Habowyow, Yaa/Maxaa ku haga? ,Qormada 5aad, Adeeg Qaran, By Cumur Cabdi Barre

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Cumar Cabdi Barre[Photo]

Habowyow, Yaa/Maxaa ku haga? ,Qormada 5aad, Adeeg Qaran

Xirmadii 4aad ee qoraalka maandayow, waxan kaga hadlay: dhaawicii wada gaaray keli iyo wadar; qof, qaran iyo hantidoodiiba. Waxaan kaloo qormadii 4aad, si kooban ugu xusay, in haddii aynan garwaaqsan, in maandayow aynnu ku sugannahay, isla markaasna aynan la iman, karti iyo xeel dheeri aynnu ku dhiran-dhirinno maandayowga aynnu u qafaalannahay, waxaynnu fududaynaynaa in maandayowgu noqdo mid weerar xawaarehiisa an waxba laga badbaadin Karin.

Haddii aynnu aqoonsanno, in dhaawac dhan walba ah ina gaaray; haddaynnu aqoonsanno, in aynnu maandayow ku sugannahay, waa suuraggal, in aan marin seeggeenna saxno iyo, in an badbaadinno qarannimada Soomaaliyeed iyo lahaanshaha Soomaaliyeedba.

Xirmada 5 aad, ee qoraalkan, waxan ku faaqidayaa maandayowga iyo adeegga qaranka oo ‘xiriir la leh (8 madaxweyne; 4 sii haye madaxweynennimada dalka1* iyo maammulladoodii). Waxaana soo bandhigayaa, tusaale adeeg qaran qaybo ka mid ah. Si akhristaha ay sahal ugu bidhaanto, waxa aan ulajeedo maandayowga ‘madaxda’ iyo adeeg qaran. Qormadan waxaan kaga hadlayaa, adeeg qaran iyo mandayow keliya, madaxdana qormo gaar ah ayaan ku faaqidi doonaa.

Dhis adeeg qaran

Adeeg qaran waxan ulajeedaa, dhis: hannaan shaqeeynaya ee adeeg qaran (building: working national services system) oo ku salaysan: hawl qorshaysan, is-ku-xirnaan baahsan, haysatana awood fulin, gooreeyn/muddeeyn, wax-soo-saar dalag iyo baahi dabool dal iyo dad. Unugyada,waaxaha iyo qaybaha qaranku ka koobanyahay ku wada dhanyihiin. Micnaha aan cidna dibedjog ka ahayn hannaanka dhis qaran, kuna shaqeeya sarreeynta sharciga iyo halbeeggiisa.

Hoos iyo kor ama kor iyo hoos isku xiran, kana dhex jirin muran iyo isdiid heer kasta ah, curyaamin kara hannaanka adeegga qaranka. Hoos iyo kor waxaan ulajeedaa: Dowladaha hoose, dowladaha maammul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee qaranka XFS. Qorshe hawleedka qarankuna leeyahay:

  1. Sameeyn qorshe qaran (baahi le’eg la fulin karo);
  2. Daahfurnaan;
  3. Ka wada qaybgal iyo ka wada faa’idaysi;
  4. Wada shaqeeyn buuxda;
  5. Hoggaan kalsooni shacab haysta;
  6. Awood fulin iyo xisaabtan baahsan.

Isla fahamka adeeg qaran iyo yaa qaban kara adeeg qaran? Waxay sahlaysaa, wada xulashada adeegayaasha qaranka, waana sababta xulashada iyo doorashada adeegayaasha qaranka ay u tahay wax weyn. Sidaan rumaysnahay adeeg qaran waxaa ka mid noqon kara qodobbada hoos ku taxan oo mid walba keligiis leeyahay laamo/faracyo badan. Nuxrurka liiskuna waa tusaale ku saabsan, waa maxay shaqo dal iyo dowlad? Shaqo dal iyo dowlad waxaa ka mid ah:

