Gudoomiyaha KMG Ah ee Bangiga Dhexe Bashiir Ciise , Waa Nin Caynkee Ah

Filed under: Wararka |

waxaa shalay si KMG u ansixiyeen golaha wasiiradaee xukuumada Soomaaliya magacaabista Gudoomiyaha Bangiga dhexe Bashiir Ciise oo ah khabiir ku aqoon durugsan u leh arimaha dhaqaalaha mudo aad u dheerna ka soo shaqaynayey bangiyadii Soomaaliya, isagoona soo qabtay xilal kala duwan.
bashiir-ciise

Bahsiir Ciise waxaa ku dhashay magaalada garoowe, wuxuuna waxbarashada hoose/dhexe ku soo qaatay magaalada garoowe ee gobolka Nugaal, isagoo tacliintiisa sarana ku soo qaatay Muqdisho, Kenya, iyo Ingiriiska, wuxuu aqoonta ka gaaray ilaa heerka masterka.

Bashiir wuxuu ku biiray saraakiisha sarsare ee Bangiga Dhexe sanadkii 1962-dii wuxuu intaa ka dib soo noqday gudoomiyaha laamaha uu Bangigu ku lahaa degmooyinka, Qardho, Boosaaso, Hargaysa, Kismaayo, iyo Marko, waxaa sidoo kale uu soo noqday Agaasimihii guud ee Bangiga dhexe, iyo Gudoomiye ku xigeen, sanadihii 1980-yadii bashiir waxa loo magacaabay gudoomiyaha bangiga ganacsiga iyo horumarinta,

Sanadii 2005-tii ayaa dowladii Cabdulahi Yuusuf Madaxweynaha ka ahaa waxaa loo magacaabay gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, sanadii 2007 ayaa Bashiir waxaa uu dib u howlgaliyey bangigi Dhexe ee Soomaaliya oo loo yaqaaney sil-silada weyne, kaas oo ku sameeyey dayactir balaaran, waxaa xusid mudan in bangiga ay degaan u ahayd hooyo Soomaaliyeed iyadoo si shuruud la’aan ah ugu wareejisay bangiga, waxaa xiligaas bangiga ka muuqatay bur bur iyo dayac faro badan, Bashiir ayaa ku guulaystay mudo kadib in uu dib u howl galiyo bangigii Soomaaliya oo xirnaa mudo 17 sano ah.

Bashiir ayaa xilka gudoomiyaha bangiga iska casilay sanadii 2010-ka kadib markii uu cadaadis kala kulmay madaxdii xiligaas joogtay, waxaa la sheegay inay isku qabteen labo arimood

1. Wuxuu ka horyimid in la soo daabaco lacag shilin Soomaali ah oo cusub taas oo shirkad laga leeyahay dalka Suudaan ay samaynaysay, Bashiir ayaa ku dooday in lacagtaan aan xiligeedii la joogin dalkana ay u horseedayso bur bur dhaqaale

2. Iyo isagoo ka horyimid waraaqo loo saxiixay shirkado iyo shakhsiyaad si ay lacago uga qaataan Bangiga, isagoona u arkayey in arinkaas ay u horseedayso bangiga in lacagta si sharciga aan waafaqsanayn ubaxdo.

Gudoomiyahaan cusub ee KMG ah ayaa waxaa uu ka mid noqday dhowr qof oo Madaxweyne Xasan Sheekh la damacsanaa inuu midkood u dhiibo xilka gudoomiyaha, balse madaxweynaha ayaa go’aan sadaya in bashiir loo magaacaabo si KMG ah. Beesha caalamka ayaa aad u soo dhaweysay magacaabista Bashiir

Bashiir ayaa ah nin aad u qadarin badan, saxiibna la ah shaqaalaha Bangiga, waxaa laga rajaynayaa inuu is badal ku sameeyo bangiga dhexe, si ay dowladu u kasbato bulshada caalamka oo dhaliilo faro badan ka soo jeedisay habka uu u shaqeeyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya

Waxaa horyaalo gudoomiyaha cusub ee Bangiga Dhexe howl aad u faro badan, kuwaas oo lafdhabar u ah sidii dib loogu howlgalin lahaa in Bangiga Dhexe uu noqdo Banigi caalami ah, waxaana ka mid ah howlaha horyaala:

Dhisida gudiga maamulka Bangiga, kuwaas oo shaqadoodu noqonayso socodsiinta howlaha bangiga oo dhan.
In dib loo furo laamihii Bangigu ku lahaa gobolada dalka
In la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Bangiga iyo Hay’adaha lacagaha Aduunka
In xariir cusub lala sameeyo xawaaladaha iyo shirkadaha isgaarsiinta si loo abuuro kalsoonida wadamada laga soo xawilo lacagaha loogan hortago lacagaha ku socda dambiilayaasha
Dhamaan howlahaas waa kuwo looga fadhiyo gudoomiyaha cusub inuu maareeyo si dib loogu soo celiyo sumcadii Bangiga Dhexe Soomaaliya.

Abdi jama