Hadimada Damul Jadiid iyo Dareen la’aanta Dad Weynaha. W/Q Cabdi Bilcil Dhogor Libaax

Filed under: Wararka |

Hadimada Damul Jadiid iyo Dareen la’aanta Dad Weynaha
Cabdi Bilcil Dhogor
Libadhogorlibah@gmail.com
Nofeembar 27 2014
DAMUL JADIID
Magaca Damu Jadiid waxay inta badan dadka Soomaaliyeed maqleen dhammaadkii sannadkii 2012-kii, waxana uu soo if-baxay markii xilka madaxtinimada Soomaaliya loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 10-kii September ee isla sannadkaasi. Magacu waxa uu ka kooban yahay laba kelmadood oo Carabi ah “Damul Jadiid” waxana erey ahaan marka Soomaali loo macneeyo uu noqonaya “Dhiigga Cusub”, laakiin macne ahaan loola jeedo garabka cusub ee Koox-diimedka Al-islaax oo hoos tagta Ikhwaanu Muslimiin (Muslim Brotherhood), waxana garabkan uu ka soo go’ay ururka ka fac weyn ee Al-islaax oo mararka qaarna loogu yeero “Damul Qadiim” ama “Dhiiggii Hore” oo la asaasay todobaatanaadkii, waxana sababtii ugu weyneyd ee ay u kala jabeen ay ahayd markii kawaadirtii hore ama dadkii waaweynaa ee fikirkaasi Islaamiga ah u soo xanbaaray Soomaaliya ay adkaysteen kuna keliyeysteen awoodda ururka, isla markaana la isku maan dhaafay arrimo ay ka mid ahaayeen dagaalkii Itoobiya iyo maxkamadihii oo kooxda Damul Jidiid ay iyagu markii danbe ka qaybgaleen.

Jiilkii danbe ee fikradda ururka Ikhwaanu Muslimiin xanbaarsanaa oo qaar fara badan oo iyaga ka mid ahna wax ku soo barteen dalka Masar waxay u arkeen in ay gudboontahay inay ku dhaqaaqaan inay gooni isaga taagaan Al-islaax, waxana guuleysan waayey dadaallo badan oo Ikhwaanu Muslimiin ku dooneysay inay dib ugu mideyso labada garab inkastoo xilliyadii ugu danbeeyey ay magaalada Muqdisho ku qabteen kulamo wada jir ah oo ay ku sheegeen inay ka shaqaynayaan sidii ay ku soo celin lahaayeen midnimadoodii.

Guud ahaan marka la eego sooyaalka Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya, diiwaankoodu ma aha mid wanaagsan oo ay jecel yihiin dadka Soomaaliyeed, taasina waxay ka imanaysaa fikrado gooni ah oo ay ku doonayaan iney ku riixaan ama ku khasbaan dadka Soomaaliyeed oo intooda badan tahay mujtamac qunyar socod ah oo diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeedba ixtiraam u haya. Inta badan dadka Soomaaliyeed lama dhacsana fikradaha urur diimeedyada kala duwan ee Soomaaliya ka jiray intii muddo ahayd laakiin xooggooda la arkay markii ay meesha ka baxday Dawladdii Militariga ahayd ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Maj. General Maxamed Siyaad Barre, iyagoo la wareegay dhinacyada waxbarashada iyo dhaqaalaha, laakiin aan guulo ka gaarin dhinaca siyaasadda ka dib markii intooda badan ay dhiig gacmaha la galeen, waana sababta diiwaankooda sii xumeyneysa. Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya waxay u qaybsamaan kuwa dagaalama iyo kuwo aan dagaalamin; garabyada Ikhwaanu Muslimiin iyo kooxda wax wacdida ee Tabliiq labadaasi laguma tiriyo iney ka qaybqaataan dagaalka Soomaaliya.