  1. Lahaansha hannaan sharci qoran iyo/ama dhaqan, lagu heshiiyey iyo sareeynta sharciga;
  2. Dejin siyaasad qaran, heeraysan, meelaysan, gooraysan iskuna xiran lehna awood fulin;
  3. Nabad, ammaan iyo difaaca qaranka (jir, naf, mood iyo maalba);
  4. Tacliimeeyn dhammaan dhinacyada nolosha qaranka;
  5. Lahaansho dhaqan siyaasadeed, wadaag awoodaha iyo khayraadka;
  6. Lahaansho istaraatajiyado qaran;
  7. Lahaansho idiyoolajiyad qaran;
  8. Madaxbannaani hannaanka garsoor qaran, awood siin iyo hubin meel marinta hawlaha gasoorka dalka;
  9. Dhiska iyo horumarinta unugyada qaranku uu ka koobmo;
  10. Darsidda, xulista/dooridda, kala hormarinta danaha iyo yoolasha qaranka;
  11. Heshiisiinta, mideeynta, iskaashiga iyo wada shaqeeynta unugyada bulshada iyo qaybaha fulinta hawlaha qaranka oo heer walba ah;
  12. Dhisid dibloomaasiyad gudaha iyo dibedda ka fulisa adeegga qaranka lehna karti hawlfulin;
  13. Abaabul, diyaarin iyo soo saar awood dad iyo mid an dad ahayn ee ku filan fulinta hawlaha qaranka, kuwa guud iyo gaarba, gude iyo dibadba;
  14. Dhisid hannaan halbeegyo suuraggeliya, in khayraadka dalka iyo ilaha uu ka imaan karo, qaybintiisa baahitirkiisa, maammuliddiisa iyo xisaabtan heer qaran kuna baahsan dalka oo dhan;
  15. U sinnaanta waajibaadyada iyo xuquuqda qaranka muwaadiniinta oo dhan inta waajib qaadi karta;
  16. Agaasinka, maammulidda, maareeynta iyo ilaalinta hawlfuinta qaranka;
  17. Ilaalinta waajibaadyada iyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo kuwa shisheeyaha ah;
  18. Agaasinka iyo hufnaanta hawlaha socdaalka, soo galootiga, qaxootiga iyo qurbajoogta Soomaaliyeed iyo shisheeyaha iman kara dalka;
  19. U tooghaynta iyo xeer ku dhaqa qoqob-ka-gudubka sharciddarrada ah sida: xagjirka, argaggixisada, badeecadaha iyo hubka shariciddarrada ah, mandooriyeyaasha, faquuuqa, isxambaarka, haraaga qashinka sumeeysan, lacagaha been-abuurka ah, lacagaha la dhaqo ee sharciddarrada ah, waxyeeleeynta degaanka iyo dhammaan dembiyada kale ee abaabulan;
  20. Ka hortagga iyo ladagaalanka sirdoonka iyo adeegayaashooda wax yeeleeynaya dowladda iyo/ama muwaadiniinta iyo dhammaan dahana qaranka Soomaaliyeed;
  21. Faaf-reebka qoqob/xuduud dhaafka shisheeye/waddani sida: warka, xogta, isgaarsiinta iyo meediyaha dadka iyo dalka waxyeeli kara;
  22. Ku dadaalka iyo feejignaanta teknoolojiyada cusub ka faa’idaysigeeda iyo iska ilaalinta wax yeeladeeda, iyadoo loo maraayo aqoon, hubin iyo hufnaan lagu kalsoonaan karo;
  23. Il-ku-haynta qulqulka hubka iyo gacmaha hubaysan ee ku sugan gudaha Qaranka Soomaaliya ama ku soo socda.

Imminka muxuu adeegga qaranka Soomaaliyeed ku suganyahay kolka loo barbardhigo 23 qodob ee aan kor tusaale ahaan ugu soo bandhigay?

