Hadalkii Nuur Baaruud Oo La Rabo In Lagu Khalkhalgaliyo DFS

Filed under: Important News,Wararka |

propaganda

Tukaa Layiri Goormaad Wax Garataa, Markaasuu yiri markii laba ruux is dhugtaan.

Ayaamahan saxaafadda ayaa waxaa ka socda Progogando iyo iska horkeen iyo isku-dir, iyadoo lagu gabanayo hadalkii Nuur Baaruud.

Ayaamahaan waxaa jirray niman siyaasiyiina oo dhahayay xulufada Sacuudiga hala-raaco, iyo maamul-gabaleedyo iyaguna dabada ka riixaya oo hoos ka wada arrinta, iyo wahaabiyaddii oo gude iyo dibadba laga soo dirray, in laga dhigto gadow la qabsado hadalka Nuur Buuruud.

Hadalkaasoo  aan u qaadanayno hadal waano ah laakiin loo badashay xummaan lagu carqaladaynayo Raysalwasaaraha iyo xukuumaddiisa.

1977 illaa maanta labada Gole ee Baarlamaanku dib ha u xasuusteen wixii Soomaaliya ka lummay, dawladana carqaladaynta halaga daayo.

Haddii kale gadood shacab baa gudaha iyo dibadaba ka dhacaya haddii dawladda la carqaladeeyo.

Shacabka iyo Baarlamaankana shacabkaa xoog baddan.

Fiira gaara.

Nuur Baaruud markii ugu danbaysay Ictisaam buu ahaa,  Ictisaamna waxaa dhashay Wahaabiya.

Fikradooda iyo waxay wadaan waa ka soo horjeednaa, mase aha hadalkuu yri in dawladda lagu carqaladeeyo

Qore Warsame Axmed