Gudoomiye Xasan Abgaalow:Dadka labada dhinac mar waa walaalo oo muslim, marna waa soomaali waa marka udanbaysee waa xigto iyo qaraabo

Filed under: Important News,Wararka |

abgaalow
XAALKA GOOBIHII LAGU DIRIRAY(KONFURTA MUDUG).
Saaka ooga waabari ayaan ujarmaaday aniga iyo wafdi heer gobal ah oo aan hogaaminayo goobihii shalay ay ku dirireen labada shacab ee walaalaha ah ku waas oo kasoo kala jeeda Dawlada Puntland iyo Maamulka Galmudug. Ka maamul ahaan waa masuuliyad nasaaran in aan ka warqabno oo xaalad walba oo ay shacabka aan maamulka unahayi kusuganyiin aan la qaybsano. Dulucda Safarkayagu waa nabadayn, dib uhishiisiin iyo isku soo dhawaansho dhalin kara nabad waarta. Dagaal wiilbaa ku dhintee wiil kuma dhasho, Waxaa laga dhaxlaa danbi kabaa’ir kaas oo ah goynta naf muslim ah, barakac, bubur hantiyeed. Dadka labada dhinac mar waa walaalo oo muslim, marna waa soomaali waa marka udanbaysee waa xigto iyo qaraabo. Way dagaalameen oo waa wada daganyihiin, waa isdileen oo makala adkaan. Anagoo tixgalinayna khibrada aan uleenahay colaad ku qotanta qabiil, diinteena suuban ee Islaamka iyo Soomaalinidaba waxaan u istaagnay in aan baajino dagaal danbe oo dhaca wixii horay utagayna laga xaalo. Ugu danbayn waxaan ugu baaqayaa odayaasha, Culimada, aqoonyahanka, dhalinyarada, Cuqaasha iyo dhamaan cidkasta oo damiir leh in ay ka qeyb qaadato daminta colaadaas oo aysan ka shaqayn sii socodkeeda.
Wixii danbe wada socod wanaagsan. Waxan umahadcelinayaa Shirkadaha isgaarsiinta Gobalka Mudug oo ii fududeeyay adeeg hadal iyo mid internet xataa meelaha fog fog.
Gud.Xassan Maxamed Khaliif Abgaalow

Xigasho Barta Facebook ee Gudoomiye Xasan Abgaalow

One Response to Gudoomiye Xasan Abgaalow:Dadka labada dhinac mar waa walaalo oo muslim, marna waa soomaali waa marka udanbaysee waa xigto iyo qaraabo

  1. Pingback: Gudoomiye Xasan Abgaalow:Dadka labada dhinac mar waa walaalo oo muslim, marna waa soomaali waa marka udanbaysee waa xigto iyo qaraabo - Daily Somalia Report