Marfash maran

Waxay aniga aragtidayda ila tahay, hawshani waa hawl adag. Waxay u baahan tahay xul ma-dhaafaan ah: dad, hanti, goor, goob iyo mudnaan kalasiin, iwm. Hayeeshee, 90% ma jiro adeeg qaran Soomaaliyeed. Waayo, ‘dawladdu’ ma haysato hanti ku filan iyo shaqaale u tababbaran shaqada adeegga qaranka. Duruuf lagu fuliyo hawsha, ma abuurna sida NABAD. Laamaha ‘dawladdu’ waxay ku koobanyihiin ‘xaafiisyada’ Muqdisho oo u eg marfashyo maran. DFS adeeg kama sameeyso dalka intiisa kale. Marar dhif ah ayay dool ku tagtaa, meelo ka baxsan Muqdisho. Booqashooyinka madaxdu waxay soo kordhisaa rajoxumo iyo hanjab dadweyne.

Tusaale, booqashooyinka madaxda DFS iyo maammullada gobolladu, waxay soo korthiyaan kharash iyo xasarado. Gaar ahaan booqashooyinkii Kismaanyo, Baydhabo, Dhusamareeb/Cadaado iyo Garoowe 2012-2015). Madaxda DFS xiriir iyo wada shaqeeyn wanaagsan lama laha, maammul goboleedyada dalka ka jira. Dhexdoodana wada shaqeeyn adeeg /qaran kama jiro. Laga soo bilaabo 1991- 2015 ‘Madaxda’ dalka Soomaaliya, waxay ku mashquulsanaayeen dagaal2 xukun kala riixasho3.

Dowladda dhexe’ si hufan, lana wada arki karo uma daahfurna. Uma adeegsato waxa mudan, in loo adeegsado awoodda qaranka. Kheyraadka (resources) dalka iyo taageerada dalku ka helo gude iyo dibadba xisaabtan ma laha. Mugdi ayaa ku daboolan gudaha xaafisyada dowladda waxa ka socda. ‘Hoggaanka dowladda’ waxaa lagu eedaayaa, in ay dhunsadaan mucaawinoooyinka dalka la siiyo4.

Madaxda dowladdu’ waxay marar kala duwan ku mashquuleen dagaal dhexdooda ah5. Waxay ka baaqsadeen fulinta addeegii qaranka: amni, cunno,dawo,waxbarasho baahsan iyo u halganka in dalka laga saaro khatarta uu ku suganyahay. Haddii ayan dan gaar ah ku mashquulin ‘madaxdu’ maxay Soomaaliya 19916-2015, ugu suntantahay dal ‘fashilmay? Waxaan ku adkaysanayaa, in sababtu qayb ahaan tahay hoggaan xumo7.

Tusaale, waxaa si joogto ah awoodda dalka isugu qabsada ‘madaxda’ dalka u sarreeysa. Sida madaxweynaha, madaxa xukuumadda, guddoomiyaha maxkamadda sare iyo guddoomiyaha golaha baarlamaanka8. “Adeegayaasha qaranku” lama iman qorshe shaqeeyn kara ee dalka looga saaro gabi-dhacleeynta uu ku suganyahay. Taasi waxay muujinaysaa, in hoggaanku yahay dalaggii jabhadihii reereeysnaa ee 1980-1990kii9.

Sheegasho maran

Sababo culayskooda lahaa waa jireen, sida dagaalkii 1977-78 Soom-Itoo iyo dagalkii qaboobaa ee (NATO – Warsow blocks), Aafooyin dabeeci ah iyo kuwo dad maleegay; balse adeeggii laga rabay, in ‘hoggaanka dowladdu’ qabato waa ka baaqsaday.

