(Warbixin+Video) Dowlada Federaalka oo Hub kuso daabulaysa Koonfurta Gaalkacyo

Filed under: Wararka |

(Warbixin+Video) Dowlada Federaalka oo Hub kuso daabulaysa Koonfurta Gaalkacyo
Muddooyinkii ugu dambeeyay Dowlada Federaalka Soomaliya ayaa si wayn Hub ugu soo daadguraynaysay Koonfurta Gaalkacyo oo uu ka arrimiyo maamulka Galmudug.
Xogtan oo soo shaacbaxday todobaadkii ugu dmabeeyay ayaa Warsdidaha Puntlandi uu ogaaday 14/Decembar/2013,waqtigaas oo aan soo bandhignay Warbixin iyo Cadaymo sida Linkigan aad ka daalacan doontaan http://puntlandi.com/xog-deg-deg-ah-oo-muhiim-ahsawiro-wasiirka-arimaha-gudaha-df-oo-hub-iyo-ciidan-ku-ururinaya-koonfurta-gaalkacyo-abaabul-dagaalna-wada/.
Maxamed Cabdi Cilmi ‘’Tima-kalajeex’’ oo ka mid ah Siyaasiyiinta Galmudug oo todobaadakan Saxaafada kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in layaab ay ku noqotay Hubka sida isdaba jooga ah loogu daabaulayo Koonfurta Gaalkacyo,arrintaas oo uu sheegay inay xaqiijinayso Warbixinta Guddiga Dabagalka Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunaqabataynta Hubka saran Soomaaliya iyo Eretaria.
Siyaasigan ayaa hoosta ka xariiqay in Hubkan ay isticmaalan Maleeshiyo Galmudug ah iyo haraadiga Al-shabaab,arrintaas oo si wayn ay dadweynuhu isu waydiinayaan.
Warsidaha Puntlandi ayaa ogaaday 14/Decembar/2013 in Wasiirkii hore ee arrimaha guadaha Dowlada Federaalka Soomaaliya,oo imnka ah Wasiirka amniga Cabdikariim Xusseen Guuleed uu Hubeeyay Maleeshiyo Beeleed ku sugan Koonfurta Gaalkacyo,waxaana arrintaas ay markii dambe horseeday in Maleeshiyadaas ay weerar ku qaadaan deegaanka Godad oo Saldhig Ciidan u ah Dowlada Puntland.
Hubka sida isdaba jooga ah uso gaaraya Galmudug ee ay dhibsadeen Siyaasiyiinta kaso jeeda Galmudug oo Timakaljeex uu ka mid yahay ayaa horseeday in lagu dhibaateeyo dad rayid ah ee Birimagaydada ah.
Dhacdadii ugu dambaysay waxay dhacday xalay,ka dib markii Kooxo Hubaysan ay rasaas ooda uga qaadeen dad ku sugnaa Maqaayad.
Hoos Ka Daawo Siyaasiyiinta Galmudug oo walaac xoogan ka muujinaya Hubka lagu soo daabulayo Koonfurta Gaalkacyo