Dhagayso:HASHII (Cali Xuseen Xirsi )

Filed under: Wararka |

HASHII

hashii

In dhoweyd “Dha’dii” gabay ka tegey, dhehashadeediiye
Hadba aniga oo dhaafay baa, laygu dhiriyaaye
Markaasaan dhab baa loo hadlaa, dhagaxyo tuuraaye.

Hashii aan dhibaato u marraye, dhididka loo saydhay
Dhurwaagiyo libaaxuba Hashii, uu dhadhamin waayay
Hashii dhiigga loo daadiyaan, ugu dhammaanaynnay.

Khalqiga u dhintiyo shalay Hashuu, dhaawac tirabbeeley
Soomaal dadkuu dhalay Hashuu, aad u dhicinaayay
Dheddig iyo laboodkaba Hashii, aan dhexdow xidhannay
Dhuun-dhawrta naagaha Hashaan, laga dhaqaalaysan.

Kanooniga Hashii loo dhex maray, dhegaha jeexaaya
Baaruud dhacaysiyo Hashii, dhuxullo loo jiidhay
Hashii dhiilladeedii gu’yaal, baxay dhawaaqeedu.

Hashii dhawr quruumood kacdee, laysu keen dhaafay
Xaq nimuu ka dhumay Eebbahay, waw dhoweyn jiraye
Dhiif nagu gabowdiyo Hashii, dhirifku soo hooyey.

Ma dhurmannin nimankaan lahaa, way u dhiidhiyiye
Dharbaaxada gumeysiga ninkii, hoos u dhugan waaya
Aan maanta dhaxalkiisa deyin, way la dheeliyiye.

Dhoomaha kuwii nagu rartaye, dheegga naga saaray
Nimankii na dhaansaday sidii, dhoocillada geela
Dhulkayaga kuwii qaybsadaye, cunaye dheeftooda
Aan shalay ka dhiidhiyey haddeer, yey dhergaan weliye
Dhuun bay ku nuugeen waxaad, dhaqan lahaydeene
Xaggee buu dhallaankiinnu qaban, loo dhadhamo diidye?

Markii calanka dheer laga deldeley, daarta dhaladeeda
Ma dhaqaaqin cadowgiiye wuu, dhuudayaa waliye
Kaa dhoofi maayaan haddaan, dhaar la maqashiine.

Dhan kalay ka soo weerareen, dhaqashadeenniiye
Sida bahal raq dhawranaya oo, meel dhabbacanaaya
Hadba dhinac gumeysigu ka yimi, idin dhagraayaaye.

Cali Xuseen Xirsi “Cali Makaadsade”

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2014/05/Makaadsade-Hashii.mp3]

Ama Moobaalkaaga ka dhagayso