Nuxrurka ‘adeeggooda’ qarankuna waa sheegasho maran iyo magac-u-yaal. Filashadii ‘adeegga’ qarankana dalka iyo dadkuba waa ku hungoobeen. Liidashada ‘adeegga dowladdu’ waa rajo dil dadweynaha. Wuxuuna shaki iyo muran dhex-dhigey dadweynaha ku hungoobay ‘adeegga dowladda’ iyo dunida taageerta Soomaaliya oo an hantideedii la gaarinsiin dadkay siiyeen10.

Adeegayaasha” qaranku ma qirsana tuhunka11 iyo eedeeynta12 dadweynaha iyo deeq bixiyayaasha uga imaanaya. Soomaaliyana waxay noqotay, dal loogu yeero dal ‘fashilmay’ iyo dalka addunka ugu musuqmaasuqa badan13.(the failed and corrupted country on earth14!?). Heshiisiinta hoggaanka sare ee dalku waxay sababtay, in talada iyo hoggaanka dalka Soomaaliya loo soo magacaabo wakiillo UN, AU, iyo Deeqbixiyeyaasha kale!15. ‘Madaxda Soomaaliya waxay u egyihiin shimbirka buqbuqaaga.

Madaxda’ dalku ma ahan kuwo xul doorasho ku yimid, lamana xoolayn. Haddaba, waxaa isweyddiin mudan, maxay dalka iyo dadka u qaban karaan “adeegayaasha” qaranku? Haddii ayna haysan, wixii suuroggelin lahaa, fulinta adeegga laamaha dowladda ee ‘ay kaga kaaftoomaan yeeriska shisheeye?’ Haddii aan horay loo hayn, wax adeegga qaranka lagu fuliyo, dadweynuhuna bixin kharashkii loogu adeegi lahaa dalka iyo dadka. Waa maxay waxa lagu dhaliili karo “adeegayaasha” qaranka?

Dadka xukunka soo doonatay ama ha ku guuleysteen ama ha ku hungoobeene16, waa ogaayeen, in dagaalkii sokeeye an laga heshiin; in ayna kalsooni iyo is aamminid ka dhex jirin beelihii islaayey iyo deegaammadii qoqobka la dhexdhigay; xukun-doonku ma moogeyn, in awoodii iyo hantidii qaranka inna dhuntay, inna kala raacday beelihii isdiley; isla markaana, ayna meelna ku diyaarsanayn dad iyo hanti lagu fulin karo adeeg qaran. Waa fududdahay in aan garanno xildoonku waa kuma, muxuuse rabaa?

Madaxdu’ waa hubeen, in ayan awoodda meelaha ay sheeganayaan in ay xukumaan doorosho dadweyne ku iman. Marka, sidee suuraggal ku tahay, in xukundoonku sheegto in uu haysto sharciyad aan su’aal la geli karin. Isagoo kalsooni codeeyn iyo adeeg qaran midna ku kasban?

Deegaammada beelaha iyo kooxaha bulshadu kuma qanacsana nuxrurka ‘adeegga’ qaranka17. Marka meel la iska dhigo eedeeynta waa maxay waxa ‘madaxda’ gaar loogu eedeeyo? Dadka ka cabanaya, iilashada iyo la’aanta adeeg hufan, afar iyo bar (4.50), waa oggolyihiin, in miisaan wax lagu qaybsado uu noqdo. Way oggolyihiin, dowlad iyo sharci afar iyo bar ku dhisan, in ay dowlad iyo sharci u noqdaan. Taasi waxay caddeeyn u tahay maandayow. Ma cadda waxa dadka wax saluugsan ayna ugu cuntameeyn miraha habka afar iyo bar (4.5).

Dagaal huriyeyaal18 (warmongers/warlords19), madaxweyne-u-yaallo, (marionette, wannabe empty & insidious presidents), Xagjireyaal/argaggixiso (extremists, terrorists), “Mulkiileyaasha booli-qaran!” (owners of dirt capital, theft and force taken properties!), Madax dhaqan-u-yaallo (wannabe elders), Dr. beenaad maran (fake & empty Drs), ku-qadimayside ku-qabso!, wax walba qabyaaladeeyn/reer-reereen, (clannism), cadow deegaan (eco-mafia), “ururro samafal beenaad” (fake NGOs)20.