Fursad Qaali ah

Hadaba marka loo soo noqodo Damu Jadiid, waa koox xilligan xaadirka ah siyaasad ahaan abaabulan, waxana ay ka faa’iideysteen markii dhammaadkii sannadkii 2012-kii si lama filaan ah xilka madaxtinimada Soomaaliya loogu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah aqoonyahan Islaami ah oo ka tirsan ururkaasi, kana soo shaqeeyey ururada bulshada iyo tacliinta Soomaaliya, laakiin aan siyaasadda hore ugu jiri jirin. Doorashadaasi waxay abuureysaa fursado qaali ah oo uu helo urur Islaami ah oo damaciisu yahay inuu beddelo xididada siyaasadda ee Soomaaliya isla markaasna abuuro Soomaaliya ay Islaamiyiintu majaraha u hayaan, inkastoo Islaamka Siyaasiga ah (Political Islaam) ee Soomaaliya uu ka khibrad iyo awood yar yahay kuwa dunida Islaamka oo laftigooda ay soo waajahday guuldarooyin waaweyn oo ay ka mid tahay iney lumiyeen taageerii dad weynaha, tusaale wanaagsan waxaa ah Ikhwaanu Muslimiinta Masar oo iyadu aad u fac weyn.

Waqtiga ay kooxdan Dhiigga Cusub gacanta ku dhigtay hoggaanka siyaasadda Soomaaliya ayaaa buuraya fursadda ugu badan oo ah iney danahooda dhex gashadaan qaabaynta iyo sal-goynta qaab-dhismeedka iyo qaacidada siyasadda Soomaaliya ee mustaqbalka soo aaddan, waxana ay doonayaan iney galaangal fara badan u yeeshaan siyaasadda dalka ee mustaqbalka, taasina waxa ay ku xiran tahay hadba sida ay maanta wax u tabcaan. Xilligan waxa uu waddanku ka baxayaa dagaal daba dheeraaday oo socday muddo rubuc qarni ku dhow, waxana socda geeddi-socod iyo dadaal dib loogu dhisayo Dawladdnimada Soomaaliya. Dad badan oo la socda siyaasadda Soomaaliya waxay u arkaan in Kooxda Damu Jadiid ay uga sii fursad wanaagsanaan lahayd iney awoodda Soomaaliya qabsan lahaayeen xilligii Sheikh Shariif ama Cabdilaahi Yuusuf oo ahayd xilliyadii la curinayey hayaanka geesi-socdka dhismaha dawladnimada Soomaaliya, laakiin waqtigan waxa uu ka sii wanaagsan yahay iney xukunka iman lahaayeen 2016-ka maadaama imika ay wax badan qabyo yihiin, hay’adaha qaran ee jirana ay curdin yihiin ama aanayba jirin oo wax badan la sii dhex gashan karo xilligan xaadirka ah si ay mustaqbalka ugu adeegaan danaha ururka.

Qaabka Hawlgalka

Kooxda Damul Jadiid waxay ka kooban tahay dad firfircoon oo intooda badan waxbarasho leh, laakiin ay ku yar tahay khibradda dhinaca siyaasadda iyo maamulidda nidaam dawladeed, maadaama aysan ku soo jirin nolosha siyaasadda. Laakiin imika waxay dadaal weyn ugu jiraan sidii ay abuuri lahaayeen jiil leh aqoon iyo khibrad maamul dawladeed, waana sababta ay dhalinyaro fara badan oo aan karti iyo khibrad lahayn uga qaybgelinayaan siyaasadda iyagoo u magcaabay xilal kala duwan oo ka kooban qaybaha dawladda Soomaaliya laga soo bilaabo shaqaalaha rayidka ah, saraakiisha heer maamul xafiiseed, diblamaasiyiinta, qaybaha ciidamada, maamulladda heer degmo ilaa heer gobol iyo mid qaran oo federal ah. Waa koox ay hagto istaraatiijiyad dheer oo ay ku damac san yihiin iney noqdaan mid ka mid awoodaha siyaasadeed ee ugu weyn ee sal-gooya siyaasadda iyo go’aan-gaarista ee dalka Soomaaliya, waxana seeska ama dhismaha arrintani maraysaa meel bilow ah oo wanaagsan.

