Gudiga Doorashooyinka yaa Magacaaba Akhri Qodabada Dastuurka Puntland ee Gudiga Doorashooyinka

Filed under: Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Dastuurka Puntland ayaa si fiican lowgu faahfaahiyay Qaabka loo magaaabayo Gudiga Doorashooyinka, laakiin waxaa ka horeeya in marka Hore shacabka si saxa loo diinwaangasho oo cinwaanadooda iyo in reer miyigu ka qaybgalayaan doorashooyinka iyo inkale la cadeeyo inta aan la isaga dhawaaqin Gudi Doorasho sida uu Cabdiraxmaan Gabla sheegay –>Halkaan marlabaad ka dhegayso Cabdiraxmaan Gablax fikirkiisii arrinkaas ku aadanaa

Hadaba halkaan ka eeg Cidda magacaabaysa Gudiga Doorashooyinka.

Qodobka 112aad

GUDDIGA DOORASHADA
1. Guddiga Doorashada Puntland waa hay’ad madaxbannaan, waxayna u hogaansamaysaa sharciga oo keliya, waxayna xilkeeda u gudaneysaa si waafaqsan xeerarka & Qawaaniinta Doorashada.
2. Waa hay’adda ugu sarraysa arrimaha doorashooyinka ee dalka oo go’aannadeedu aysan burin karin hay’ad kaloo dawli ah, marka laga reebo Maxkamadda Dastuurigaah.
3. Guddiga Doorashada ee Puntland wuxuu ka kooban yahay sagaal (9) xubnood oo la dooranayo muddo lix (6) sano ah, dibna loo soo dooran karo.
4. Marka ay bannaanaato xubin/xubno Guddiga ka mid ah sababo sharci ah awgood
xubinta ama xubnaha beddelayaa waxay xilka haynayaan mudadda ka harsan xilhayntooda.

Qodobka 113aad
NIDAAMKA DOORASHADA GUDDIGA
1. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa saddex bilood ka hor ku dhawaaqaya
wakhtiga loo muddeeyay ansaxinta Xubnaha Guddiga Doorashada, waxaana loosoo kala magacaabayaa, sida soo socota:
b.Saddexda Xisbi mid waliba hal (1) xubin ayuu soo magacaabayaa.
t.Madaxweynaha wuxuu magacaabayaa saddex (3) xubnood.
j. Golaha Wakiilladu wuxuu magacaabayaa saddex (3) xubnood.
x. Golaha Wakiillada wuxuu ansaxinayaa xubnaha ay soo kala magacaabeen
Madaxweynaha, Golaha Wakillada iyo Xisbiyada. Haddii xubin ka mid ahi Goluhu
ansaxin waayo, wuxuu Guddoomiyha Golaha Wakiillada u qorayaa in ciddii soo
magacowday ay ku soo badasho mudoo shan iyo toban (15) beri gudahood.
Xubintii muddadaas lagu soo magacaabi waayo halkeedii waa ay bannanaanaysaa
ilaa laga soo magacaabayo.

2. Habka waayista ama xil-ka-qaadista xubinta Guddiga Doorashada wuxuu la mid
yahay kan xubinta Maxkamadda Dastuurka, sida ku cad qodobka 101aad

Qodobka 114aad
AWOODAHA IYO XILALKA GUDDIGA DOORASHADA
1. Guddiga Doorashada Puntland wuxuu leeyahay awoodaha iyo xilalka soo socda:
b. Fulinta iyo maamulidda aftida iyo habka doorashada sida Dastuurkani qabo.
t. Ku dhaqmidda awoodaha arrimaha doorashada, xallinta khilaafaadka,
go’aaminta xuquuqda iyo Ganaaxa qof kasta oo ku xadgudba xeerka
doorashada.
j. U oggolaanshaha xisbiyada siyaasadda, kormeeridda sharcinnimada
hawlgalladooda iyo go’aan ka gaaridda is-qabadyada xisbiyada dhexdooda ah,
markii qof ama koox xisbi ka mid ahi ay codsadaan in guddigu soo faragaliyo
arrimaha xisbi dhexdiisa ka taagan.
x. Maamulidda qaababka lagama maarmaanka u ah gudashada xilalka Guddiga
Doorashada iyo habraacyada hirgelinta doorashooyinka.
Kh. ku dhawaaqidda natiijada aftida ama doorashooyinka iyo inay siiyaan
aqoonsi muwaaddinka la doorto.
2. .Xeer gaar ah ayaa nidaaminaya howlaha iyo waajibaadka Guddiga doorashada.

Qodobka 115aad
WADA SHAQAYNTA GUDDIGA DOORASHADA
IYO XISBIYADA SIYAASADEED
1. Dhammaan xisbiyada siyaasadeed ee ka qaybgelaya tartanka doorashooyinka waxay
xaq u leeyihiin inay la socdaan, isla markaana ay kormeeraan dhammaan
tallaabooyinka habka doorashooyinka. Sharciga ayaa qeexi doona qaabka iyo xadka
ka qaybgalka xisbiyada ee arrintaas.
2. Xisbiyada siyaasaddu waxay xaq u leeyihiin inay goob joogayaal ka ahaadaan
dhammaan laamaha Guddiga Doorashada ee heer qaran, gobol, degmo iyo goobaha
cod bixinta. Sidoo kale xisbiyadu waa inay goob joog ka ahaadaan soo xeraynta
sanduuqyada codbixinta iyo tirinta codadka.
3. Guddiga Doorashada Puntland waa inuu hubiyo inaan shakhsiyaad isku siyaasad ahi
yeelan aqlabiyadda gacan ku haynta maamulidda hawlaha doorashooyinka.

4. Sharciga ayaa nidaaminaya qaabka ololaha axsaabta iyo musharixiinta, waana in uu
sameeyaa xadiga tabarrucaadka la siin karo iyo tirada lacagta lagu kharashgareenayo
doorashada.
5. Dhammaan Xisbiyada siyasadda ee doorashooyinka ka qaybgelaya waa inay fursad
siman u leeyihiin warbaahinta Dawladda marka lagu jiro ololayaasha
doorashooyinka.
6. Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa u xilsaaran hubinta dhaqangelidda wada
shaqaynta ku tilmaaman faqradaha qodobkan.
7. Inta laga gaarayo aburitaanka Guddiga Doorashada Puntland ee rasmiga ah, waxaa
jiraya Guddiga Doorashada Puntland ee ku meelgaarka oo ka kooobnaanaya 9
xubnood sida ku cad lifaaqa 1aad ee Dastuurkan.

Halkaan ka eeg Dastuurka oo dhamaystiran