In ay Doorasho dhacdaa ma macquul baa iyadoon dadka la diinwaan galin, oo aan Aqoonsi loo samayn.

Filed under: Wararka |


election

vote

Soomaalida maanta inteeda waxgaradkaa waxay kunool yihiin wadamada reer Galbeedka waxayna ka qayb qaataan Doorashooyinka ka dhacda wadamada reer Galbeedka.

Qof aan ladiinwaan galin macquulba ma ahan in uu wadanka ku noolaado, Qof aan address ama Cinwaan lowgu soo hagaago aan lahayna macquul ma ahan in shaqo ama waxbarasho lasiiyo, ama xafiiska shaqada laga diinwaangaliyo.

Doorasho in uu ka qaybqaatana macquul marnaba ma ahan ruux aan wax aqoonsiya wadan.

Qurba joogtii reer Puntland iyo dadkii waxgaradka ahaa ayaa aad ula yabaan Ninkii sheegtay in uu yahay DR Faroole Qurbahana mudada ku noolaa isla markaana ahaa Madaxwaynihii dhamaa ee Puntland in uu maanta Shacabkii kula doodayo dad aan ladiinwaan galin oo aan cinwaan loo samayn baa doorasho galaya.

66 Xildhibaan ee mustaqbalka Dooranaya Madaxwaynaha ayaa ladoonayaa in ay soo doortaan bulshadu, si markaas ay Baarlamaanka u yimaadaan Xildhibaanadii asalka ahaa ee matalayay dadka reer Puntland sow ma haboona in ay Xildhibaanadaas si sax ah usoo baxaan.

Kawaran Matalan hadii uu hal qof 100 jeer Codeeyo see lagu xaqiiqsanayaa mar hadii aynanba dadku diinwaan gashanayn, mar hadii shacabkii aynanba aqoonsi lahayn, mar hadii aanuba jirin Xafiiskii Diinwaangalinta ee Degmooyinka, mar hadii aynanba shacabkii lahayn Cinwaan ugooniya.

Matalan markii uu faroole joogay Australia Faroole dabcan wuxuu tagay xafiiska Rajiistarayshinka, kadibna waxaa loo sameeyay Kaadh Aqoonsiya, kadibna waxaa lasiiyay meel uu dago, oo halkaas ayaa noqotay meeshii lowgu soo hagaagayay oo lagala soo xiriirayay.

Markaas ayuu Faroole Noqday nin katirsan Shacabka Australia oo layaqaan meeesha lowgu soo hagaago, markaa kadib ayaa dabcan Faroole lasiiyay Baasaboor australiaan ah.

Markaas kadib ayuu xaq u yeeshay in uu kaqaybqaato Doorashooyinka oo uu u codeeyo ruuxa uu siyaasadiisa ku qanco.

Halkii Faroole asagoo waxaas oo dhan og ladoonayay in uu Bulshadiisa baro wixii uu Australia kusoo arkay, ayuu inta wixii oo dhan iska indha tiray doonayaa in uu u horseedo Nidaam gabigiisuba aan waligiis aduunka laga maqal oo aan sinaba macquuul u ahayn.

Halkaan ka dhagayso sida uu Cabdiraxmaan Gablax uga digay sanad kahor bulshadda Puntland in ya ka feejignaadaan khidada beentaa ee Faroole

Ama Moobaalkaaga ka dhagayso

One Response to In ay Doorasho dhacdaa ma macquul baa iyadoon dadka la diinwaan galin, oo aan Aqoonsi loo samayn.

  1. Pingback: Dhegeyso Talooyinkii Gablax Soo Jeedinjiray 4 Sano Ka Hor Oo Maanta Ka Baahi Badan 4 Sano Kadib (Qormo Gaaban) | Puntland Observer