Runtii, hanashada waddan leh duruufihiisa gaarka ah ma aha arrin fudud waxayna u baahan tahay waqti dheer iyo dadaal badan. Qaabka hawlgalkoodu waa in ay la wareegaan maskaxda dhalinyarada Soomaaliyeed, waxayna intii muddo ahba abuurayeen xarumo waxbarasho oo ay ku soo saaraan dad fara badan oo iyaga taabacsan, iyagoo waqtiba waqtiga ka danbeeya qorshahaasi sii ballaarinayey. Waxay doonayaan iney kasbadaan dadka haldoorka ah ee bulshada si ay u noqdaan kuwo iyaga fikir ahaan uga mid noqda ama ugu yaraan jaal la noqda oo aan khatar ku hayn, kolkaa dadka intiisa kale ee badan waxay u muuqanayaan iney raacaan halka ay dabaqadda siyaasadeed ama nukhbada (elite) ee waddanka hoggaamisa maraan. Mufakariinta Islaamiyiinta ee xilliga danbe ayaa ku sababeeya guuldarrooyinka la soo gudboonaaday iney ugu weyn tahay qaabka ay mujtamaca kale ee ka ballaaran ula dhaqmaan am aysan u dhex gelin ee ay isu faquuqaan, iyagoo taa ka duuleysana kooxda Damul Jadiid waxay isku dhex milaysaa qaybaha bulshada, waxana ay jaal la noqonayaan ama ku shaqaysanayaan dad kala duwan oo iyaga aan ka tirsanayn.

Markii ay yimaadeen awoodda waddanka Soomaaliya dhammaadkii sannadkii 2012, Damul Jadiid waxay la haayeen awood iyo khibrad siyaasadeed oo aad u yar, waxayna taasi keentay iney xilal kala duwan u magcaabaan dad aan iyaga ka mid ahayn si ay uga faa’iideystaan khibradooda siyaasadeed ama shaqo, waxana taa ku lammaanaa magcaabista tira badan oo xubno iyaga ka mid ahaa iyagoo samaynaynayey raad-gadasho ama is-qarin si aanay bulshada isaga hor keenin. Laakiin markii ay awoodda adkaysteen, waxay bilaabeen sidii ay xoogga u saari lahaayeen iney la wareegaan boosaskii siyaasadeed ama farsamo ee ay hore u lumiyeen iyagoo magcaabay xilal sare iyo kuwo hoose. Muddada labada sano ka yar ee ka dhiman doorashada soo aadan ee 2016, kooxdu waxay dooneysaa iney ku sii socoto jidkaasi ay meelo badan oo dawladda ka mid kula wareegayaan gaar ahaan meelaha muhiimadda fog leh ee ay ka mid yihiin garsoorka iyo caddaaladda, dastuurka iyo federaalaynta dalka.

Khilaaf Siyaasadeed

Ka dib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ee hoggaanka Soomaaliya, waxaa jiray dad fara badan oo aqoon yahanno iyo siyaasiyiin ruug caddaa ahaa oo u xusul duubayey xilka Madaxa Xukuumadda, laakiin waxay xilka Ra’iisul Wasaaraha u magcaabeen Cabdi Faarax Shirdoon oo ahaa ganacsade aan siyaasadda ku luglahayn, isla markaana ay xadidnayd aqoontiisa iyo xiriirkiisa siyaasadeed ama midda diblamaasiyadeed ee adduunka, waxa ugu weyn ee ay uga cararayeen siyaasiyiinta ruur-caddaaga ah waxay ahayd inay iska ilaalinayeen in looga awood bato hawlaha dawladda xilliga ay waxbarashada siyaasadeed ku jiraan. Tusaale ahaan, xilka Ra’iisul Wasaaranimada waxaa shakhsiyaadkii aadka u rajaynayey ka mid ahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isagu madax ka ahaa xukuumaddii Badbaado Qaran ee dalka soo gaarsiisay in markii ugu horreysay gudihiisa Madaxweyne lagu doorto tan iyo markii la riday Maxamed Siyaad Barre, isagoo ka baxay wareeggii labaad ee doorashada oo dad badan oo siyaasadda la socda u aaneeyaan heshiis hoose oo isaga iyo Xasan Sheekh ku dhex maray hoolka doorashada oo nuxurkiisu ahaa in xilka Ra’iisul Wasaaranimada isaga loo magcaabo si ay isaga kaashadaan in Madaxwene Sh. Shariif Sh. Axmed oo xilligaasi uu loolan siyaasadeed kala dhexeeyey Cabdiweli Gaas aanu xafiiska madaxtinimada dib ugu soo noqon. Isagoo taa ka duulaya, Cabdiweli Gaas waxa uu hoolka kaga dhawaaqay in isaga oo ah qofka saddexada ee ugu codad badan uu tartanka isaga baxayo, waxana uu si cad hoolka uga sheegay in uu Xildhibaanada ugu baaqayo iney isbeddelka taageeraan, laakiin markii uu xafiiska Madaxweynenimo ku guuleystay Mudane Xasan Sheekh waxa uu ka baxay ballantaasi, maadaama ay ka baqayeen khibradda siyaasadeed iyo aqoonta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaddii ka horreysay, waxana dad badan oo la socda Damul Jadiid sheegeen in taladaasi uu bixiyey Faarax Sh. Cabdiqaadir oo ah maskaxda ururka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ka dib markii muddo sannad ah ay baranayeen siyaasadda ama la qabsadeen siyaasadda iyo maamulidda dawladda, waxay iyadoo laga wada hadlayey ballaarinta Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Saacid ay si lama filaan ugu amreen in uu iscasilo, laakiin waa iska diiday. Iyagoo adeegsanaya musuqmaasuq baahsan oo codadka xildhibaanada kaash ahaan loogu iibsanayo ama qaar xildhibaanada ka mid ah ballanqaad siyaasadeed loogu samaynayo inay ka mid noqonayaan xukuumadda soo socota ama xilal kale oo waaweyn loo dhiibi doono, waxaa isagoo laga diiday in uu baarlamanka hortago si uu isu difaaco codka-kalsooni-darrada lagu riday Cabdi Faarax Shirdoon. Waxaa xusid mudan in qaar badan oo ka mid ah xukuumaddiisa oo baarlamanka ku jiray ay horseed ka ahaayeen mooshinka kalsooni-kala-noqoshada. Xilligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa Cabdi Faarax Shirdoon waa waqtigii ay baraareen ama ay awood ahaan aadka u fideen Kooxdani.