Haddii adeegga dalka kuwaasi hagayaan, maammulayaan, nuxrurku wuxu noqonayaa, in “adeegayaasha” qaranku yihiin matoorka (locomotive) wada maandayowga21. Dadkuna iyaga u afduubanyahay, marka laga reebo inyar. Intaa yar marna kaalintooda badbaado qaran hoos looma dhigi karo, waana labeenta bulshada Soomaaliyeed iyo matooorka badbaado qaran.

Madaxdu’ ma garan!

Wax la ogyahay sheegid uma baahna. Laga soo bilaabo 1991-201522 “madaxda” qaranka Somaaliyeed, waxay intooda badan ku foognaayeen walina wadaan awood kala riixasho23 maandayow hagayo. Isdiidkoodu, wuxuu dalka iyo dadka Soomaaliyeed gayeysiiyey: La’aanta24 sarreeynta sharciga, xorriyadda, nabad, xasillooni siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo midnimo qaran, dad iyo dalba. Siday ila tahay, sababaha waxaa ka mid ah, rabid la’aan iyo aqoon yari is biirsatay kana timid ‘adeegayaasha’ qaranka. ‘Madaxdu’ ma garan waxa ka iman kara xukun kala hororsigooda.

Waxaa isdiidka iyo dagaalkooda xunkun-doon galaaftay25, boqollaal kun oo nafood26. Dagaalku wuxuu qaxiyey malaayiin Soomaali ah. Waxay iyaga oo u baahan waayeen hantidoodii. Waxaa laga qixiyey guryohoodii, beerahoodii, ganacsigoodii, kalluumaysigoodii, shaqooyinkoodii iyo dagaankoodii. Waxaa dagaalku hor istaagay hankii iyo qorshihii muwaadiniinta iyo qaranka oo dhan.

Waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed la baday cabsi, cayr, cudur, cidla’, tuugsi shisheeye. Waxaa loo nugleeyey cadow kasta oo bini’aadan yeelan karo. Waxaa la kala dhantaalay, la kala firdhiyey qoysas wada noolaa. Tusaale waxaa ku filan Koonfur Afrika27, Kiinya xeryaha qaxootiga iyo Yeman dadka ku sugan xaaladdooda. Waxaa cadaawad la dhex dhigey beelihii Soomaaliyeed oo deegaan iyo nolol wadaagga ahaa28!?

Sidoo kale, xurmeeyn iyo sarreeyn la’aanta xeerarka qaranku, waa joogto. Waxaa xurmabbeeley xuquuqda aadamiga. Waxaa hiil iyo la sinnaan qaruumaha kale waayay madaxbannaanida29 qaranka Soomaaliyeed. Waxaa lumay midnimadii, isku furnaantii, dhulka, dadka, kala beddelashadii ummadda Soomaaliyed iyo madaxbannaanidii siyaasadeed ee qaranka Soomaaliya – bad, dhul iyo cirba. Waxaa bilowday damac shisheeye raba in uu qaato khayraadka Soomaaliya ku dhex jira biyaha iyo/ama ku hoos jira iyo hawada ku beegan beriga iyo biyaha Soomaaliya.

Waxaa nolol maalmeedka Soomaalida ka mid noqday: cabsi, isdiid joogto ah oo sameeyn aan wanaagsanayn ku yeeshey dhammaan qaybaha nolosha Soomaalida, gude iyo dibedba, gaar ahaan – siyaasadda, diblamasiyadda, dhaqaalaha bulshada, dhaqanka iyo deegaankaba. Waxaa bidhaamaya ‘xaaluf maskax’ (mind erosion) ‘dabayshu ay ciid qaad iyo xididdo rujis tahay’ oo an waxba ka badbaadayn, taasoo aan ugu yeeray ‘maandayowgii weynaa!’ ahna isha isdiidka waagaan ee bulshada Soomaaliyeed ka soo burqanaayo.

