Hadaad dhagaysato waraysiga Xasan sheekh uu siiyay Golaha 88, waxaad ogaanaysaa in uu xasan wax badan fahansayahay laakiin uu waxaan oo qalada ulakac u sameeyay (Maqaal iyo maqal)

Filed under: Important News,Wararka |

Markaan dhagaystay shalay waraysiga Xasan Sheekh uu siiyay Golaha madasha 88 Mudane Sooyaal, waxaa ii soo baxday in uu Xasan aad u fahansanyahay meelaha muhiimkaa ee haddii wax laga qabto ayba Soo dhawaan lahayd in Soomaaliya xal loo hello, kumana qaldanayn runtii xildhibaanadii doortay Xasan, waayo Xasan waxaan oo kale ayuu akhriyay oo markaas ay Xildhibaanadu is yiraahdeen ninkaani waa ninkuu ku haboonaa hogaanka maadaama uu aad u fahansanyahay sida Soomaaliya xal lowgu helilahaa.

Laakiin Xasan waa beenaalle oo afkiisa iyo qalbigiisu markasta waa ay is buriyaan, waana arrinka aad, aad ula yaabayso, ruux fahansan xalkii illaa xad, hadana aan doonayn in xalkii Soomaalliya sidii loogaari lahaa hawsheedii lowgu dhaqaaqo.

Xasan wuxuu ka dhawaajiyay eray Muhiim ah, oo uu yiri “Meesha ay Soomaaliya ka burburtay ma ahan Kaabayaasha dhaqaalaha ee waxaa burburay dhamaan arimhii Bulshada, iyo is Aaminaaddii, Xasan ayaa ku daray taasaa ka muhiimsan Kaabayaal iyo Jidad burburay”

Xasan ayaa sidoo kale sheegay in uu kasoo shaqayn jiray arimaha nabadaynta iyo dib u heshiisiinta, isla markaana uu aad u fahansanyahay habka iyo dariiqyada loo maro marka dib u heshiisiin la samaynayo

Muxuuse Xasan sameeyay markii uu kursiga la wareegay, ka sheekayn mayno qaladaadka uu xasan Qarankaan iyo umadaan ka galay cidwalba waa ogyihin, waxaase ay dad badan is waydiinayaan, marka Xasan uu hadayoo waa kan sidan wax u fahansan ee maxaa jira talow, ma qabyaalad baa, ma Xoolo jacayl baa, ma dhaqan shakhsiyadeedbaa, ma Korniimaa??

Hoos ka dhegeyso waraysiga

One Response to Hadaad dhagaysato waraysiga Xasan sheekh uu siiyay Golaha 88, waxaad ogaanaysaa in uu xasan wax badan fahansayahay laakiin uu waxaan oo qalada ulakac u sameeyay (Maqaal iyo maqal)