Ku dhowaad muddo bil ah oo baaraandeg iyo wadatashi u socday Damul Jadiid iyo jaalkooda, waxaa la isku waafaqay iney xilka Ra’iisul Wasaaranimada u magcaabaan Cabdiweli Sheekh Axmed oo ah dhaqaale yahan la soo shaqeeyey ururo iyo hay’ado badan oo caalami ah laakiin aan galaangal u lahayn dhinaca siyaasadda, waxay doonayeen iney uga faa’iidestaan aqoontiisa dhinaca socod-siinta hawlaha xukuumadda iyo shaqada lala wado beesha caalamka. Maalmo ka dib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu helay kalsoonida baarlamanka, waxa uu bilaabay dhismaha Golaha Wasiirada waxana soo waajahay culays dhinaca Madaxweynaha iyo Xertiisa Damul Jadiid ah oo ku aaddan cidda Golaha ku soo bexeysa waxayna u muuqatay qaab yeerin ah, laakiin Cabdi Weli waxa uu sameeyey la-tashi kale oo aan ahayn Madaxtooyada isagoo iska diiday in fara badan xubno ka noqon lahaa Xukuumadiisa, inkastoo markii ugu danbeeyey meel dhexe la isugu yimi oo ay xukuumadiisa ka soo muuqdeen garbihii Madaxweynaha ee Faarax iyo Cabdikariim. In xiriirka Damul Jadiid iyo Ra’iisul Wasaaraha ay magcaabeen uu khilaaf ku danbayn doono waxaa caddaynaya in labadii danbe ee habeenimo lagu gaaray ku dhawaaqidda liiska xubnaha Golaha Wasiirada.