Isha isdiidka

Isdiidka inta badan waxaa keena yaraanta iyo damaca keli noolaadka ee ka yimaada “dadka” u halilaya qabsashada awoodda iyo khayraadka qaranka, iyagoon u soo marin dow/xeer, kalsooni shacab, (codeeyn iyo doorasho loo simanyahay30 kana xor ah: laaluush, khayaano iyo maquunis, xoog adeegsi31). Taasi waxay muujinaysaa maqnaan fogaan arag iyo adeeg qaran. ‘Madaxdu’ ma arki karaan, in Soomaaliya ka badan tahay Soomaalida oo dhan.

Qabsashada xukunka dalku, waxay sahli kartaa in, in yar boobto inta badan. Khayraadka dalkana siday rabaan ugu takri falaan. Waana kaa nuxrurka yoolka dagaalkoodu. Koobnaantooda iyo keli-noolaadnimo raadintoodu, waxay ka indhasaabtay una diidday, in ay arkaan khatarta damacoodu dalka iyo dadka geliyey32, sida: qurub, firdhin33 dalka iyo dadka (disintegration, fragmentation/dropping Somali nation). Dhaqankani wa dhaqan jabhadeeyn ee ma aha dhaqan qaran loogu adeegaayo.

Naf jeclaysigu (egoism) wuxu dhalay garanwaa iyo doqonnimo weyn. In wadaag loo dhanyahay oo an cidna dibedjoog ka ahayn xal laga dhigo, ma ay garan. In boobka iyo muquuniska ay ka wanaagsanyihiin: wada hadal, heshiis iyo wadaag sharciyeysan. Taasna ma ay garan waana maandayow.

Ilduufka intaas le’eg wuxuu muujinayaa: marnaan, koobnaan iyo xilkas yari xukun iyo xoolo doonka maandayowga matoorka (locomotive) u ahi. Micne ma samaynayso, waxay sheeganayaan iyo waxa ay sheegayaan. Balse, waxaa micne sameeynaya, waxay fal ahaan fuliyeen iyo dalaggii ka soo go’ay oo ka daray, waxna ayan ka baran. Tannina waa maandayow iyo isha isdiidka sii kordhinaysa.

Maquunis iyo dhac siyaasadeed34 oo lagu tartamo, waa maandayowga35 mirihiisa. U garowshiinyo la’aan dhanka dhibban/dulman iyo qancintiisa, waxay dhashay: cadaawad iyo samriwaa/qaadanwaa dhanka dhibban. Burburin midnimada dalka, Isbaaraysi dowladnimada, qurubka dal iyo dad, qoqobyada, deegaanka iyo dadka deggan la dhex dhigay36, shisheeye u sahal in talada iyo awoodda dalka u gacan gasho37, waa qaran dumin iyo kala geeyn Soomaaliya. Iyana waa maandayow weyn iyo isha isdiidka wali aan dawada helin.

Qoqobyada cusub

Qoqobyadu waxay keeneen: magacyo cusub sida: dhul hebel (land), ‘calammo xaafadeedyo’, ‘madaxweynayaal reereeysan’, ‘xukuumadaha magac-u-yaallada ah’, ‘baarlamannada bugta ah’, ‘ciidammo beeleedyada tayada daran’, ‘isbaarooyin/canshuuraha’ miskiin boobka ah. Dhammantood waa miishaaro salka looga jarayo midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed. Waxaana adeegsanaya cadowga qaranka Soomaaliyeed. Tannina waa maandayow weyn iyo isha isdiidka midnimada iyo kala googgooynta.

