GOD ABEESO HA QODIN KU DHICI DOONTAANA MOOJIDE

Filed under: Important News,Wararka |


Fadlan qormadaan gaaban ha dhayalsan ee akhri illaa dhamaad wax badan bay tooshka ku ifinaysaa

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka shaqeeyay in uu burburiyo sharcigii iyo nidaamkii dalka, wuxuu calaa xildhibaan gaarsiiyay haL-milyan, wuxuu soo uruursaday OO XILDHIBAANO KA DHIGAY dhammaan dadkii iska garab raratada ahaa isagoo isle ka faa-iidayso aqoon yari-dooda si ay kuugu codeeyaan bari, wuxuu lacago fara badan ku bixiyay in baarlamaanka laga reebo ruux walba oo wax kala garanaya.

Wuxuu dalkii oo dhan ka dhigay iib iyo musuqmaasuq, wuxuu iradaha isugu laabbay dhammaan laamihii sharci iyo kala danbayn ku shaqayn lahaa, wuxuuna ku badelay hay’ado ku shaqeeya eex iyo musuqmaasuq.

Hadaba Soomaalidaa ku maahmaahda GOD ABEESO HA QODIN KU DHICI DOONTAANA MOOYEE.

HADANA WAXAY U BADAN TAHAY IN UUNAN DOORASHADA MADAXWAYNAHA KU GUULAYSAN DOONIN XASAN SHEEKH.
LAAKIIN WUXUU NOQON DOONNAA RUUXA UGU SHALAYTI BADAN EE KA FAA-IIDAYSAN WAAYAY JAANISKII SOO MARAY EE UU UMMADAAN MASAAKIINTAA MASIIRKOODA IYO SHARCIGOODA UGU HAGAAJINLAHAA EE UU SOO MARAY JAANIS UU NIDAAM DAWLADEED OO HAGAAGSAN OO EEX KA BARI YAHAY UGU HAGAAJIN KARAY, BALSE TAA BADALKEEDA KA SHAQEEYAY BURBURIN NIDAAMKII CADAALADEED IYO SARAYNTA SHARCIGA SI UU DANIHIISA GAARKAA U GAARO UNA SOO NOQDO 4-TA SANO EE SOO SOCOTA ISAGOON MARNA TALADA KU DARSAN HADDII UU SOO NOQON WAAYO MAXAA DHACAYA.

NIN KASTA OO INTA UU JAANISKAAS SOO MARO UMADDA NIDAAM CADAADLADEED U SAMAYN WAAYA MARKII UU 4-TIISA SANO DHAMAYSTO AYUU KA SHALAYN DOONAA WALIBA NOQON DOONAA RUUXA UGU SHALAYDTI BADDAN.

WAXAAN SUGAYNAA MAALINTA XASAN SH LAGA GUULAYSTO IN AAN ARRAGNO WAJIGIISA, IYO MAALMAHA KU XIGA.
WAXAANA KA SII DARAN INTAY UMADDII SOOMAALIUEED WAQTI KA DHUMIYEEN.
DHAMMAAN MADAXDII SOO MARTAY SOOMAALIYA KAMAY FAA-IIDAYSAN JAANISYADII SOO MARAY IN AY SHACABKAAN MASAAKIINTAA EE U OOMAN IN LOO SAMEEYO NIDAAM DAWLADEED OO SHARCIGU QOF WALBA KA SAREYO

XITAA MADAXDII PUNTLAND SOO MARTAY
MID KASTA MAALINTA LA DOORTO AYUU IS BADALAYAA WUXUUNA LASOO BAXAYA DABEECADO AAN HORE LOWGU AQOON, KALIGI-TALISNIMO IYO BOOBBID AWOODDII DHAMAAN HAY’ADAHA DALKA, WUXUU BILLAABAYAA EEX IYO QABYAALAD, WUXUU DIIDAYAA IN SHARCIGU SHAKHSIGA KA SAREEYO SI UU WAXWALBA U MAAMULO, WUXUU DIIDAYAA IN DEGMOOYINKA DALKA LAGA SOO HORGALIYO MAAMUL ISLA XISAABTAN, WUXUU DIIDAYAA DADKA INDHEERGARADKAA OO WUXUU ISLEEYAHAY YUUNAN BARI KURSIGAAGA KUGU HAWAYSAN WAA NIN WAX KALA GARANAYEE OO AMAY SHACABKU JECLAADAAN KARTIDIISA IYO DAACADDIISA, WUXUU CARRINAYAA NINKASTA OO XOOGAA DAACADA OO ISAGA KA DAACADSAN.

LAAKIIN MARKA AFARTII SANO KA DHAMAATO EE LA CAYRSHO AYUU IS XASUUSAN DOONAA OO ORAN DOONAA JAANISKII ISOO MARAY KAMA FAA-IIDAYSAN, EE ANIGII LA IGU DAYAN LAHAA BAA UMADII U BILLAABAY DHAMMAAN INTII XUMAYD , XUKUN JACAYL, MUSUQMAASUQ, HANTI URUURSI, KALIGI TALISNIMO, MAANTAY AYAAN KA SHALAYNAYAA WAAYO MIDKA KURSIGA IGA QAADAY WAA KII UGU MUSUQMAASUQ BADNAA OO ANIGA XITAA IGA LAACIBSANAA, KUWA AAN XILDHIBAANADA KA DHIGAY WAA WADA MUSUQMAASUQ OO WAXAY KA QAADAYAAN DHAMAAN WIXII UU LACAGTII DADKA MASAAKIINTA AHAA UU KASOO BAADAY.

QISADA SANADKAAN XASAN SHEEKH KU DHACDAY WAA TII FAROOLE KUSOO DHACDAY, QAAR BADAN KU DHICI DOONTA