Inkastoo Golaha Wasiirada lagu dhisay heshiis meel dhexe la isugu yimi, hadana Damul Jadiid waxay ku guuleysteen iney xaqiijiyaan in Wasaaradaha Ammaanka Qaranka iyo Caddaalada iyo Dastuurku ay soo maraan dhinacooda, waxana xilalkaasi loo kala magcaabay Faarax Cabdiqaadir iyo Cabdikarim Guuleed oo saamayntoodu badnayd. Mudane Cabdikariim wax badan xilkaasi ma sii hayn ka dib markii kartidarradiisa iyo khibrad la’aantiisa dhinaca ammaanka ay keentay in uu maaran waayo weerarada ay kooxda Al-shabaab ku soo qaaday xarumihii halbawlaha ah ee dawladda oo ay ka mid ahaayeen Madaxtooyada, Baarlamanka iyo Xaruntii Maxkamadaha, waxana uu xilkaasi iska casilay ka dib markii la weeraray dhismaha baarlamanka si uu gaashaan ugu noqdo in xubnaha baarlamanku ay carada kula dhacaan Madaxweynaha ugana dalbadaan inuu is casilo ama haddii uu diido ay cod u qaadaan iyagoo ku sababaynaya in uu Madaxweynuhu ku fashilmay ammaanka dalka iyo hoggaaminta qarankan dagaalada daba dheeraaday ka soo kabanaya. Nasiib wanaag, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli waxa uu ka takhalusay mid ka mid ah garabyada awoodda badnaa ee Madaxweynahaha, waxana uu xilkaasi muhiimka ah u magcaabay Khaliif Ereg oo muddo ka soo shaqaynayey hay’adaha ammaanka oo aan xiriir wanaagsan kala dhexayn Madaxweynaha, inkastoo weli uu Xukuumadda baaqi ku sii yahay Faarax Cabdiqaadir oo ka khatar badan Cabdikariim, isla markaana haya wasaarad muhiim u ah arrimaha hiigsiga doorashada 2016-ka oo ah caddaaladda iyo dastuurka, halkaasi oo ah meesha uu khilaafka soo jiitamayey ee dhinaca loolanka awoodda ah ee Cabdiweli iyo Xasan Sheekh uu sida cad uga soo shaac bixi doono.

Iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xertiisa Damul Jadiid ay meel qarracan ah ka joogeen tallaabooyin isku xig-xigay oo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ku wiiqayey awoodda Madaxweynaha iyo Damul Jadiid, waxaa Ra’iisul Wasaaruhu sameeyey isku-beddelid kooban uu ku sameeyey Golihiisa Wasiirada, isagoo Mudane Faarax u beddelay Wasaaradda aan muhiimadda lahayn ee Xanaanada Xoolaha.

Tallaabadaasi waxay khatar weyn ku ahayd damaca Damul Jadiid ee hiigsiga 2016 iyo qorshe kale oo sal ballaarnaa oo ay ku doonayeen iney kula wareegaan Garsoorka dalka iyo hawlo fara badan oo hoos imanaya Wasaaradda Caddaalada iyo Dastuurka. Waxaa laga warqabay ka hor isku-shaandhaynta Ra’iisul Wasaaraha inay jireen cabashooyin fara badan oo ka soo yeerayey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Abuukaate Caydiid Ilka Hanaf, oo isagu sheegay in Wasiir Faarax uu la wareegayo Garsoorka dalka oo ah hay’ad ka madax bannaan qaybta fulinta. Wasiir Faarax waxa uu meel mariyey shuruuc lagu dhisayey Gudiga Adeegga Garsoorka iyo Gudiga Dib-u-eegista Dastuurka, isagoo sidoo kale gacanta ku hayey kuwo kale oo muhiim u ah hiigsiga 2016.

La Wareegidda Garsoorka

Isagoo ka faa’iideysanaya galaangalkiisa, Wasiir Faarax waxa uu Golaha Wasiirada mariyey Axmed Cali Daahir oo ah Xeer Ilaaliyey cusub oo lagu beddelayey kii hore waxana ka dib soo jeedinta Xukuumadda digreeto ku magcaabay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo tallaabadaasi uu dood dheer oo aan dheg-jalaq loo siin kala hor yimi Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga Adeegga Garsoorka ah, ayna ahayd in isaga la soo maro. Tallaabadan, kuwo kale oo Wasiir Faarax qaaday iyo kala-diris uu Madaxweynuhu ku sameeyey garsoorayaal oo uu Mudane Caydiid Ilka Hanaf ku sheegay in uu Madaxweynaha u gudbiyey si uu u magcaabo, waxaa si cad loogu akhristay inay ka mid ahaayeen ololaha ay Damul Jadiid kula wareegayaan Garsoorka dalka. Waxaa mudan in hoosta laga xariiqo in Mudane Axmed Cali Daahir uu yahay muwaadin reer Itoobiya ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay waddanka Itoobiya, waxaana la ogayn xiliga uu qaatay muwaadinimada, ma aqaan haddii loo eegayo inuu Soomaali yahay ama uu afka Soomalaiga ku hadlo.

