Hadafka Fog ee P/O: Sidii Soomaali U helilahayd hanaan dawlad oo cadaalad iyo maamul wanaag ku dhisan (Qormo gaaban).

Filed under: Important News,Wararka |

Maqaaladii cadaaladda ku saabsanaa ee aan P/O ku daabacnay

Hadafka Fog ee P/O.

1) Sidii Soomaali U helilahayd hanaan dawlad oo cadaalad iyo maamul wanaag ku dhisan.

  • Si dawlad cadaalad ku aslaysan loo hello, waa in xildhibaanada marka lasoo xulayo hanaan cadaaladaysan oo xeeraysan lagu soo xulo, waana in musuq maasuq laga fogeeyo hanaanka xildhibaanada lagu soo xulayo wax kasta oo ay Soomaali ku qaadato oo waliba 15 sano la xirro qofkii lagu qabto isagoo laaluush ku qaadanaya hanaanka xildhibaanka lagu soo xulayo, waa in aad looga feejignaado hanaanka lagu soo xulayo xildhibaanka, waayo hal xaaraana nirig xalaala ma dhasho, xildhibaanada hanaan cadaalada lagu soo xulo waxay dooranayaan madaxwayne ku habboon Soomaaliya, isla xildhibaanadii cadaaladda lagu soo xulay baa la xisaabtamaya madaxwaynaha oo eryaya haddii uu shaqada gudan waayo, waxayna xildhibaanadaas ka shaqaynayaan sharciyadii Soomaaliya dawladeedu ku shaqayn lahayd kuwii ugu wanaagsanaa ee aan ahayn kuwo lacag iyo laaluush lagu meelmariyay, qofkii hal shilin oo musuq maasuqa ku qaata hanaanka xildhibaanka lagu soo xulayo waa qof mustaqbalkii Soomaalida god ku riday, waayo waa halkii isbadal looga samayn lahaa siyaasadda Soomaaliya.
  • Haddii Soomaalidu ku guulaysan waydo in ay hab cadaaliya isaga soo xulaan xildhibaanka ee ay xildhibaanka soo xushaan qolooyin dano gaara leh, yaan la sugin dawlad hanaan cadaalad iyo isla xisaabtan ku shaqaysa, waayo qolooyinkaas hadda ayay lagacag badan ku bixinayaan sidii ay xildhibaano danahooda ka shaqeeya ay usoo xulan lahaayeen oo dooran lahaa madaxwaynaha u tilmaaman iyaga, hadhowna u jeedadu waa in lacagtaas laga cadaysto dawladda soo socota, marka qolooyinkaas waxay ku mashquulayaan sidii ay lacagtii ka baxday iyo ka badan iyo mida doorashada 2020 uga cadaysan lahaayeen dawladda 2016, oo ay dalka inta ka dhiman u iibin lahaayeen, waxay kalo ku khasbanaan doonaan in ay qabyaalad isticmaalaan maadaama aynan taageero shacab heli karin oo ay musuq maasuq ku shaqaynayaan.

One Response to Hadafka Fog ee P/O: Sidii Soomaali U helilahayd hanaan dawlad oo cadaalad iyo maamul wanaag ku dhisan (Qormo gaaban).

  1. Pingback: Hadafka Fog ee P/O: Sidii Soomaali U helilahayd hanaan dawlad oo cadaalad iyo maamul wanaag ku dhisan (Qormo gaaban). - Daily Somalia Report