmaamin ku leh shacabla dalalka reer Galbeedka.

Daawo qulqulka qaxootiga