Damaca iyo qorshayaasha qarsoon ee muddo uu qorsheynayey Wasiir Faarax Cabdiqaadir waxaa ka mid ahaa sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare si ay ugu fududaato hawlaha la wareegidda Garsoorka iyo weliba inay damacsan yihiin dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah oo ay u doonayeen shakhsi iyaga ka tirsan, waxana ay tani ka caawinaysaa in mustaqbalka ay si dantoodu ku jirto ama iyaga u xaglinaysa uga garnaqdo arrimaha dastuuriga ah iyo khilaafyada kale ee soo baxa, maaddaama baarlamanka qabiil lagu soo xulo oo aanu sii ahaan karin meel ay shaabbad ahaan u isticmaalaan oo amuurahooda marsadaan. Sidoo kale, marka laga tago la-wareegidda Garsoorka waxay qorshaynayaan inay gacanta ku dhigaan gudiyada madaxa bannaan ee dalka oo qaar badan ay Wasaaradda Caddaaladdu ay kaalin unkid ah ku leedahay iyo weliba iney arrimahan u isticmaalaan jaranjaro ay awood ugu yeelan karaan dhismaha Maaul Goboleedyada dalka ka hanaqaadaya. Waxaa sheegid mudan in Damu Jadiid ay qabiilka u isticmaalaan si ay u xaqiijiyaan danahoda waa weyn, tusaale ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu isticmaalaa taageerada qabiilkiisa si uu isugu muujiyo halyeey iyaga u soo baxay oo aan wax lagu bedesho jirin, waxana laga garan karaa sannadkii uu ku bixiyey khilaafkii Jubaland iyo sida uu uga cagajiido nidaamka Federaalka iyo weliba sida uu u xakameeyo Maamul Goboleedyada iyo kaalinta siyaasadeed ee beelaha qaar.

Dhammaan hawlaha ay ku dhaqaaqayeen Kooxda Damul Jadiid, waxay kaga dayanayeen Ururka ay faraca ka yihiin ee Ikhwaanu Muslimiin oo halgan waqti dheer socday ka dib ay u suuragashay in uu hoggaanka dalka Masar la wareego. Kooxda Ikhwaanu Muslimiin oo ka faa’iideysatay kacdoonkii Guga Carabta ee lagu riday hoggaamiyayaal xukunka ku raagay oo Carbeed, ayaa markii ay talada dalka qabatay iyadoo u maraysa Xisbigii Xorriyadda iyo Caddaalada waxay bilaabeen waxay ugu magac dareen “ Tasfiyatul Qaddaa” ama “Sifaynta Garsoorka”, waxana damacoodu ahaa inay Garsoorka dalka ka sifeeyaan dadkii hore u hayey ee la soo shaqaynayey nidaamyadii hore, maaddaama ay khatar ku noqon karaan dadaalka ay awoodda dalka ku giijisanayaan, waxana ay rabeen iney dad iyaga ka mid ah ku beddelaan boosaska damacu ka galay, taasi oo guuldarro ku dhammaatay. Hadaba, Kooxda Damul Jadiid waxay ka shidaal qaadanayeen qorshahaasi Ikhwaanu Muslimiin ay ku damacsanaayeen iney Garsoorka ku qabsadaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Garoosrka Soomaaliya uu aad uga jilicsan yahay kan gaamuray ee Masar, waxana aan imika jirin qaar fara badan oo ka mid ah laanta Garoosrka oo aan weli abuurnayn.

Qorshaha la wareegidda Garsoorka oo hoos imanaya kan weyn eeay ku doonayaan iney waddanka oo dhan kula wareegaan, waxaa dhinac socda mid ay ku damacsan yihiin iney gacanta ku dhigaan hoggaanka Maamul Goboleedyada dalka ama ay ugu yaraan ugu yeelanayaan saami libaax. Xilligan xaadirka ah waxay qayb ku yeesheen maamulka curdinka ah ee Jubaland oo ay ka soo jareen isbahaysigii kala dhexeeyey Puntland, waxaa sidoo kale ay waddaan dadaal ay madax kaga noqonayaan maamulka la filayo inuu ka soo baxo Gobolada Dhexe, iyadoo u doonaya Cabdikariim Guuleed ama Kamaal Daahir Guutaale oo hore u noqday Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya ama waxay la doonayaan xubin kale oo muhiim ah oo qarsoon ama aan weli la ogayn. Arrimahan oo dhan waa farriimo digniin hordhac ah oo ka tarjumayo damaca iyo qorshayaasha gurracan ee ay kooxdan khatarta badan ku dooneyso iney kula wareegto waddankeenna xabiibka ah, kuna afduubto mustaqbalka iyo aayaha iftiimaya ee dadka Soomaaliyeed.