Qarannimada Soomaaliyeed dhiig dad iyo hanti badan bay ku dhalatay. Markastana qiimahaas iyo ka badan bay u baahantahay in loo huro. Si ay u sii waarto, u xoogaysato una bulaasho, qarannimadu waxay mudantahay, in aynnu u quurno qiime ku filan difaaceeda, kana hor wareejiya caqabad kasta.

Soomaaliya waxay joogto ula kulmaysaa: ‘dhul-gariir, naxdin’ iyo ‘argaggax’ siyaasadeed, cimilo, bulsho, dhaqaale iyo xaalado adag sida: nabad iyo nolol cakiran, abaaro, daadad, roob-yari, duufaanno, cunno iyo biyoyari iyo dhibaatooyin kale oo badan38.

Arrimahani waxay nugleeyeen awooddii Soomaaliyeed shacab iyo dowladba. Waxay abuureen baahi xaddhaaaf ah. Waxayna Soomaaliya ka dhigeen NUGUL39. Karti iyo tayoyari darteed dalku wuxu lumiyay ismaammulkii qarannimo iyo mareeynta hawlaha GURIGA SOOMAALIYEED40. Waxaan soo qoray oo dhammi, waxay ku tusayaan maandayow. Marka, waxaan u baahannahay soo baraarug, aan la daahid lahayn iyo isbad-baadin qof ilaa qaran wadajir u hirgashaan.

Waa halis, maqnaan kala dambeeyn iyo sarreeyn sharci41. Waa lama huraan, dib u soo nooleeynta iyo baahinta awoodda dowladnimada. Waa wax walba ka hormari, sugidda nabadgelyada iyo ka xorrowga cabsida/baqdinta: gacmaha hubaysan ee muuqda iyo/ama qarsoon42. Arrintani waa furaha guusha, dagaalka lagula jiro cadow kasta ee nolosha iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sida:

  1. Dembiyada abaabulan;
  2. Aafooyinka dabeeciga ah iyo tan dadku sameeyo sida: dagaallada, dhimashada iyo cudurrada;
  3. Lilashada iyo musuqa gaamuray;
  4. Saboolnimada iyo doorasho yarida;
  5. Aqoonyarida;
  6. Shaqo la’aanta;
  7. Cunno iyo biyo yarida/la’aanta;
  8. Guryo la’aanta;
  9. Barakaca iyo qaxootinnimada;
  10. Rajoxumada iyo hoos-u-dhaca Soomaaliya;
  11. Iyo ka xorrowga murugga maandayowga43.

Fidinta adeegga bulshada iyo yareeynta mucurtada muwaadiniinta, gaar ahaan kuwa nugul, waa abuuridda kalsooni lagu qabi karo dowladnimada iyo adeegga dowladda. Sidee lagu heli karaa dowlad ay hoggaaminayaan dad leh karti adeeg qaran? Sida lagu heli karo, waa su’aal daneeyayaasha oo dhan jawaab ka sugaysa. Aniga siday ila tahay, qormada 6aad ee qoraalkan ayaan ku soo bandhigi doonaa, Inshaa Allaah.

Qore: Cumur Cabdi Barre

Guled57@hotmail.com

1* Qodob gooni ah ayaan uga hadli doonaa 8 madaxweyne iyo 4 siihaye madaxweyenimo.

15 http://unsom.unmissions.org/ (Access 05/07/2015)

28 http://www.hrw.org/africa/somalia (Access 05/07/2015)

35 Maxamed Daahir Afrax: Dal dad waayey iyo duni damiir beeshay: Soomaaliya dib ma u dhalan doontaa, Halabuur communication, London, 2002, pp. 41- 112

37 http://unsom.unmissions.org/ (Access 22/07/2015); http://amisom-au.org/ (Access 22/07/2015)

38 Francis Fukuyama:The Origins of political order, profile books, 2011, p. 13, 1, 14, 16 & 303

43 Fergusson James: The World’s most Dangerous place, inside the outlaw state of Somalia, Black Swan, 2014, pp. 11- 426