Halista ku wajahan deegaanka iyo Geedka-garanwaaga, By Abdirahman Hussein Mohamed (farmaajo)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Prosopis Somalia

Halista ku wajahan deegaanka iyo Geedka-garanwaaga.

Cinwaankan aad kor ku aragtaan waxaan ku lafa guraya geedka aynu u bixinay Garan-waa dadka qaarna ay u yaqaaniin Cali-garoob, kaaso oo aafo-qaran ku ah deegaanka. Dabcan marka khayraadka dhulka loo isticmaalo si xaddhaafa ah oo la xaalufiyo ama laga cidhibtiro geedihii manfaca badnaa, aalaaba waxaa bedela geed xun aan cadaw lahayn oo halkoodii buuxiya.

Qormadan hoose waxaan si gun-dheer ugu eegayaa dhibatada uu leeyahay geedka Garan-waaga.

Akhriste si fican u akhri, una hiili deegaankaaga.

Xage buu ka yimid Garan-waa ?

Garanwaa oo afafka qalaad lagu garan ogyahay (mesquite ama Prosopis juliflora) waa geed ka soo jeeda dabiici ahaan koonfuta Ameerika iyo jasiiradaha kariibiyanka, geedkan oo si dhakhso ah u fida oo qabsan kara deegaan cusub si deg deg ah ayaa gaaray meelo badan oo dunida ah siiba dhulka uu roobku ku yaryahay ee ka mid ka ah Aasiya, Ostreeliya, Afrika iyo koonfurta Ameerica.

Garanwaagu inaga iyo Afrikada bariba wuxuu soo gaadhay 1970dii ilaa 1980dii waagaas oo ay keeneen haya’do caalami ah, waxaa xusid leh meelo ay ka mid tahay Bulaxaar in geedka uu soo gaaray 60dameeyadii. Geedkani waxaa gobolka loogu soo waariday ujeedooyin ay ka mid tahay in loo isticmaalo bacaadcelin, quudinta xoolaha iyo in laga helo dhuxul iyo xaabo si loo daboolo baahida bulshaddu ay u qabaan shidaal qoriga.

Astaamaha lagu yaqaan Garan-waaga.

Garanwaagu waa geed meel dhexaad ah oo baxa joog le’eg ilaa 12 mitir. Waxa uu yeesha jirrido badan oo ma yeesho hal jirrid oo dhumuc leh, waa geed xiddado dheer oo meel hoosene biyaha ka doonta. Geedkan oo dhaqso u baxa ayaa meesha ka saarey cawskii iyo geed gaabkii kaleba, meelaha qaar ee dalka waxaa lagu arki karaa kaymo u gaar noqday geedkan.


Waxaa uu ka soo jeeda Qoys afka laatiinka loogu yeero (Fabacae) oo la mid ah geedaha nitrijiinta hawada ka soo daba kuna negeeya ciida. Garanwaageena oo magaca loo yaqaana yahay (Prosopis juliflora) ayaa la walaala ila 265 nooc oo kale. Geedkani waxa uu qabsadaa biyo mareenada, beeraha, dhulka biyo fadhiisiga leh, wadooyinka hareeraheeda, dhulka tuulooyinka ah iyo magaalooyinkaba.


Garanwaaga waxa fidiya biyaha socda oo meelo dheer geeya iniintiisa iyo markay xooluhu cunaan geydhihiisa ayey iniintiisu saalada raacdaa oo uu ku fidaa inta foof ay ka gaadhaan ama markay hayaamaan bay meel durgsan geeyaan.

Faaiidooyinkiisa qaar ka mida;


1. Geedku waxa uu celiyaa bacaadka iyo carro guurka.

2. Waxa uu leeyahay qori la shito (xaabo, Dhuxul)

3. Xooluhu wey cunaan geydhihiisa marka uu bislaado oo jilaal bax buu noqdaa.
4. Wuxuu noqdaa deyr dabeysha celiya.

5. Geedkani waxuu bixiyaa man (ubax) joogta ah oo looga fa’ideysto dhaqashada shini malabka sameysa.

6. Waxa uu hagooga dhulka qaawan ee nabaad guuray.

7. Haddii la toostoosiyo waxaa uu noqdaa geed hadh u leh dad iyo xoolaba.

8: Bilic ahaan degaanka waa u fiicanyahy

 

Khasaraha geedkan;

 

1. Waa geed dhakhso ugu fida dhulka, meeshana ka saara geedihii manfac laha ee dadiiciga ahaa.

2. malaha jirrid weyn oo laga dhigto qori dismeed ama dhuxul laga shito.

3. Manfac uma laha xoolaha iyo xayawaanka kale oo ma cunaan caleentiisa quruxda badan. Inkasta oo geydhahiisa cunaan hadana waxa la ogyahay inuu caloosha iskaga maro, riyahana suus ilkaha kaga reebo.


4. Waxuu yareeyaa dhul daaqsimeedka oo uu u diidaa doog iyo caleenba.

5. Wuxuu qabsadaa dhul beereeka oo uu kharash iyo hawl ku kordhiyaa sidii loo harameyn lahaa.

6. Waxa uu tirtira nolosha nooc nooca ah (biodiversity variation) isaga oo meesha ka saara geedihii kala jaad jaadka ahaa iyo xaywaankii ku tiirsanaaba.

 

Waa maxay xalka laga gaari karo khasaaraha geedkan;

  • In la sameeyo wacyi galin degaan si looga hor tago aafadan qaran
  • In geedkan marka la goynayo la jaro labada xidid ee geedka u qaada biyaha iyo macdanta (vascular bundle xylem and phoelem)
  • In la sameeyo biyo celin (water catchment ) taaso sahlaysaa biyaha qulqulka oo fidinaya in la qabto ama la celiyo si aysan meelo badan u gaarin
  • In lagu dhiiranaado wax ka qabashadiisa, meelna looga soo wada jeesto

 

Gabagabo

Geedkan garan waa waxaa la aminsanyahy in faa’iidadiisa ay ka weyn tahay khasaarihiisu uuna halis ku yahay degaanka, khaasataan dhul-daaqsimeedka iyo dhamaan geed gaabka, geed dheerkaba iyo xoolahaba .

 

Qoray: Abdirahman Hussein Mohamed (farmaajo)

Bartay culuumta maamulka deegaanka

ashusein383@gmail.com

 

 

One Response to Halista ku wajahan deegaanka iyo Geedka-garanwaaga, By Abdirahman Hussein Mohamed (farmaajo)

  1. Pingback: Halista ku wajahan deegaanka iyo Geedka-garanwaaga, By Abdirahman Hussein Mohamed (farmaajo) - Daily Somalia Report