Taageero Dibadeed

Marka dib loo eego doorashadii sannadkii 2012-kii, waxaa dad badan oo la socda siyaasadda Soomaaliya iyo ururada Islaamiga ah ee Soomaaliya iyo weliba warbixiino caalami ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobey lagu caddeeyey in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxda Damul Jidiid ay awoodda ku qabsadeen lacago laaluush ah oo ay bixisay Dawladda Qadar. Inkastoo maalmihii ugu horreeyey ay soo bexeen in codka xildhibaanada Soomaaliyeed lagu iibsaday lacago shisheeyey ama doorashada dibadda laga maalgeliyey, haddana waxaa arrintan lagu caddeeyey warbixintii Guddiga Qaramada Midoobey ee la socdkaa Cunqabatay Hubka ee Soomaaliya iyo Eretrea. Sida ku cad warbixintaasi oo soo baxday bishii July ee sannadkii 2013-kii, Dawladda Qadar waxay lacag kaash ah ku maalgelisay doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh, waxana lacagtaasi Muqdisho keenay Fahad Yaasiin oo hore wariyey uga ahaa Tv-ga xaruntiisu Dooxa tahay ee Al-jazeera iyo Cabdiraxmaan Caynte oo hadda Agaasime ka ah machadka Heritage, iyado ay xusid mudan tahay in Cabdiraxmaan Caynte oo la sheego inuu ka tirsan yahay Damul Jadiid waxna ku soo bartay Waddamada Masar, Sucuudiga iyo Maraykanka, uu mac-hadkiisa ugu adeego danaha Damul Jadiid iyo baahinta fikradaha ay gadayaan.

Faragelinta Qadar ee Soomaaliya iyo taageeradooda Damul Jadiid, waxay uu si fiican u soo shaac baxay markii qarax lala bartilmaameedsaday gaariga khaaska ah ee Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka ee Xukuumadii Cabdi Faarax Shirdoon oo lagu magcaabi jiray Cabdikariim Guuleed. Dawladda Soomaaliya iyo Wasiirka gaarigiisa la bartilmaameedsaday midkoodna kama hadlin qaraxaasi si loo qariyo macluumaad kasta oo bannaanka u soo bixi kara. Taageerada Dawladda Qadar ee Damul Jadiid waa mid lagu arki karo dhinacyada ammaanka ee dawladda Soomaaliya.

Dawladdar Qadar waxay xilliyadii ugu danbeeyey ku caan baxday iney taageero siiso Ikhwaanu Muslimiinta Masar iyo ururo kala duwan oo Islaamiyiin ah, iyadoo tan iyo soo bixitaankii Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya taageeraysay ururo diimeedyada Soomaaliya, waxana sannadkii 2009-kii ay Dawladda Soomaaliya ku eedaysay Qadar iney taageeto Al-shabab, inkastoo mar kale Dawladdii ku-meelgaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sh. Axmed ay ka codsatay Qadar iney ka gacansiiso wadahadal ay la gasho kooxo kala duwan oo waddanka ku sugnaa. Hawlaha Damul Jidiid iyo Qadar waxaa jira dad u qaabilsan labada dhinac oo xiriirkaasi ka shaqeeya, dhinaca Damul Jadiid waxaa si fiican loo yaqaan Fahad Yaasiin oo hadda sheegta inuu cilmi-baare ka yahay Al-jazeera, waxaa kale oo la sheegaa Danjiraha Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Dooxa waloow aan ka mid ahaanshihiisa la xaqiijin karin.

WQ. Cabdi Bilcil Dhogor Libaax
Emai: dhogorlibah@gmail.com
Nairobi, Kenya